cali kahliif ma ubaal gudidoonaa
Beesha Cali Saleebaan
shir wadatashi ahaa oo ay isugu yimaadeen beelaha cali saleebaan ee degan dalkaan isutaga imaaraatka carabta ayaa ka dhacay magaalada shaariqa gaar ahaan hotel miliniom habeenimada 15-7-2004 ayeey beeshu kaga hadleysay arimaha ka taagan puntland iyo shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee haatan ka socda duleedka magaalada nairobi ee dalka kenya iyo siday beeshu uga qayb qaadan lahayd shirkaas wixii kaga aadan
.
Xubnaa kasoo qayb galay oo gaarayey ilaa ilaa 250 qof oo isugu jira qaybaha bulshada ee beeshaas ayaa hal mar u codeeyay in taageero hiil iyo hooba leh ay siiyaan beesha daarood mudane cali khaliif galayr inuu noqdo musharaxa beesha ee madaxweynenimada soomaaliya sidoo kale ayeey xubnaha qaybtood ku tilmaameen muadane cali khaliif galayr inuu yahay nin geesi ah; kartina u leh jagadaas inuu hogaamiyo qaranka soomaaliyeed; waxaan qoraal dheer jaaliyadu u qortay dhamaan xubnaha darood ee shirka ka gayb gelaya
wararka kaimaanya dubai ayaa sheegaya in beesha calisaleebaan ay bixisay lacag gaaraysa 500,000$si ay ugu taageeraan prof.calikhaliif si akstaba ha ahaatee dhowaan
Nairobi July 14: Nairobi July 14: Qado sharaf maanta lagu qabtay Hotel-ka Hilton ee magaalada Nairobi,taasoo uu soo qaban qaabiyay Ra’isul wasaarihii Hore ee Dowlada KMG-ka Prof: Cali Khaliif Galeyr isagoo isugu yeeray Hoggamiyaasha Kooxaha, iyo Aqoonyahaniinta Beesha Daarood ee haatan ku sugan Magaalada Nairobi.
Prof: Galeyr oo qadadii ka dib hadal gaaban meesha ka jeediyay ayaa mas'uuliyiintii beesha Daarood u sheegay in Imaatankiisa Nairobi ay ugu weyntahay inuu gacan ka geysto sidii loogu guulaysan lahaa hanaanka wada hadalada Soomaalida ee mudada dheer ka socoda Wadanka Kenya,waxa uuna hadalkiisa ku sii daray inuu illaa iyo hadda wado xiriiro uu la sameeyey dhamaan beelaha Soomaaliyeed, xiriiradaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo uu ku baadi gooboyo in la helo dad Soomaali uuna Doonaayo in uu mar labaad isa sootaago waa Hadii ay suurto gal u noqteen.
Gaba badiina waxa uu Galeyr wax laga xumaado ku tilmaamay in beesha Daarood ay shisheeye wax u soo qeybiyaan,waxa uuna sidoo kale ku nuux nuuxsaday in ay tahay arintaan mid taariqda beesha dilayso,mana ahan ayuu yiri,anagoo walaalo ah in IGAD wax inoo qeybso, waxa uuna xubnihii qadada ka soo qeyb galay ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Sidii la isugu keeni lahaa Beesha Daarood,waxa uuna sheegan in uu isagu Diyaar u yahay wax walba oo loogu baahdo.
Si kastaba ha ahaatee taageerada uu doonayo Galeyr ayaa dadka waxa ay is weydiinaan in uu heli karo iyo inkale maadaamo ay Beelaha qaakood ay ka soo horjeedaan Galeyr una arkaan nin dhan u janjeero waloow dadbadan oo xaalada Shirka saadaaliyo ay ku timaameen in uu heli karo ka sumacad wanaagsanyahay Col:Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
markaa calikhaliif oo shirkii cartana soomaali badan oo wadatay isaga ay kutareen xoolo farabadan ayaa maanta waxa uheelan beelaha calisalaebaan duduble habargidir cayr iyo kale oo hoos ahaan utagageersan marka besha calisaleeban madama ay noqotay beshii daarood ee ugu horeysay ee siisa taagero intaa le"eg cali manoqon doonaa mid ubaalguda besha cali saleebaan
c/risak A.ali kaneec
kaneec1@hotmail.com