GUURTINNIMADA
SALEEBAAN:
GUNNO
XUJEYSAN
Waa
arrin
kale
oo
muhiim
ah
iyo
imtixaan
ay
ku
guulaysatey
Jamhuuriyadda
faca
yar
ee
Somaliland
in
ay
xasarad
la’aan
kaga
tallaabsatay
buuxinta
jagada
guddoomiyenimada
Golaha
Guurtida
oo
dhowaan
kursigiisa
ugu
dheer
uu
salka
dhigay
oo
loo
dhaariyey
siyaasiga
rug-caddaaga
ah
ee
Saleebaan
Maxamuud
Aadan.
Waxa
wadnaha
farta
lagaga
hayey
oo
laga
walaacsanaa
khilaaf,
is-maan
dhaaf
iyo
Is-xag
xagasho
ka
dhex
aloosanta
Golaha
Guurtida,
xilligan
ay
jiraan
ceeryaamooyinka
iyo
duufaannada
siyaasadeed
ee
kacsani,
markii
uu
jagadaas
banneeyey
Alle
ha u
naxariistee
marxuun
Sh.
Ibraahim
Sh.
Yuusuf
Sh.
Madar,
guddoomiyihii
Golaha,
oo
ka
mid
ahaa
aasaasayaashii
jamhuuriyaddaas
iyo
weliba
ilaaliyayaasha
jiritaankeeda
ee
bir-labta
ah,
waxana
shakigu
sii
hana
qaadayey
markii
ay
sii
tarmeen
ragga
uu
hungurigu
ka
hayo
ee
doonaya
in
ay
buuxiyaan
jagadaasi
bannaanaatay.
Jamhuuriyadda
Somaliland
oo
gooni
isu
taaggeeda
lagaga
dhawaaqay
18
May
1991
magaalada
Burco
ee
ku
dhacda
xuddunta
jamhuuriyaddaas,
ayaa
waxa
astaan
lagu
majeerto
u ah
xasillooni,
nabad
gelyo
iyo
miyir
qab
ay
kaga
duwanaato
dal-weynihii
ay
ka
go’day
ee
Soomaaliya
oo
ay
diloodeen
dagaallo
iyo
colaado
sii
sokeeya
oo
riiq
dheeraaday.
Waxa
kale
oo
Somaliland
ka
taabba
qaadaya,
una
dhismay
hannaan
dawladeed
oo
madax
iyo
minjo
kala
leh,
hab-dhaqan
siyaasadeed
oo
casri
ah
oo
leh
awoodo
isu-dheelli
tirmi
kara:
Awooddii
sharci
dejinta
(Golayaasha
wakiillada
iyo
Guurtida),
Awooddii
fulinta
(Golaha
Dawladda)
iyo
Maxkamaddii
Sare
(Garsoorkii)
iyo
weliba
jiritaanka
axsaab
siyaasi
ah
oo u
kal
tirsata
hawadinta
hawlaha
qarankan
da’da
yar.
Curdinnimada
Jamhuuriyaddan
aan
aqoonsiga
weli
ka
helin
beesha
caalamka,
waxa
ka
fac
weynaan
kara
imtixaannada
iyo
xujooyinka
ay
ka
soo
tallaabsatay
iyo
inta
lib
“doqoni
ma-garato
ah”
oo
“gob
caadkeed
ah”
u
soo
hoyatey.
Geeridii
Alle
ha u
naxariistee
marxuun
Maxamed
X.
Ibraahim
Cigaal
(May
2002)
waxa
dadka
qaar
bilowgii
hore
u
macnaysanayeen,
isna
moodsiinayeen
ibo-furkii
burburka
Somaliland!
Waxase
taariikhda
meel
weyn
ka
galay
hab
maamuuskii
gobanimadu
ku
ladnayd
ee
jagadaas
marxuun
Cigaal
ka
baxay
loo
buuxiyey.
Doorashooyinkii
golayaasha
degaanka
(Sept.
