SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dhimashadii Suldaan hurre ayaa maanta lagu qabtay Hotelka 680 ee magaalada Nairobi.

Suldaan Hurre

Xuskan oo ay ka soo qaybgaleen,.Eheladiisi, Asaxaabtiisi, xildhibaano, siyaasiyiin,intii taqaanay,intii ay isla soo shaqeeyeen,aqoon yahaniin,iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadas ayaa ka muuqatay sida uga xun yihiin dilka suldaanka lagula kacay ee ka dhacay Boosaaso.sanadkii 2002.

Jaamac Cali Jaamac ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinti lagu casuumay ee ka soo jeediyay Qudbad la xirirta taariikhdi suldaanka,isagoo sheegay in ay ahaayeen isaga suldaanka saxiibo aad iskugu dhaw,dhaqanka soomaaliyeed waa wax ku xun in la dilo dadka loogu yeero "BIRI MA GAYDADA"ee uu ka mid ahaa suldaan hure,dilkiisana uu ahaa mid laga naxo,jaamac cali jaamac waxa uu xusay in ay la mid noqonayaan dad aan waxba dhaamin xayawaanka hadii ay wali sii rabaan in ay maamul ka sugaan dadkii gaystay falalkaas lidiga ku ah islaanimada iyo dhaqanka soomaaliyedba,waxa uun sheegay in wax walba ay ka wayn tahay tan Aakhiro maalin ay dadku wada siman yihin Alle xisaabin doono.

Waxaa kale oo ka hadlay Zakariye Xaaji Cabdi oo sheegay in ay halgan dheer isla soo galeen suldaanka, dacwada hadda ka furan london-na uu ka qayb qaatay aas-aaskeedi iyo sidii dambiilayaashaas aduunka looga abaal marin lahaa.waxa uu xusay in dadka qaar ay la yaab ku tahay in ay xil u dhiibtaab, sida uu hadalka u dhigay, in wata middi dhiig leh oo haddana leh aan idin wada dilo ee keensada midiyaha in ay ka sugaan xil iyo in uu hogaamiyo.

Asha Axmad Cabdalla ayaa dhinaceeda sheegtay in uu dhibaatooyin badan uu u gaystay maamulkas ka jira puntland dadka deegaankaas ka soo jeeda, waa sida ay hadalka u dhigtay'e, oo ay ka mid tahay xiligii ay sii baxayeen ciidanka C/llaahi in uu xasuuq badan ugu gaystay dad badan garoonka,taasna aysan ka caffin doonin mudanaaasha baarlamaanka ee uu hadda ka mid yahay C/llaahi yuusuf. waxayna sheegtay in suldaan hurrena uu ka tagay dhamaan reer puntland,iyo guud ahaan ummadda soomaliyeed.

Aqoonyahaniinta lagu casuumay munaasabadan waxaa ka mid ahaa "Qoraaga Fahad Yaasiin Xaaji Daahir" oo sheegay in dhalashadu ay tahay laba jeer,mid dhashay hal mar dhintana, mid dhasha marka uu dhintana dhasha mid cusub isagoo ula jeeday in qofka la xuso marka uu dhinto ka dib sida suldaanka uu yahay mid dhashay lana dhashay fakarka uu xambaarsan yahay ee uu rabo in uu ummadda isku keeno waxii dhib ahna kala taliya sidii ay iskaga fogayn lahaayeen. waxaa uu intaasi ku daray Fahad in uusan suldaanka aqoon u lahayn balse uu ogaaday hadda kaalinta uu bulshada kaga jiray markii la xusay taariiqdiisa,madax walba oo doonta in ay iska ilaaliyaan kuwa ka soo horjeeda dantooda in ay laayaan waxaa ka daran waxa ay la kulmi karaan kadib marka ay ka taqalusaan inta ka soo horjeeda, waxa uuna tusaale u soo qaatay Madaxweynihii masar jamaal cabdinaasir markii uu dilay nin ka soo horjeeday wax badan ka qoray siyaasadiisa,kadibna ay dadkii is waydiiyeen sababta ninkan loo dilay,waxayna raadraac dambe ku sameeyeen qoraaladiisi iyagoo xaqiiqsaday in sayid Qudbi uu ahaa mid dantooda u doodayay sidaasna ay uga hor imaadeen siyaasadii Jamaal C/nasir.ugu dambayna u rajeeyay in suldaanka uu Alle ka waraabiyo Janadi Fardowsa.

Warsaxaafadeed laga soo saaray munaasabadaas ayaa lagu sheegay in dilka suldaan hurre ay ka dambeeyeen Coll.C/llaahi yuusuf illaaladiisa,isagoo ku jira howlihiisa caadiga ah ee nabad ka dhex dhalinta beelaha walaalaha ah ee daga Puntland sida ku qornaa warsaxaafadeedkaasna waxa lagu tilmaamay in dagaal cad ay la beegsan doonaan cid walba oo ku lug lahayd dilkaas ama  ku taageertaba,waxaa kale oo lagu sheegay in Coll,C/llaahi yuusuf maxkamad uga furan tahay Magaalada London,laguna wado in la soo taago bilowga sanadka cusub.

Axmad ciise ayaa munaasabadas ka aqriyay Taariiq Nololeedkii Suldaan hure,waxbadkiisi iyo qaabkii ay u dhacday dhimashadiisi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan Xuquuqda Aadanaha,waxa uu sheegay in ay suldaanka dil aan gabasho lahayn oo bareer ah kula kaceen ilaalada Coll.Cabdullaahi yuusuf Axmad sida uu sheegay waxa uu intaasi ku daray in aysa ka caffin doonin waligood dilkaas.

Ugu dambayn waxaa munaasabadaas laga qaybiyay funaanado muujinaya cida ka dambaysa Dilkii suldaan hurre,digniina u jeedinaya shacabka soomaaliyeed iyo caalamkaba in dadkaas ama qofka ku sawirani uu calaamad u yahay Dilaanimo iyo qatar ku dhex jirta bulshada sida ay hadalka u dhigeen.

Kulan Lagu Qabtay London, UK oo Looga Hadlayey Suladaan Hurre iyo Dhammaan Soomaalidii Kale oo Lagu diley... Guji

MAALINTII XUSUUSTA - SULDAAN HURRE & GEESIYADII KALE

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD