SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

   soomaali xal madoonaysaa?

nuur laanbad
Assalaamucalaykum.
 
 salaantaas kadib waxaan jeclahay inaan aragtidayda si aan badnayn u soo bandhigo, si aan uga qaybqaato inaan wax ka idhaahdo waxyaabaha aan u arko in ay xal u noqon lahayd soomaali waa hadii ay ka tallaabsatay sida ka muuqata kitaabka ilaahay.
 
  horta qofkii caqli leh waa garanayaa waxa kaliya ee xal u noqon kara khilaaf kastoo yimaada, intuu doono ha leekaadee. waana kitaabka ilaahay iyo sunnada nabigeena(n.n.k.h) sidaa daraadeed waxaan jeclahay maadaama kaa la waayay ama la iska indho tiraayo inaan soo jeediyo waxyaabo kale oo laga yaabo si wanaagsan haddii loo fuliyo inay xal u noqon karto, dhibaatada jirta maanta.
 
  1= anigu waxaan aamin sanahay dhmmaan dagaal oogayaasha jooga soomaaliya iyo kuwa ku maqana dibadaha ee la og yahay inay lug ku leeyaihiin dhibaatooyinka jira in la qabqabto ka dibna la laayo, looguna hareysiiyo kuwa hadda ku suga dalka kiinya, ee mudada sanadka iyo badhka ku sugnaa halkaa.
 sababtoo ah maqabo inay xal keeni doonaan haddii ay gacanta u gasho talada dadka, horaana loogu tijaabiyay, waxay cunaan ama cabaan ,iyo meelo ay meeraystaan iyagoo sharaftii umada huwan wax aan ahayn oo garanayaan ma jirto;;;;, waa kuma ninka leh wax intaa ka badan ayay yaqaanaan?mase leeyaihiin caqli ay umadooda kaga fikiraan inay kaga saaraan dhibta haysata.
  2= ha loo yeedho dhammaan umadan soomaaliyeed hormoodkeeda, sida culimada, salaadiinta, cuqaasha, iyo wax garadka kale, si ay uga tashadaan aayahooda.
  3= waa in ay umadani dalkooda gudihiisa kuwada hadlaan oo aanay cidna meel kale ka martiyin.
  4= waa inay ka baxaan dhexdhexaadita umadan dadka aan ka raalida ahayn maslaxadooda, ee marwalba la canbaareeyo, am laga shakisan yahay.
 
 
nuur laanbad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD