SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Shiicadu Shuyuukhdooda jecelaa; Soomaaliduna Shar-wadayaashooda

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Taariikhdu markay ahayd 26/08/2004 ayaa nin u hadlayey Sheekha Shiicada ee Sistaani wuxuu yiri: uma habboona qof Shiici ah inuu khilaafo amarka Sheekhaas! Taloow Sheekhoodu ma ilaah baa mise nabi?! Waxaa iyaduna marag-ma-doonto ah inta qof ee raacday sheekhooda dhallinyarada ah ee Muqtada As-Sadri. Ciidanka la magac baxay Mahdi ayaa iyagu shafka u garaacay inuusan Maraykanku shanta saari karin sheekhaas, waxayna sheegeen inay arrintaas ka xigaan “shahiidnimo”. 

Waxaan filayaa inaysan hadda ahayn waqti aan isaga sheekeyno shiicada iyo caqiidadooda maxaa yeelay qofkii raba wuu ka bogan karaa isagoo fiirsanaya bannaan-baxyadooda sida kuwa ay ka dhigaan magaalada Najaf oo kale. “Hadduu bururku dhab kaa yahay, billaawaha dhiig u yeel” oo run ah baan indhaha saarnay. Soow meydaan arag iyagoo inta seefo qaataan madaxa iskaga dhiigeeyey? Waxaa intaas u dheer iyagoo inta durbaanno garaacdaan, biro culus isla dhacaya. Waxaan teleefishinada ka aragnay ciidankii u dagaalamayey Sheekha Sadri oo qaarkood leeyihiin Imaamu Cali (RC) baan u dagaalamaynaa! 

Waddankaan Ingiriiska inkastoo Shiico joogto haddana waxaa shiiqiyey qolyo dhiiggoodu ku shaqeeyo kubbadda cagta. Shilimaadkooda waa u quuraan; cimiladu si kasta ooy tahay waxaad arkaysaa iyagoo isku shubaya garoomada lagu ciyaaro kubbadda cagta. Qaarkood waxay kooxohooda u raacaan dhulalka shisheeyaha markay kooxdoodu ku soo ciyaarayso. 

Soomaalidu maxay xiisaysaa? Aniga ogaantay meel kumaankun dad ah oo Soomaaliyeed isagu yimaadaan waxaan ka xasuustaa Istaadiyo Muqdisho markii cayaaro ka jiraan; Oktoobartii oo qaarna khasab ku aadi jireen qaarna u daawosho tagi jireen iyo meelo siyaarooyinka “awliyada” caankaa lagu dhigi jiray. Laakiin hal arrin ah oo ka duwan baa mar dhacday. Waa Shariif C/Nuur Allaha xafidee oo inta xeradii qaxootiga ee Utange, Kenya tagay, ay soo dhaweeyeen dad aa u badan oo aan ku qiyaasay kumanaan. Weligay ma arag dad intaas le’eg oo Soomaali ah oo muxaadaro diini ah isagu soo baxay. 

Inkastoon la oran karin Soomaalidu waa diin neceb yihiin maxaa yeelay meelo badan oo daafaha adduunka ka mid ah ayey Soomaalidu iyagoo kumanaan gaara ay soo aadaan salaadaha ciidda ama muxaadarooyin, ayaa haddana waxaa aad loo daneeyaa shar-wadayaasha. Dowladdii Carta lagu soo dhisay, imisa qof baa Xamar ku soo dhowaysay? Imisa mudaharaad oo dagaal-ooge dartiis loo samaynayo ama lagu soo dhowaynayo ayaa dhegaheennu maqlayeen sanooyinkii lasoo dhaafay? Culumadii iyo ducaadii la dilay ama cadow loo dhiibay yaa u muddaharaaday? 

Mabda’ la’aantu waa waxa Soomaali halkaas dhigay. Ma laha meel loogu soo hagaago. Halka Shiicada shuyuukhdoodu u joogaan waxaa innaga noo jooga shar-wadayaasha. Waxaad arkaysaa qof hadduu rabo daaci sheegta ama shahaado jaamacadeed haysta oo haddana difaacaya dagaal-oogahooda oo leh: kaayaga waa la dulmiyey haddii aan IGAD ama adduun-weynuhu uusan arrintaas wax ka qaban waxaan diyaar u nahay inaan difaacno oo dhiig u daadinno dartiis. Haddii midkood la xiro waxaa hal mar la maqlaa qaylo iyo sawaxan oo si dhaqso ah ayaa loo soo daayaa. Hadday shiicadu culumadooda difaacaan, kuwa Soomaalidu waa faro-ku-gabbad. Wey jiraan dad daneeya culumada laakiin wax miisaan ah kuma dhex laha bulshada Soomaaliyeed. Horay baa loo oran jiray wadaad iyo waranle! Ninkii aan geel soo dhicin ama dad soo leyn waxaa lagu tirin jiray haweenka! Haddeertaan haddaadan dagaal-ooge taageerin waxaad tahay doqon. 

Wixii Maraykan iyo xukuumadda maqaar-saarka ah ee Ciraaq xallin weyday waxaa loogu yeertay Sheekha Shiicada ee Sistaani. Shirka Kenya waxaad mooddaa in Soomaalidu leeyihiin sheekhoow ka shub; shar-wadoow ku jir. Waxaa taas ka daran, Kipligat oo xasuustay culumadii Soomaaliyeed kidib markay ergooyinkii Soomaalidu garan waayeen laakiin culumadii Soomaaliyeed waxay dhaheen: “ciyoowgii waa’ ka beryey ninkii cunay baa ka liita”. 

Ma aragteen qof Ciraaqi ah oo qiimo u haya ra’iisal wasaarahooda ama madaxweynahooda? In soo-dhoweyn loo hayo iska daaye waxaa waardiyeeya ciidamo Maraykan ah oo xitaa ma awoodaan inay ehelkooda soo booqdaan halka Sheekh Sistaani intaad qof ood aragteen isaga yimaadeen magaalooyinka Ciraaq oo dhan; welibana dad badani naftoodii ku waayeen. Ilaahoow Shiicada hanuuni, Soomaalidayadana sidooda oo kale noo jeclaysii culumadayada; oo na nacsii shar-wadayaasha. Aamiin.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 28, 2004

Shacabku wuxuu Guran doonaa waxaad u abuurtaan..
»
CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYASHII CARTE [Aardoon]
»
WARKII MOI MEESHA KAMA MARA! [Garaad]
»
Waraabihii habar dugaag ku yiri aamin ha la iigu wanqalo  [Sugaal]
»
BALLANTII AJIGA IYO IBLAYSKA!! [Eelay]
»
Waa la gaaray waqtigii dhaqaaqa [Awes]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD