Ma hub ka dhigis baa mise waa hoy u noqosho cudur halis ah?
Nuradin Aden Dirie
ndirie@hotmail.com
Waxaa arrin igu adag ah in aan qoraalkan ku bilaabo rajo yaraan aniga oo ay igu hareereysan yihiin asxaab aad ugu rajo weyn in ay Somaaliya mar uun u dhalato dowlad isu keenta dantoodana ka shaqeysa. Asxaabteydu waxaa ay ka rajo qabaan shirka ayaamahan ka socda Kenya, waxeyna si xiisa leh u sugayaan in maleeshiyaadka hubka sida sharci-darrada ah u sita ay hubka ka dhigaan ciidamo Afrikaan ah oo la sugayo in waddanka la keeno. Markaan dib ugu noqdey inta aan ka aqriyey ciidamada Afrikaanka ah dibna u jaleeco waxa aan ciidamadaasi ka ogahay ayaa ay arrintaasi igu dhalisey naxdin iyo welwel weyn oo aan u qabo mustaqbalka waddanka Soomaaliyeed in uu ka mid noqdo waddamada deriskiisa ah ee uu hoog iyo halaaguba ka heysto cudurka maanta dunida ugu khatarta badan ee HIV/AIDS. Asxaabteydu waxey durbadiiba u qaateen in welwelkeygu uu yahay mid aan mudneyn in ahamiyaddaas la siiyo maadaama aan ku jirno xaalad dowlad la’aan ah eyna waxba wax ka daran yihiin. Arintaas anigu waxaan u qaatey oonka aan u qabno dowlad mar noo dhalata in ayna hilmaansiin karto khatar aanan maanta u baahneyn berina xalkeedu nagu adkaanayo.
Ciidamo Afrikaan ah oo Somaaliya la keeno waa khatarta ugu weyn ee ay ummadda Somaaliyeed maanta u bareeri karto. Khatartaa oo mid ka weyn aysan weli taarikhda Soomaaliyeed soo food saarin.Waa su’aal xaq ah in aad akhistow is weydiiso, sidee bey arintaasi ku dhacday? Waxaan isku dayayaa in aan soo bandhigo sababaha igu kallifey in aan mowqifkaas qaato iskuna dayi doonaa in aan xaqaaq’iq ku saabsan HIV/AIDS aan soo bandhigo si ay noogu muuqato khatarta una saarno miisaan rasmi ah inta aanan go’aankaasi qaadanin. Waxaaan qabaa in go’aanka kama dambaysta ah ee in ciidamo shisheeye waddankeena la keeno iyo in kaleba uu weli gacantayada ku jiro. Waxaa kale oo aan isku dayi doonaa in aan so bandhigo arrimo kale oo badiil u noqon kara fikradda ciidamada Afrikaanka ah. Arrimahaas oo aan aamminsanahay in hubka looga dhigi karo maleeshiyaadka laguna sugi karo nabadgelyada iyo kala danbeyntaba ayadoon loo baahan in cudurkan khatarta ah loo soo dhoofiyo Somaaliya.
Aan si bareer ah u bilaabee, ciidamada waddamada Afrika gaar ahaan kuwa ka yimid waddamada lagu magacaabo “Sub-Saharan Africa” waxaa uu cudurka HIV/AIDS ugu faafsan yahay si aad u ba’an. Daraasado kala duwan ayaa ku qiyaasey tirada ciidamada waddamada Sub-Saharan Africa ee cudurkaasi qabtaa in ay u dhaxeeyaan 10% - 75%. Sida uu cudurkaasi ciidamadaasi ugu faafsan yahay xitaa waxey aad uga badan tahay tirada dadka cudurkaasi qaba ee aan ciidanka aheyn ee waddamadaas u dhalatey. Haddaan si kale u macneeyno tobankii kun (10,000) ee ciidamo qalabka sida ee wadamadaasi ka yimaada waxaa ay tirada cudurka HIV/AIDS qabtaa ay le’ekaan kartaa ilaa iyo 7,500 (todoba kun iyo shan boqol oo askari). Haddii aad xaqiiqadan tirada ah aad qaadato oo aad u geyso xaqiiqada la wada ogsoon yahay ee ah in ciidamada qalabka sidaa ay da’doodu u dhexyso kuwo lagu tilmaami karo (sexually active age group) amaba dad xaaladaha jinsiga ah aad ugu kulul, una badan yihiin kuwo heerka waxbarashadoodu ay hooseyso, lehna dabeecadaha iyo dhaqanka ah in ay khatarta u bareeraan maaddaama uu isu haysto askari wax walba ka awood badan, waxaa ay arrimahan oo la isu geeyey ka dhigeysaa ciidamadaasi wasiilada ugu wanaagsan iyo hubka ugu culus ee uu cudurkaasi ku faafi karo.
Waa gar in lagu doodo in ciidanka la xakameyn karo, dadka Soomaaliyeedna ay naftooda ka adkaan karaan. Run ahaantiina arintaasi dadka qaarkiis waa ay ka suuroobi kartaa balse waxaa iyadana meesha ku jirta xaqiiq kale oo aan la iska indha saabi karin. Waxaad sawirataa hooyo baahan oo agoon korsaneysa waxey siisana aan haysanin iyo wiil askari dhallinyaro ah oo gurigiisa waqti dheer ka maqan dadka uu la joogana ka dhaqaale roon. Xaqiiqadaasi jirtaa waxaa ay si cad iigu sheegeysaa inay u badan tahay in labadaasi qof is arkaan, ganacsina dhex maro. Waxaa kaloo meesha ku jirta in ciidamada Afrikaanka ahi aan si ku fillan loo dhaqaaleyn si adagna aan loo maamulin loona hogaamin, tabartooda saadka ahna ay ka liidato in ay barnaamijyo ka hortag cudurkaas ah ay hirgeliyaan. Arrimahaas oo dhanna waxey isugu soo biyo shubanayaan in khatarta inagu soo food leh ay tahay mid in la joojiyaa ma ahee aan la maaren karin.
Maxaase welwelka keeney?
Balse maxaa ku jaban haddii aan ugu danbeyntii yeelanno dowlad dhisan oo sida waddamada deriskeenna ah leh dad fara badan oo cudurkaasi qaba? Miyaan runtii maanta u baahannahay in aan HIV/AIDS aan aad ugu welwelno maaddaama aan ku jirno xaalad dagaal-sokeeye oo aan maalin walba is leyneyno, dadkeenuna ay dhimanayaan, ayuu i weydiiyey saaxiibkey. Waxaan baaritaan ku sameeyey arrinta dhimashada ah iyo waxa ay dadka u dhintaan waxaana runtii ii soo baxdey arrin aan la yaabey. Waxaa ii caddaatey sababta ugu badan ee Afrika guud ahaanba loogu dhintaa in aysan dagaalada-sokeeye aheyn ee uu yahay cudurkan HIV/AIDS. Sanadkii na dhaafey oo keliya waxaa uu HIV/AIDS ku diley waddamada Sub-Saharan Africa dad dhan laba malyuun iyo laba boqol oo kun oo qof (2.2 million). AIDS waxaa uu ilaa iyo hadda waddamada Sub-Saharan Africa uu ku diley hal amaba labada waalid ee agoon tiradeedu le’eg tahay laba iyo toban malyuun oo agoon (12 million). Waxaa kaloo ka sii naxdin badan in saadaasha mustaqbalkana ay tahay in uu dad farabadan HIV/AIDS layn doono.
Tusaale ahaan South African Medical Research Council waxaa uu saadaaliyey in marka la gaaro sanadka 2010, in uu HIV/AIDS waddanka South Africa oo keliya markaasi ka diley lix malyuun oo qof (six million people) dad tiradooduba ku dhowdhowdahay tirada dadka ku nool Soomaaliya oo dhan. Waxaan kaloo qiyaas ku sameyney dadkii ku dhintey dagaalada sokeeye ee Soomaaliya tobankii sanadood ee la soo dhaafey (1994 – 2004) waxaana noo soo baxdey in marka dadka Somaaliya dagaaladaas ku dhintey tobankaas sanadood oo dhan la isu geeyo ay ka yar tahay inta HIV/AIDS sanadkii la soo dhaafey oo keliya ugu dhimatey Eithiopia oo keliya. Sidoo kale Kenya, Tanzania, Zambiya, Zimbabwe, South Africa iyo waddamo badan oo Afrika ka mid ah. Jawaabtii saaxiibkey aan siiyey waxey noqotey haa aad ayaan ugu baahannahay in aan HIV/AIDS uga welwelno.
Inkastoo ay dhimasho dhimasho tahay haddana farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya dhimashada maleeshiyaadka hubka sidata oo dadka ayaamahan dagaalada ku dhinta Soomaaliya u badan iyo dadka uu HIV/AIDS dilo. AIDS waxaa uu ugu horreynba dilaa dadka cududda shaqeysa u ah waddan kasta. Waxaana uu baabi’iyaa dadka laf- dhabarta u ah dhaqaalaha waddankaasi sida dhakhaatiirta, macallimiinta, baayac- mushtarka iyo dadka dowladda u shaqeeya. Sida ay sheegtey hay’adda United Nations Programme on HIV/AIDS (UNAIDS), AIDS waxaa uu tirtiraa horumarka dhaqaale, caafimaad iyo kan bulsheed oo la soo dhisayey tobanaan sano. Waxaa uu aad hoos ugu dhigaa cumriga shacbiga waxuuna aad dhidibada ugu aasaa faqriga wuxuuna aad u siyaadiyaa yaraanshaha cunadda. Waa xaqaai’iq aad looga naxo marka aad maqashid in waddamada ay ka midka yihiin Swaziland, Zambia iyo Zimbabwe, in cumriga shacbigooda la sugayo in uu hoos ugu dhaco in ka hooseysa 35 sanadood. Taa macnaheedu waa marka la isku celceliyo, qof kasta oo waddamadaasi u dhashey in uu sugayo in aysan da’diisu gaarin 35 sanadood.
Waxaa arrimahaasi ka sii naxdin badan in daraasado laga sameeyey waddamo Afrika ka tirsan ay qiyaaseyso in boqolkiiba 53 % dadka ka shaqeeya caafimaadka, sida dhakhaatiirta, kalkaalyayaaysha iwm, ay u dhinteen cudurka HIV/AIDS. Waddamada ay ka midka yihiin Kenya, Uganda, Swaziland, Zambia iyo Zimbabwe waxaa uu cudurka u geystey in ay aad u yaraadaan macallimiintii dugsiyada. Hay’adda International Labour Organisation waxaa ay iyaduna saadaalisey in marka la gaaro sanadka 2020 ay cudduda shaqaalaha waddamadaas Afrikaanka ah ay boqolkiiba hoos u dhici doonto 35% cudurkaas dartiis. Haddaba su’aasha ina hortaalla soomaali ahaan waxaa weeye khatarta intaa le’eg ma soo dhoofsan karnaa?
Khiyaarka aan haysanno
Waxaa kaloo iyaduna su’aal in la is weydiiyo mudan ah in aan haysanno khiyaar kale oo aan maleeshiyaadka hubka uga dhigi karno? Waa su’aal aan is weydiin karno in maanta walaalaheenna Afrikaanka ah ay diyaar u yihiin in ay arrintaas naga caawiyaan, qof kale oo noo diyaar ahna uusan noo muuqan. Anigu waxaan aamminsanahay in aynu khiyaarro kale oo fara badan aan haysanno si aan u gaarno ulajeedada ah in hubka sharci-darrada ah la uruuriyo nabadgelyadana la sugo. Waxaa marka ugu horreysaba inoo bannaan in aan waxba ciidan lagu degdegin ee si tartiib tartiib ah ay isu garab socoto intey doontaba ha qaadatee in dadka iskood ay hubka isaga dhigaan, boolisna la tababarto, tartiibna nabadgelyada loo sugo ileyn tobankii sanadood ee ugu danbeysey Soomaaliya iskeed ayey uga yaraatey dagaalada qabiil. Tusaale ahaan 1991- 1993dii waxaa suurtagal aheyd in uu hal dagaal-ooge meel fagaare ah ka yiraahdo qabiil hebel baan soo xasuuqayaa ee ha la i raaco dabadeedna ay kumanaan kun oo dhallinyaro, odayaal iyo waxgaradba uu hor kaco si uu qabiilkaas u soo xasuuqo. Maanta arrintaasi waa ay adag tahay in ay suurta gasho waana biseyl la gaarey. Waxaa hadaba muhiim ah in biseylkaas la adeegsado lana xoojiyo loogana faa’iideysto in nabadgelyada lagu sugo.
Waxaa kaloo noo bannaan in aan innaga Soomaali ahaan sameysanno ciidan degdeg ah oo ulajeedadiisu tahay sugidda nabadgelyada iyo ka dhigista hubkaba. Oo howsha ugu horreysa oo ay dowladdu qabato ay midaas noqoto. Ciidankaas oo ka kooban dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ahna mid la isku dhafey. Doodda ah inaynaan is aamini karin waa in laga gudbaa sababta oo ah ugu danbeyntii mar ay noqotaba waa in la sameeyaa ciidan Soomaaliyeed waxaanan anigu soo jeedinayaa in aan waxba lala sugin oo hadda sameynteeda si degdeg ah loo hirgeliyaa. Haddii aan soo jeediyo qaaciddo si degdeg ah ciidankaas loogu sameyn karo waxaan oran lahaa; halagu qasbo qof kasta oo ka mid ah 274-ta xildhibaan in uu keeno boqol qof (100) oo ka mid noqota ciidankaas degdegga ah. Waana in uu xildhibaan walbaa soo diyaariyaa kharashkii, mushaarkii iyo saadkii ku bixi lahaa boqolkaasi askari sanadka soo socda oo dhan. Sida maanta loo qeybsadey baarlmaanka somaaliyeed, xildhibaan kastaa beel buu matalaa, beesha uu matalona waa in uu cududdaas iyo dhaqaalahaasba ka soo diyaariyaa. Xildhibaankii aan mas’uuliyaddaas ka soo bixi karinna meesha ha isaga tago. Beeshii aan awoodda u laheynna tirada xildhibaanada ay qaadatey ha iska yareyso.
Xildhibaanku wuxuu leeyahay keenista boqolka askari iyo kharashka ku baxaya sanadka soo socda balse ma uu laha hogaamintooda iyo amarkoodaba; arrintaas waxaa loo deynayaa saraakiishii Soomaaliyeed inta nadiifka ah ee ka hartey in ay ciidankaas meel isugu geeyaan, isku dhafaan, si sharaf lehna u hogaamiyaan. Amarka ay ciidankaas ku howlgalayaanna wuxuu ka iman doonaa go’aan codeyn uga soo baxa baarlamaanka oo dhan. Waxaan anigu weliba qabaa in shardi looga dhigo xildhibaan kastaa in uusan kursigiisa ku fariisaneyn inta uu ka soo baxayo waajibaadkaas. Waa in si dhab ah loogu caddeeyaa in xaqa aad leedahay iyo waajibaadka ku saaran ay is garab socdaan oo xildhibaanku xaq wuxuu u leeyahay in uu beeshiisa matalo waxaana waajib loogu leeyahay in uu mas’uuliyaddiisa ah sugitaanka ammaanka qaranka uu ka qeyb qaato. Waxaa surtagal ah in ay qaaciddadani haddii aan ku dhaqaaqno ay noo soo shaacbixiso beeshii xildhibaanno aysan xaq u laheyn qaadatey.
Waxaa kaloo inoo bannaan in aan ciidamo weydiisanno waddamada Muslimka iyo kuwa Carabta ahba. Ciidamadaas oo cudurka HIV/AIDS uu aad ugu yar yahay. Waxaa suurtagal ah in aysan hadda waddamadaasi laheyn ciidan baan idiin haynaa balse aan aamminsanahay haddii la weydiisto in ay diyaar u noqonayaan. Ma dad aan diyaar noo aheyn ayaan barinaa bay i weydiiyeen saaxiibaday? Waddamada Carabta iyo kuwa Muslimiinta ah kolley iyo kolley xaaladda aan hadda ku jirno ma ay hureyso in aan uun wax ka barino oo aan kaalmo dhaqaale weydiisanno. In aan waddamadaas ciidan weydiisanno waa ay nooga dhib yartahay in aan waddanka cudurkan khatarta ah aan ku soo fasaxno. Waxaa dhici kartaa in ay jiraan waddamo Soomaaliya si ugu lug lahaa, qeybaha Soomaaliya isku hayana si ugu kala xaglinayey balse waxaa iyana jira kuwo dhexdhexaad ka ahaa arrinta Somaaliya waxaan wanaageenna aheynna aan marnaba ka talin sida Syria, Pakistan, Tunisia, Maroco iyo kuwo badan oo la mid ah.
Gunaanad
Aniga iyo asxaabteydii markaan mawduucaan isku afgarannay oo aan isku fikrad ka noqonney baa haddana welwelkeygii sii batey oo sii labanlaabmey. Waxaan aad uga cabsi qabnaa in waddanka hub-ka-dhigistiisu isu badesho in wadanka lagu hubeeyo cudur aafo ah oo waddanka oo dhan baab’in kara. Haddaba labada go’aan ee loo baahan yahay in ay dowladdii timaadaa ay kala qaadato waa midka sahlan ee ah ciidan aan waddan ku xukumo inoo keena oo weliba Afrikada maanta diyaarka ii ah iiga keena oo ii soo dedejiya, khatarta ay berri keeneyso HIV/AIDS iyo wixii la mid ahna dadka bey u taalaa. Iyo go’aanka ah in aan kulligeen ka qeyb qaadanno in aan ammaankeenna sugano oo xildhibaan kastaa waajibaadkiisa ka soo baxo ee uusan sugin oo keliya mushaar la qaato iyo kursi lagu fariisto balse dowrkiisa iyo dawrka beesha uu mataloba ay meesha soo galaan. Howl adag ayey inooga baahaneysaa in aan sidatan waddankeenna ammaankiisa ku sugno balse waa ay u qalantaa in howshaas iyo juhdigaas aan ku bixinno intii aan waddanka u soo dhoofin laheyn cudur aanan beritto khatartiisa iyo dhibkiisa ka bixi karin.
Nuradin Aden Dirie
ndirie@hotmail.com