SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Qaran qabiil lagu qaybsanayo 61*4+31=275

Intii aysan soomaaliya xornimada qaadan waxaa dadka badankiisu ay dhalisha dusha ka saarayeen gumaysigii nahaystay kuwaasoo u arkayay inuu yahay mid umada ula dhaqmayey si arxan daraa oo aan u aaba yeelayn dadka iyo diintoodaba.

marwalbana ahaa mid ku tacadiya xaquuqul insaanka kana hormariya wax walba dantiisa iskuna dayi jiray inuu kala saar saaro dadka si uu u helo wehel uu kaga gaban karo hajuum oga yimaada inta wax fahanta ee ka dhiidhida arxan daradiisa.
waxyaabihii ugu darnaa ee lagu bartayna waxaa ka mid ahaa siyaasadiisii guracnayd ama oraahdiisii noqotay mid jiilba jiil oga sheekeeyo taasoo ahayd qaybi oo xukun runtii waxaan kamid ahay in badan oo oraahdaasi sheeko ku soogaartay ama ka aqrisatay qoraalo ay qoreen dad ayagu kasoo xigtay ilo lagu kalsoonaan karo kuwaasoo runtii si ba an u can baareeyey uguna fogaaday ka sheekeenteeda taasoo ay is lahaayeen bal ha u noqoto umada idinka danbaysa digniin iyo waano oo yaysan dhicin in ay markale taasi soo noolaato.
 
hadaba aqristoow soow nasiib daro maahan maanta oo laga soo wareegay xilagaas sanooyin badan oo aanan ka cabsanayn gumaysigii aan eedayn jirnay aduunkiina sameeyay isbadal weeyn haysana dhul xora oo ilaah nimco iyo khayraadba siiyay in aan ka fursan weeyno in qabiil aan wax ku qaybsano oo 61*4+31=275 ama hadaan si kale u iraahdo afar iyo bar uu baarlamaankeenii noqdo.
 
waa wax laga naxo laga xishoodo loona baahan yahay in laga hortago bal maxaa lagu kala qorayaa kuraasta ay fadhiisan doonaa iyoo boosaskooda(reer qurac reer qansax,reer jini iwm mise waxaa lagu qori doonaa qaab tiro ahaan sida 1,2,3,4 iyo ½ tan danbe ee xisaabtaa haday noqoto waxaan shaki ku jirin in dhibaato horleh ay abuuri doonto oo qabiil walba waxuu rabaa inuu helo NR 1 oo waxay u fasiranayaan in sida loo kala namber horeeyo lookala fiican yahay ama loo kala qabiil badan yahay oo qabiilna ma rabo inuu noqdo NR 4).
 
Waxaa iyaduna is weeydiinle haday hirgasho dowladaas qabiilka lagu qaybsaday yaa madaxweeyne noqonaya kan madaxweeynahaa soo maahan mid kasoo dhex baxay qabiiladaas hadaba inteebeey le ekaan kartaa kalsonida reer qurac ay uhayn karaan marka reer qansax uu madax weeynuhu noqdo cadaalada uu sameeynkaraana inteebay le ekaan kartaa maskiinka aan isagu ku lahayn xubin baarla maanka xaqiisa xagee u doonan markaan rabo inaan kasafro raas casayr una safro raas gabooni mawaxaan jidkaas dheer ku dhex marayaa ma sidii anoo ah muwaadin soomaaliya mise anoo ah ina qurac oo meeshaan maraba waa inaan wal wal iyo walbahaar kujiraa.
 
ma dagi karaa,dhisan karaa maal gashan karaa meeshaan doono mise marwalba waa in  kafiil layga ahaadaa sidii anoo ku nool dhul shisheeye marka laga reebo meesha qabiilkaygu ku badan yahay waa ognahay soomaaliya ma jiro gobal la dhihi karo hal qabiil baa leh halagu kala badnaadabee hadaba kuwa laga tirada badan yahay mawaxay ahaanayaan waligood kuwa dulmanaada oo dulmi ku jira mise waxaa lagu qasbayaa inay qabiilkooda meeshuu ku badan yahay ay u guuraan wax yaabahaasoo dhan waa kuwo soo ifbixi doona markii ay hana qaado dowlada qabiilka lagu soo dhiso.
waxaa iyaduna is weeydiinleh maxaa ku jaban hadii aan u dhiibano qof soomaali ah leh aqoon aduunyo iyo mid aakhiraba soomaalinimadu ku weeyn tahay aan kala jecleeyn dadka, shaki kuma jiro in sideedaas melyan ay ku dhex jiraan kumanaan cadaalad fali kara kana dahsoon qabiil iyo qabyaalad kuwa shisheeyaha ah ee na horboodayana waa ogyihiin arkaaan inay jiraan aqoon yahano soomaaliyeed oo karti uleh hagi kara qaran xoogleh oo midaysan soo ceshan kara sharaftii iyo karaamadii uu dunida kulahaa hase yeeshee taasi way iska indha saabayaan oo waxaa u muuqata kalmadii ahayd (qaybi oo xukun).
 
guntii iyo gaba gabadii waxaan sugnaaba waa waxii kasoo baxa qaran qabiil lagu qaybiyay ilaah tiisaase socon doonta gaalo wanaag nalama rabtee.
 
xasan
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: August 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD