SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO.

Baashe mohamed |  amiir17@hotmail.com

  • ...waxaa la gaaridoonaa xili tira koob lagu sameeyo soomalida oo ay soo bixi doonto waxa ay beel kastaa tahay,....  inta wakhtigaas laga gaarayo qof kastaa ha sheegto wixii uu doono.
 
In badan baynu maqalay c/laahi yuusuf oo shirar badan uga baxay ama ku eedeeyey in ay gabran yihiin beelaha uu ka soo jeedo ee Daarood ama hadii hoos loogu soo dago Hartiga,laakiin hadaynu eegno shirka haatan gaba gabada ku dhow ee mudada labada sano ku dhow ka socday Empagathi halkee ayey kaga jiraan beelaha uu dartood c/laahi yuusuf uga baxay shirarka badan?.

Markaynu eegno shirkan iyo qaabkii ay beeluhu wax u qaybsadeen ama loogu qaybiyey waxaa isla markiiba si dibad yaal ah u muuqanaya in meel ka dhac aan la qaadan karin lagu sameeyey beelaha harti ee uu sheegay c/laahi yuusuf inuu isagu wakiil ka yahay,aragtidaasi ma aha mid ku timi caadifad qabiil ama ujeedo looga gol leeyahay in beelo kale dulmi loogu geysto laakiin waa mid ku salaysan waaqica dhabta ah ee aan marna laga talaabi karin.

Markaynu dhab ahaan ugu kuur galno dadka soomalida ah oo aynu ka eegno xaga tirada waxaa muuqata ama muuqanaysa in beelaha Daaroodku ay u dhigmaan ama noqon karaan ugu yaraan sadex meelood oo meel dadka soomaalida ah taas oo aynu ka milicsan karno baaxada Deegaanada iyo dhulka ay kala degen yihiin beelaha soomaalidu.

Si fudud waxaynu taas u fahmi karnaa marka aynu eegno dhulka ay degaan beelaha Daaroodku oo kala ah shanta gobol ee haatan laysku yiraahdo puntland state of somalia ee kala ah Gobolada Bari Nugaal Mudug Sool iyo Sanaag, ha la yaabin hadii aad maqasho goboladaasi waxay u dhigmaan sadex meelood oo meel dalka soomaalida waayo Degmada Caluula waxay gaalkacyo u jirtaa 1400 KM iyadoo la ogyahay in magaalooyinka gaalkacyo iyo muqdisho ay isu jiraan ilaa 700 KM kismaayo iyo ay isu jiraan ilaa 500 KM.

Hadii aynu intaas isla garano maxay noqon kartaa tirada dadka daaroodka ah ee ku nool gobolada Galgaduud,Gedo, jubada hoose, jubada dhexe  iyo deegaanka Buuhoodle? marka aynu sidaas leenahay waxaa weli tiradaas ka maqan dhulka laga haysto soomaaliya oo la ogsoon yahay dadka degan dhulaas in 90% ay yihiin Daarood.

Hadaba waxaa is weydiin leh xagee beelahaasi uga yimi dulmiga ku dhacay ee ay maanta dareemayaan dadka ku abtirsada beelahaas oo dhan meel kasta ha joogeene? jawaabtu waa mid muuqata maxaa yeelay soomaalidu waxay horay u tiri 'Geel ninkii dhicin lahaa dhacayo lama dhicin karo' waxayna Aafadu ka timi C/laahi yuusuf oo maanta qaatay waxaan u qalmin dadka ku abtirsada beelaha uu in badan tilmaamay inuu xaqoodii soo dhicnayo ka dib markii uu taas ku bedeshay kursi meel dheer uga hilaacay oo aan la hubin inuu ku salka dhigi doono.

Eedaha loo tiirinayo c/laahi yuusuf kuma koobna shirkan oo keliya ee waa ninka jideeyey hab qaybsiga shirciga noqday maanta ee ay ku xisaabtamaan beelaha soomalidu laga soo bilaabo shirkii dhamaadkii 1996 ay kooxaha soomaalidu ku yeesheen magaalda SODARE ee dalka itoobiya halkaas oo ay ka soo bilaabatay in isku si wax loogu qaybiyo beelaha Daaroodka Raxweynta Hawiyaha iyo isaaqa.

Akhristow sow ma ogid in beelaha Raxan weyntu ay dagaan Bay iyo Bakool,sidoo kale beelaha Isaaqna ay degaan Togdheer iyo Waqooyi galbeed, beelaha Hawiye waxay iyana degaan gobolada mudug,galgaduud,hiiran,shabeelada dhexe, iyo banaadir laakiin waxaa xusid mudan in dhamaan goboladaas aysan ahayn degaan u gooni ah beelaha hawiye oo qaarkood lagaga tira badan yahay sida mudug.

C/laahi Yuusuf hadii uu dhabarka u ritay dulmiga noocaas ah muxuu samayn doonaa marka uu hadana ku hungoobo kursiga uu dartiisa Beelaha itaas  le'eg uu ku duudsiyey xaqii ay lahaayeen?

Anigu shaqsi ahaan ma qabo in la burburiyo shirweynaha soomaalida waayo soomaaliya waxay u baahan tahay dowlada qaran,sidoo kale ujeedada qoraalkaygu maahan inaan meel uga dhaco beel soomaaliyeed ama aan tafaraaruq ka dhex abuuro soosmaalida markeedii horeba kala daadsanayd,waxa aan doonayaa inaan muujiyo keliya dareenka ay qabaan dadka ka soo jeeda Daaroodka iyadoo sida aan tilmaamay eeda arintaasi aysan ahayn mid loo tiirinayo soomaalida kale ee ay arintu ka quruntay hogaanka siyaasadeed ee isla beelahaas Daaroodka oo ay isga darsameen danta guud ee beelaha ay matalaan iyo tooda gaarka ah.

Aragtidayda waxa aan liqi kari waayey waxa weeyaan in ay isla ekaadaan tirooyinka la siiyey hartiga iyo isaaqa ama hawiye iyo raxan weyn in lay la ekaadan tirada daarood xaq u leeyahay ee lagu saleeyey 4.5 taas oo katimi shirkii jabuuti in kastoo tiradii ay jabuuti ka heleen beelaha hartigu ay ka badnayd mid haatan  la siiyey.

Si kasta ha noqotee waxaa la gaaridoonaa xili tira koob lagu sameeyo soomalida oo ay soo bixi doonto waxa ay beel kastaa tahay,waxaan qabaa in markaas la sixi doono khaladaadka maanta sida ula kaca ah ama aqoon darada loo gelayo inta wakhtigaas laga gaarayo qof kastaa ha sheegto wixii uu doono.

Baashe mohamed |  amiir17@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 28, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD