SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Agaasimaha Dugsiga Hoyga Xamar, C/raxmaan Yuusuf Maxamuud, oo maanta abaalmarin guddoonsiiyay ku dhawaad arday tiradooda ay dhan tahay 116 arday oo wax ka barata dugsigaasi.

Xaflad aad u balaaran oo ay soo qaban qabiyeen maamulka sare ee dugsiga hoyga Xamar oo maanta lagu qabtay xarunta digsigaasi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadwayne aad badan oo leh qeybaha bulshada Magaaladan Muqdisho,iyadoo ay xafladaasi ahayd mid loogu talagalay furitaanka sanad dugsiyeedka Iskuulkaasi hoyga Xamar. 

Qaarka mid ah Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi goobjoog ku ahaa oo maamulka iyo ardayda iskuulka hoyga Xamar kala qeyb qaadanayay xafladaasi oo ahayd mid lagu soo bandhigayey waxbarashada ardayda dhigata iskuulkaasi,waxaana sidoo kale halkaasi lagu qabtay tartamo badan oo looga gol lahaa sidii ardayda iskuulkaasi ugu sii dhiiran lahaayeen xoojinta Waxbarashadooda.

Agaasimaha dugsiga hoyga Xamar C/raxmaan Yuusuf Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday qaabka ay wax u bartaan ardayda dhigata dugsiga hoyga Xamr oo uu sheegay inay tahay mida ugu sareeysa iminka waxbarashada taal wadanka Soomaaliya oo uu sheegay inay ka jirto dhibaatooyin badan,taasoo ay ugu horeeyso dhinaca waxbarashada.

Laakiin agaasimaha dugsiga hoyga Xamar C/raxmaan Yuusuf Maxamuud waxaa uu sheegay inay haatan gaareen horumar balaaran oo dhinaca waxbarashada ah isagoo sheegay inay hishiis la saxiixdeen hay’ad shisheeye oo uu sheegay inay iyada imtixaanka ardayda qaadi doonto,isagoo intaasi raaciyay C/raxmaan Yuusuf in shahaadada ay bixiyaan ay noqon doonto mid ay ku farxi doonaan dhamaan ardayda dhigata dugsiga hoyga Xamar iyo waalidiintooda oo ah kuwo u hamuun qaba sidii ay mar un ku argi lahaayeen caruurtooda oo meel sare ka gaartay waxbarashada.

C/raxmaan Yuusuf sidoo kale waxaa uu sheegay inay dugsiga ku soo kor dhiyeen qeybo badan oo aan horay uga mid ahaan jirin,iyadoo uu intaasi ku daray inay jiraan gaadiid u gaar ah dugsiga oo qaada caruurta wax ka barata Dugsiga hoyga Xamar.

Gabagabadii xafladaaso oo ah mid loogu tala galay in lagu furo dugsiga hoyga Xamar oo ay ka soo qeyb galeen dad magic ku dhex leh bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo afmeeray abaal-marino la guddoosiinayay qaarka mid ah ardayda dugsiga hoyga Xamr oo ah kuwa galay kaainta koowaad,labaad iyo sadexaad,iyadoo uu abaal-marintaasi bixinayay agaasimaha guud ee dugsiga hoyga Xamar C/raxmaan Yuusuf Maxamuud.waxaana ay ku dhamaatay xafladaasi si leh farxad iyo damaashaad ay sameeysanayeen ardayda iyo maamulka dugsiga hoyga Xamar.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 27, 2004

WARBIXIN: SOOMAALIDA AUSTRALIA
Waa sidee noloshooda, waxbarashadooda, shaqadooda  iyo... Guji


Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje)
oo Taageero Weydiistey Dhammaan Mujtamaca Soomaaliyeed.. wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka Muqdisho, maanta taageero ayuu kaa sugayaa

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD