Labadaan qodob ee aan soo xusnay waxay qayb xoog leh ka qaateen in dalka uu ku sii jiro dhibaatooyin isugu jira Jahli, Gaajo, Cudurro iyo dowlad la’aan muddo ka badan 14-sano, haddana waxaa muuqata in uu magan u sii ahaan doono dalku dagaallo sokeeye oo lagu hoobto inta beesha caalamku gardaadinayso kuwii shacabta ka galay dambiyada iyo naxariis darrooyinka isugu jira; Dilalka, Kufsiga, Afduubyada, Caga juglaynta iyo kuwo kale oo fara badan.
Haddaan in yar booqanno shirka ka socda dalka Kenya waxaad ka garan kartaa in uusan waxba dhaamin; dhaamina doonin shirarkii isaga ka horreeyay ee ka dhacay dalalka dariska ah, waxaana kuu caddeyn kara hadallada is dhaafdhaafka ku dhisan ee ka soo baxaya Mas’uuliyiinta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya oo ay ka mid yihiin IGAD, Erayga dowladda Kenya u magcowday Shirka Ambassador Mohamed Abdi Afey, Ergayga Dowladda Talyaanigu u magacowday isla shirka Kenya iyo Midowga Africa (AU)-da.
Waxaa la filayay in 30-kii July lagu dhawaaqo golaha baarlmaanka ku meel gaarka ah oo ay u dhan yihiin xubnihiisa, waxaana uu Maxamed Cabdi Afeey sheegay dhawaan in lagu dhawaaqi doono xubnaha golaha baarlamaanka 30-ka July; isla markaana aanan loo xayirnaan doonin qolyaha weli ka caga jiidaya inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqon lahaa baarlamanka cusub ee Soomaaliya, hadalkaase wuxuu noqday mid aan lahayn sal iyo raad.
Dhammaan shirarkii loo qabtay Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo uu qabiil hor kacayay, waxaad maqlaysaa inta uu socdo shirka in Qabiil hebel uu saluugay tirada xubanaha uga qaybgalaysa shirka ama xubnaha uu ka helay maamulka lagu dhisayo shirkaas, sidaas daraadeedna ay diideen xubnihii loogu talo galay shirka inay ka qaybgaal inay sii wadaan wada hadallada ka socda madasha shirku ka socdo oo ay qaadaceen, haddaba, waa yaabe qabiil haddii uu wax qaadaco qaranna waa see xaalkiisu?.
Waxaan xusuusannaa in shirarkii loo qabtay Soomaaliya kii ugu wanaagsanaa uu ahaa kii Carte Jabuuti ka dhacay 1999-kii, isna waxaan maqlaynay habeen iyo maalin waxaa shirka ka baxay Qabiil hebel iyo qabiil hebel, waxaana kaaga sii daran in shirku uu u hakanayay Qabiil, marka maba ila ahan ilamana ahayn in shir Soomaali loo qabtay ay ka soo bixi karto dowlad lagu nasto inta Qabiilka la Cizeeyo ama uu shirku u hakanayo.
Shirka Kenya haatan ka socda waxaa cad in qabiil uu u xanniban yahay maanta oo uu la dhaqaaqi la’yahay, taasina waxay noo caddeynaysaa in weli qabiilku uu leeyahay geeso iyo awood uu ku maquunin karo Qaranka, inta Qaranka Maquusan yahayna yaan la sugin dowlad ka dhalata Somalia.
Ogaada Soomaaliyeed Qaran waa dhise, Qabiilna waa dumiye.