SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WAR SAXAAFADEED

Dr.Xuseen Cali Cilmi
Musharrax jagada Madaxweyne Soomaaliyeed
Tel:254-721642433 Nairobi

 Nairobi 27/8/2004

Carqaladda cusub ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida .

Carqalad cusub ayaa la soo gudboonaatay shirka Soomaali ayadoo shalay la dhaariyey ugu yaraan 196 xubnood oo ka tirsan 275 xubnood ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaalida .

carqaladdani waxa weeye koroneel C/laahi Yuusuf oo garab ka heysta wakiilka talyaaniga ee ka tirsan IPF-ta iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Siyuum Mesphin oo doonaya iney ku khasbaan beelaha Puntland iyo Harti koonfureed dega kolka laga reebo Oortable inuu C/laahi yuusuf u soo xulo xubnaha baarlamaanka ,kasoo hore u gudbiyey ugu yaraan 38 xubnood oo kala ah : Tanade, Majeerteen ,dhulbahante, Warsangeli, , Dashiishe,Carab Saalax ,beelo kale oo ka tirsan beesha 5aad iwm.

Beelahan siyaasiyiintooda wey ku gacmo seyreen waxey iyana geysteen liis kale , tani waxey keentay iney dib uga dhacaan dhartii shalay . run ahaantii waxaa wadda saxda haya siyaasiyiinta beelahan ee ku doodaya iney jifi kasta ay u madax bannaan tahay iney iyada soo xulato xubnaha uga qeyb gelaya baarlamaanka , waayo waxaa shirka uu ku dhisan yahay 4.5 beelood, kaasoo wasiirada Igad ay ku go’ansadeen shirkii 6dii, Sep 2002 ee Nairobi ka dhacay ,habkaasoo shirka uu ku socday billowgii ilaa & hadda .

KCCT,Mbagathi ,Nairobi,22 May 2004 waxey dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ka hor qirteen beelaha Soomalida iyo beesha caalamka hortood iney qeyb ka ahaayeen carqaladihii shirka hortaagnaa , haddase ay xalay dhalay ka noqdeen wixii la soo dhaafay oo hadda wixii ka dambeeya ay wada jir uga shaqeynayaan in wax la saxo , Jabuuti ballankaasi wey oofisay , balse Itoobiya halkeeda ayey ka miistay Sabtidii 21/8/2004 , ayada iyo Talyaaniga oo heshiis hoose la galay Koroneelka , si sharciga u degsan shirka qaab khilaafsan oo C/qaasim iyo hoggaamiyeyaalka kale laga diiday ay u ogolaadeen taasoo ah inuu afduubo rabitaanka shacabka Puntland dega oo isaga uu u xulo xubnaha u gelaya baarlamaanka si ay tani ugu saamaxdo inuu helo codad dheerad oo u suuro gelisa inuu noqdo madaxweyne Soomaaliyeed .

beelaha cabashada wada ee shirka jooga waxey taageero ka heystaan wasiirada arrimaha dibadda ee Jabuuti, Eratareeya iyo Ugaandha, halka ay Kiinya ay ka aamustay .

Sidaa aawadeed annagoo ah beelaha ay dhibaatadu heysato waxa aan ku qanceynaa oo keliya in arrintan aynu u gudbinno guddiga xallinta khilaafaadka si ay jifi kasta ay xaq u hesho xulashada xubnaheeda baarlamaanka , C/laahi Yuusuf, keliya waxa uu u hadli karaa ama uu mas’uul ka yahay jifida uu ka dhashay ee Reer Mahad cid kale oo uu metalo ma jirto.

Waxaan ka codsaneynaa barlamaanka cusub iyo guddiga xallinta khilaafaadka iyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed iney nagu waafaqaan ku gacmo seyridda xeer jajabka uu wado wasiirka arrimaha dibada ee dalka Itoobiya Siyuum Mesphin iyo wakiilka Talyaaniga ee shirka ee kulan qado kula yeeshay koroneelka Hotel Grand Regecy , Nairobi maanta ,si ay uga dhaadhiciyaan inuu aqbalo in 5 qof oo keliya laga bedelo liiskiisa : oo bedelkooda lagu daro Cali Khaliif, Jaamac Cali Jaamac ,Caasho Axmecd Cabdalla , Zakariye Xaaji Cabdi iyo Jeneraal Moorgan .

Mowqifkaya ayey beesha caalamka eegeysaa haddii aynu ku adkeysanno in jifi kasta ay u madax bannaanaato teenna ayaa soconeysa waayo iyada ayaa sharci ah , sidaa aawadeed ma aha inaan fursaddan qaalliga ah lumino ,haddii C/laahi Yuusuf laga aqbalo xeer jajabka Itoobiya ay waddo waxaan annaga codsaneynaa in C/Qaasimna laga aqbalo isna inuu 61Hawiye soo xulo, oo baarlamaanka la dhaariyey laga laabto, waayo C/qaasim Madaxweyne Soomaaliyeed magacii ayuu sitaa oo ay Soomaali soo dooratay ilaa laga helo dowlad bedesha halka C/laahi uu ka wato magaca madaxweyne maamul goboleed aan la soo dooran oo inqilaab ku yimi.

Waxaan u soo jeedineynaa dalalka Itoobiya iyo Talyaaniga iney carqaladda ka daayaan shirka , ixtiramaanna lahaanshaha shirka ee Soomaalida , beelaha Reer Punland-na ma aha kuwo uu C/laahi Yuusuf afduubi karo rabitaankooda,isna waxaan u soo jeedineynaa inuu isku kalsoonado sida musharrixiinta kale 56 uu ka mid yahay oo kale, oo wuxuu ka helo hoolka ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha ha ku qanco qorqodnimo ha ka daayo xulashada xubnaha baarlamaanka beelaha .

waxaa uu caalamka wada ogyahay inuu hor istaagay Saladiinta dhabta ah ee Puntland iney shirka yimaadaan oo diyaaraddii IGAD ay u dirtay iney soo qaaddo Garaadyada Dhulbahante uu soo celiyey C/laahi Yuusuf iyadoo cidna aan sidin todobaadkii hore, isagoo isla markaa isku dayey inuu shirqool ku dilo garaadyada Warsangeli garaad ka mid ah 9 agooto,2004,waxaa shirqoolkaasi ku dhintay ninkii soo kaxeyn lahaa oo ah Caasho Axmed C/dalla walaalkeed , ayadoo 17kii bishan Agoosto ay ku beegneed Sannad-guuradii 2aad ee ka soo wareegatay markuu koroneelka harcad ku dilay Suldaan Axmed Maxamuud Maxamed (Hurre) tuulada Kalabayr ee u dhow Garoowe .

Waxaa ka codsaneynaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogto gudaha Soomaaliya iyo dalalka dibadda iney mudaaharaad ku taageeraan beelaha dega puntland iyo kuwa Harti koonfureed, xur u noqoshada iyo u madaxbannaanaanta soo xulashada xubnahooda baarlamaanka ,ayadoo isla markaana cambaareynaya fara gelinta Itoobiya & Talyaaniga ay ku fara gelinayaan qaabka loogu talo galay shirka iyo afduubka ay wadaan . Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa iney ku cadaadiyaan Itoobiya iyo Talyaaniga iney carqaladda shirka ka daayaan,ilaaliyaan qaanuunka shirka iyo lahaanshaha Soomaalida ee shirka , kuna ekaadaan iney fududeeyayaal iyo maalgeliyayaal.

Dr.Xuseen Cali Cilmi
Musharrax jagada Madaxweyne Soomaaliyeed

Tel:254-721642433 Nairobi

assiyaasa_newspaper@yahoo.com

F.G:Koroneelka Axaddii markuu ka carooday shikii hotel Grand Regency ee uu cararayey waxey beelaha ay is hayaan ku sagootiyeen gabaygan:

Darmaan qalay Korneelku wuxuu duunyo foofsadoo
                     Dibindaabyada C/laahi qabo waa ku diirsadee.

Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darnaan jirey.
                       Bal dayaay korneelka waa kaa sii dabeeshayee

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 27, 2004


Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka Muqdisho, maanta taageero ayuu kaa sugayaa

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD