SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA
Baaq uu soo saaray Ururka H/g/J/Hoose: Xoghaynta Canada.
  • KU:Dhamaan Ergooyinka Somaliyeed Ee Ka Qaybgalaya Shirka Guuldaraystay Ee  Ka Socda Dalka Kenya. 
  • KU:Maamulka Ururka (IGAD) 
  • Ku:Dhamaan Ururada Gobjoogayaasha Ka AhShirka Guuldaraystay ee Ka Socda Wadanka Kenya. 
  • OG:Jamciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa iyo Wakiiladooda. 
  • OG:Dhamaan Warbaahinta Somaaliyeed Gaar Ahaan Iyo Tan Caalamka Guud Ahaan. 
  • OG:Ururada Caalamka Ee Xuquuqda Aadamiga.
 
    UJEEDO:Waxaan Diidanahay Wax ala IYO Wixii Kasoo Baxa Shirka Guuldaraystay Oo Ay (IGAD) Qasayso Ee Ka Socda Wadanka Kenya Ilaa Laga Saxo Khaladaadka Gaar Ahaan Ilaa Dhulkeena Waamo Uu Ku Soo Noqdo Gacanteena Loona Ogolaado Shacabka Waamo in ay ayaga Mathalaan Wadankooda Waamo ,Tuugada Isbahaysatana Ay Ku Noqdaan Meesha Ay Ka Soo Duuleen Loona Aqoonsado in Ay yihiin Danbiilayaal Dagaal.
 
Anagoo Tixraacayna Talooyinkii Lagu Aas Aasay Shirkan Guuldaraystay Qodobadiisii Asaasiga Ahaa oo Ay Ka Midka Ahaayeen .
 
1-Heshiisiinta Umadda Somaaliyeed Iyo Dhaxdhaxaadinteeda Si Cadaalad Leh.
 
2-Dhowritaanka Xuquuqda Aadamiga iyo Anshaxa Guud.
 
3-Lahaanshaha Dhulka iyo Dibucelintiisa oo Loo Celiyo Umadda Xaqa U leh Iyo
   Katalintiisaba.
 
4-Soo Celinti Xoolihi La Dhacay Warshadihi La Furfurtay iyo Danbiilayaashi oo Maxkamad Lasoo Taago.
 
5- Xaqdhowrka Deegaanka Dhanwaliba.
 
Intaasoo Idil Oo Wali Khaldan Cid Ka Hadashayna Ayan Jirin Oo Khaladkiina Lagu Saxay Khalad Kale Oo Ay Intaa Udheertahay Lahaasha Shir-u-yaalka Oo Lagala Wareegay Ummadda Somaliyeed Ha Ku Heshiiyaan Ama yaynan ku heshiinine.

Intaasoo idil markaanu aragnay ayaanu go aan sanay in aan soo saarno Baaqan In Ay SI Degdeg Leh Ay uga Fiirsadaan( IGAD) Hadii Ay Daacad Ka Tahay In Ay Heshiisiiyaan Ummadda Somaaliyeed Oo Ay Rajo Ka Qabaan In Ay Taariikhda Ka Galaan Baalal Dahab Ah .

 
Somaali Ween Riyo Ma Aha Ee Waa Run  Kii Ay Gubina Gidaarka Madaxa Ha Ku Dhufto!
 
                                                Wabilaahi Towfiiq.
 
Xoghaynta Ururka H/G/J/Hoose Ee Canada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 28, 2004


Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka Muqdisho, maanta taageero ayuu kaa sugayaa

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD