SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Qofkii ugu Da'da yaraa iyo kii ugu Da'da weynaa ee ka qayb galay Ciyaaraha *Olymbic Games-ka* oo kala Noqday. Zeinab Mohamed Khaireh iyo ........ 
 
Dadka ka qaybqaadanaaya Ciyaaraha Caalamiga ah *Olymbic Games* ee ka socda dalka Greece ayaa waxa ugu Da'a yaraatay Gabadh yar oo layidhaahdo Zeinab Mohamed Khaireh. Zeinab-yar ayaa ka socta dalka Jabouti oo ay u dhalatay.

Gabadhaa yar oo Dadeedu tahay 13 Sano ayaa ka qaybqaadanaysa Tartanka Orodka  1500 ee Meter. Waxa kale oo ka qaybqaadanaaya Tartanka Dabaasha-Quuska wiil yar oo isna layidhaahdo Bryan Nickson oo ka socda Dalka Malaysia wiilkaa dadiisu waa 14 sano.

 
Dhinaca Waayeelka waxa socda Fardo-fuul Odaya oo layidhaahdo Mr, Jan Millar oo Dadiisuna tahay 57 sano. Ninkaa Odayga ahi waxa uu ka socdaa Dalka Canada oo uu dhashay.....Wax kale oo Barbar taagan Odayga Islaan Shiishyahanad ah oo meel fog wax ka toogata... Dadeeduna waa 57 sano. Islaantaa khatarta ah oo magaceeda layidhaahdo Annette Woodward ayaa ka socta dalka Australia. Duqda Annette waxa ay ka qaybqaadanaysaa Tartanka shiishka* 25 meter Pistol* 
 
Source...Danish Metro express 
 
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. Copenhagen. E--mail: sooldhuub@hotmail.com.

Denmark: Tirada Dumarka shisheeyaha ah siiba Dumarka Soomaalida ee ilmaha iska soo rida oo tiradoodu badnayd ayaa hoos u dhacay. 

Denmark....Tirada dumarka shisheeyaha ah siiba Soomaalida ee ilmaha iska soo rida ayaa si weyn hoos ugu dhacday, ka dib markii ay sagaashameeyadii ku soo laban-laabmeen dumarka dheenishka ah ee ilmaha iska soo rida, sidaas waxaa qoray wargayska Politiken oo ka soo baxa Denmark. 

Tirada dumarka shisheeyaha ah ee ilamaha iska soo rida waxay hadda u dhigantaa midda dumarka dheenishka ah, sidaas waxaa tilmaantay warbixin ka soo baxday Hay´ada Caafimaadka oo maanta 26.08.04 la soo saaray.

Baadhis ay samaysay Hay´ada Caafimaadka ayaa muujisay in xaaladda bulsho, dhaqaala xumada, xaaladda qoyska iyo ku xidhnaanta suuqa shaqadu ay door wayn ka cayaaraan marka ay haweenaydu dooranayso inay ilmaha iska soo riddo.

Waxa wali jira dumar faro badan oo Somali ah oo si qarsoodi ah oo aan ehelkoodu ogayn ilmaha iskaga soo ridda, Dumarkaasi cid u ma sheegaan marka ay uuraystaan.....Waa arrin aan fiicnayn oo qalad ah in ilmaha caloosha ku jira la dilo, Sidaa waxa tidhi Gudoomiyaha Ururka haweenka Soomaaliyeed ee Denmark Ambaro Hashi Nur.

By, Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. Copenhagen.

E--mail: sooldhuub@hotmail.com.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 28, 2004

Magacayda dadkii ku dhintay Tahriibkii Talyaaniga-Liibiya Bilawgii August
Magacyada 31 qof oo kamid ah dadkii bishan aan kujirno ku dhintay badda Mediterranean-ka.. ka akhri halkan Aug 27

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD