Co.cabdulahi Yusuf muxuu ka qabtey Amniga iyo Horumarka Puntland ?
W/Q: Mohamed Ali farah
m_alishiino@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato neebigeenii suubanaa ( S.c.w )
Ugu horeen waxan mahad gaar ah usoo jeedinayaa bahwaynta somalitalk.com
Tan iyo markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Somaliya waxaa soomaaliya guud ahaan soo food saaray dhibaatooyin farabadan haba u badnaatee koonfurta somaliya , wadanka waxaa ka bilaabmay dagaalo sukeeyo kaas ilaa iyo maanta dhibaatadii ka bilaabatay wadanka xalkeedii la la’yahay,
Si kastaba ha ahatee waxaa ka badbaaday burburkii ka dhacay wadanka Gobolada qaarkood, gaar ahaan Gobolada ay ka koobantahay Dowlad Goboleedka Puntland ,goboladaas oo caan ku ah nabad iyo kala danbeen taas ku timid shacabwaynaha Puntland oo ah dad nabada jecel ,
Dowlad Goboleedka Puntland waxaa la asaasay sanadkii 1998dii ,kadib markii waxgaradka , siyaasiinta iyo isimada Puntland ay go’aansadee in inta xal loo helayo dhibaatada wadanka ka taagan ay sii samaystaan dowlada goboleed iyaga u gaar ah ,taas ujeeda u wayn ay ahayd ee loo dhisay amniga iyo hor u marka Puntland .
Hadaba akhriste su’aasha waxa ay tahay Co.Abdulahi yusuf muxuu ku soo kor dhiyayay amniga iyo hor u marka Puntland ?
Ka hor dowlad gobleedka inta aysan yeelan Puntland waxaa ka jirey gobolada Puntland kala danbeen , Ganacsi furan (free business) ay dhamaan bahwaynta soomaliyeed ay ka ganacsadaan , gudaha Puntland
Teegeerayaasha Co.ka ayaa waxa ay ku doodaan Cabdulahi baa Puntland Nabad ka dhigey marka ay ka hadlayaan wax qabadkisa . dadka reer Puntland waxa ay ku hanweenaayee in ay helaan kala danbeen iyo horumar laakiin nasiib daro Co,ku waa ka soo bixi waayay masuuliyadii iyo xilkii ay u dhiibteen shacabwaynaha reer Puntland , Co cabdulahi Yusuf waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ka bilaaba Puntland xabad iyo xasilooni la’aan , ka gadaal markii uu ka bilaabay dagaal Puntland dhexdeeda kaas oo waaya arag ay uyihiin dad waynaha reer Puntland dhibaatadii iyo bur burkii ka soo gaaray ,
Taas waxaa ka sii darnayd Markuu yiri Puntland baa argagixiso ku joogtaa aduunwaynaha oo dhan ka dhaadhiciye , xiligaas oo Puntland qarka u fuushay in loo duqeeyo sida Afghanistan , iyo Iraq oo kale . aduunka lama arag nin sheeganaya masuul oo dhibaata usoo jiidaya wadankiisa aan Co.cabdulahi ahayn ,
Dhinaca kale Co.cabdulahi yuusuf waxa uu si toos ah u hor istaagay hormarka Puntland isaga oo hor istaagay Investment lagu samayn lahaa Puntland , mawaadiniin badana ka hor istaagay in ay wadanka horumar ka sameeyaan , tu saale ahaan , waxaa loogu deeqay magaalada ganacsiga Puntland Bossaso Airport (madaar) ay ugu deeqday Dowlad Emirate ka carabta kaas uu si toos ah u hor istaagay . safarkiisii ugu danbeeyay hada uu ku tegay Puntland waxa uu joojiyay Nadwo (muxaadarooyin) cilmi ah oo ka socotey masjidka Ramadan ee magaalada Galkacyo , taas oo tusaale u ah in uu maalinta danbe dheho Masaajidda hala xiro waayo hadii uu joojiyay Muxaadaradii waxaa aynu sugnaaba waa taas , taas waxaa ka sii daran Lacag falis ah oo uu soo samaystey taas oo sababtey in sicirka dolarka uu kor u kaco ,dadka ay ku adkaato nolol maalmeedkii ama sicir barar (Inflation)
Ugu danbeen waxaan u soo jeedinaya dadwaynaha Reer Puntland in ay ka tashadaan aayahooda iyo sidii ay horumar iyo hogaan wanaagsan ay u heli lahaayeen ,
Wabilaahi Towfiiq
W/Q: Mohamed Ali farah
m_alishiino@hotmail.com
.Prof.Cali Khaliif Galayr V/s Co. Cabdulahi Yusuf
.RIYAALE MAKAGA DHABAYN KARAA HANJABAADIISA?