2002)
iyo
tii
madaxweynaha
(April
2003),
ayaa
iyana
laga
welwelsanaa
natiijooyinkoodu
waxa
ay
keeni
doonaan,
gaar
ahaan
tartankii
jagada
madaxweynenimada,
markii
Daahir
Riyaale
iyo
Axmed
Siilaanyo
u
kala
gurmi
waayeen
si
muuqata.
Kala
quus-qaadkii
danbe
ee
labada
tartame
iyo
taageerayaashooda,
iyo
kala
hagaaggoodii
arrinta
soo
af-jaray,
ayaa
waxa
lagu
tiriyaa
mid
ka
mid
ah
libta
ay
Somaliland
hanatay
qarnigan
iyo
arrin
u
qalanta
sidii
ilbaxnimada
lahayd
ee
shacbiga
Reer
Somaliland
u
codeeyeen
xilligii
doorashada
madaxweynaha.
Maantana
waxa
lib
kale
oo
Somaliland
u
soo
gacan
gashay
lagu
tilmaami
karaa
buuxinta
jagada
guddoomiyaha
Golaha
Guurtida
iyo
sida
“in-fog-aragga
ah”
ee
la
isugu
tanaasuley,
taas
oo
muujinaysa
ku
raad
barashada
sii
bislaanaysa
ee
hannaanka
casriga
ah
ee
dawladnimada
Somaliland.
Hase
yeeshee
waxa
guddoomiyaha
cusub
hor
yaalla
gunno
xujeysan!
Waa
gunno
uu
rag
hore
ciin
ku
daaqay,
rag
door
ahina
ay
ku
khatalmeen
oo
ku
karaamo
seegeen,
waana
gunno
maanta
ku
takhlan
oo
dhuunta
(cunaha)
u
fadhida
hebello
badan
oo
saaxadda
siyaasadda
Somaliland
isu
haysta
in
ay
lib
ku
naalloonayaan,
gawdiidase
gegi
madhan
oo
gabayoox
ah,
ka
dib
marka
ay
ka
sii
baydhayaan
ujeeddooyinkii
loo
igmaday,
kuna
sii
gabbood
falayaan
sharafkii
lagu
waabay,
maroorsanayaan
awooddii
loo
dhiibtey,
si
harowsi
ku
jirana
u
baylahsanayaan
amaanadii
iyo
intii
la
yidhi
dayaca
ka
hira,
ilaaliya
oo
si
hufan
u
hawadiya.
Ibtilada
ugu
weyni
waa
iska
dhayalsiga
hawadinta
hawlaha
maamul
casri
ah,
horumarinta
adeegyada
bulsho
sabool
ah,
kobcinta
kaabayaasha
dhaqaalaha
dal
burbursan
oo
ah
gudashada
xilka
dawladnimo,
madaxnimo
iyo
mas’uulnimo.
Libtu
way
gubasho
ooydaa;
haddii
aan
garasho
loo
yeelan,
laguna
toosin
mayalka
tummaatideeda
halkii
ay
abbaartu
ahayd.
Dadka
inta
badani
waxa
ay
Saleebaan
Maxamuud
Aadan
ku
tilmaamaan
siyaasi
hal-adayg
leh
oo
badheedhihiisu
cad
yahay,
ku-dhacna
leh
oo
wixii
uu
doono
ka
jibba
keena,
maantana
waxa
intaas
u
raacaysa
guurtinnimadiisa
xujeysan
iyo
dildillaanka
ama
dheel
dheelliga
siyaasadda
guud
ee
hoggaaminta
Jamhuuriyadda
nacabka
badan
ee
Somaliland.
Golaha
Guurtidu
waxa
uu
galay
xilli
uu u
baahan
yahay
wax-garad
fahmi
kara
wacaasha
casriga
iyo
hawadinta
hawlaha
maamul
dawli
ah
oo
isna
casri
ah
iyo
samaynta
isu
dheelli
tirkii
iyo
wada
shaqayntii
looga
baahnaa
awoodaha
isa
sudhan
ee
iska
hor
jeedi
kara,
miisaan
ahaan,
iyo
afkaaraha
(aragtida)
isku
murugsan
ee
is
diidi
kara
ee
dal
casri
ah.
Haddaba
Saleebaan
Maxamuud
Aadan
waxa
lagu
eegayaa
indho
fiiq-fiiqan,
waxana
laga
eegayaa
dano
badan.
Waxa
hor
yaalla
xujooyin
badan
(imtixaan).
Waxa
laga
quud-darraynayaa
is-beddel
miyir
qab
ku
yimaadda,
oo
isugu
dhafan
kobcinta
dhaqan
iyo
siyaasad
isku
milan
oo
fayo
qaba,
islana
jaanqaadi
kara
oo
Golaha
Guurtida
gudihiisa
ka
dhaqan
gala,
una
tallaaba
degaannada
kale,
gaar
ahaan
dhanka
Golaha
Wakiillada.
Waxa
loo
baahan
yahay
goleyaal
sharci
dejineed
oo u
dhexeeya
ummadda,
u
xaq
soora
dawladda
iyo
axsaabteeda
mucaaridka
ah.
Taas
oo
dhiirri
gelinaysa
abuuritaanka
ha’yado
leh
miisaan
is-ceshada,
oo
ka
dhaqan
gala
dal
doonaya
inuu
ku
dhaqmo
“hannaanka
axsaabta
badan”
oo
ah
kan
haddeerba
uga
hanaqaadaya
waddankeenna
sida
weydda
ah (diciifka
ah).
Guurtinnimada
Saleebaan
Maxamuud
Aadan
waxa
laga
eegayaa,
loogana
fadhiyaa
isku
xidhkii
iyo
wada
shaqaynta
oday-dhaqameedka
geed-joogaha
ah (tusaale
ahaan
X.
C/kariim
Waraabe
iwm)
iyo
qalinlaha
siyaasiga
casriga
ah
ee
“hor
iyo
dabo-diidka”
noqon
kara,
marka
uu
doono
ama
uu
muraadka
iyo
qaradka
dadban
(xeesha)
leeyahay
(tusaale
ahaan
Daahir
Riyaale
ama
Axmed
Siilaanyo
ama
Faysal
Cali
Waraabe
iwm).
Maaha
taasi
arrin
fudud,
hase
yeeshee
waxa
sahli
kara
wax
wada
gorfaynta
iyo
tax-gelinta
soo-jireenka
dhaqanka,
qaayibaadda
ama
u
qunka
macaamilka
sama-talisnimo,
daacadnimo
iyo
cuskashada
qawaaniinta
iyo
dastuurka
lagu
heshiiska
yahay
ee
la
wada
dhigtay.
Waxa
loo
socdaa
waa
“xeedhada
salkeeda”
oo
ah
in
la
dhiso
qaran
higsanaya
negaansho
nabadeed,
hore
u
kac
iyo
nolol
sareedo
leh
oo
dhaami
karta
“kacaa-kufka”
iyo
iska
daba-wareegga
dadka
daashadey
tobanleyaashii
dambe
oo
dhan.
Guurtinnimada
Saleebaan
runtii
waa
gunno
xujeysan,
taariikhda
dhow
ee
soo
foolka
leh
ayaana
tiigsanaysa,
hamuumaysa,
una
soo
haliilaysa
qiimaynta
natiijada
imtixaankaas
uu
Saleebaan
u
fadhiistay
oo
aan
‘kow’
ahayne
laba
mid
uun
noqonaysa:
mid
duug-reeb
wanaagsan
iyo
xus
“magac-milgeed”
ka
hadho
ama
mid
magac
“dhaxal
xumaysta”
ka
tagta.
Waxa
aan
guddoomiyaha
cusub
u
rajaynayaa
ta
mudan
oo
ah
ta
hore,
isaga
(Saleebaan
Maxamuud
Aadan)
ayeyse
u
taallaa
oo
kala
doorashada
leh.
Qalinkii
Maxamed
Baashe
X.
Xasan
mohamedbashe@yahoo.co.uk
Afeef:
Aragtida
qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com
|
August
28,
2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|