Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay??.
jagne dahir
jagne3@hotmail.com
Waxan maqlaynay waayanaan danbe Warbaahinta Xamar oo weerar xooq leh ku
hayaan Moorgan oo sheehayaan in uu Moorgan Jubooyinka soo weeraridoon. Waxaa
kale oo aan wali Madaxeena ka bixin Qaabkii xishood darida ahaa ee Talqiinta
Qufka dhintay lagu akhriy u dhigantay ee ay BBCda
Laanta Afsomaligu Warka u
soo daysay markii ay ka hadlaysay cuno qabataynta ay IGAD sheegtay in ay
Moorgan ku soo rogidoonto.
Haddaba Weerarka ay Warbaahinta Xamar iyo BBCda Laanta Afsomaligu ay
sheegayaan in uu Moorgan soo wado iyo cuno qabtaynta IGAD ay ku dhawaaqday
in ay Moorgan lagu soo rogidoono wax baa ka dhexeeya. Maxaa yeelay waxay
Warbaahinta Xamar rabaan in Warkii ay IGAD ku dhawaaqday ee ahaa in ay
Moorgan cuno qabatayn lagu soo rago in meeshii laga sii wado oo Moorgan
cunoqabatay lagu soo rogo.
Si ay taas u gaaraan Waxay Warbaahinta Xamar iyo BBCda Laanta Afsomaligu ay
si wado jir ah u tidceen Been cad oo dhahaysa ,,Moorgan ayaa Jubooyinta soo
weeraraya" Beentaa oo looga danleeyihiin in Moorgan Qabriga la sii
ekaysiiyaan si Talqiintii BBCda Laanta Afsomaligu taabo gal u noqoto markii
IGAD oo beentaas ka duulaysay ay Moorgan cuno qabateyso.
Haddaba xaqiiq ahaan Weerarka kaliya ee jira waa Weerar ay Warbaahinta Xamar
iyo BBCda Laanta Afsomaligu ay Moorgan ku hayaan oo ay rabaan in iyada oo
Warkooda beenta ah laga duulayo in Moorgan cuno qabatayn lagu soo rogo.
Waxaana warbaahintaa xamar arinta u sii sahlay warbaahinta reer puntland oo
u dhigmaan wiilkii ay Hoyadi ilaahay ka bariday in uu ka aamusiiyo markii
uu Erayga ka bilaabay waxaan afkeenu soo qabankarin.
Waxaanay warbaahinta xamar waa hore ku guulaysteen in ay warbaahinta reer
puntland ka dhigaan Ey laf loo tuuray dabo ordayaan oo aan iyagu madax ay ku
shaqeeyaan lahayn maxaa yeelay waxa lagu quulaystay in marna Moorgan loo
tuuru marna Cabdulaahi yuusuf loo tuuro oo ay u cayrsadaan sida Ey laf loo
tuuray dabo cararaya.
Waxana sidaas loogu guulaystay in kuwii malaayinta Qof qasheen looga dhigay
in ay dhakhaatiir Dadqalnimada wax ku daweeyeen yihiin, taas oo keentay in
Ragii dhigeen Musiibooyinkii Dalka ka dhacay kuwii ugu waawaynaa ee min
Xama, Baydhabo ilaa iyo Kismayo Malaayinka Qof ku saxuuqeen in ay Malagii
Moodka la meeqaan noqdaan oo aan sina Mag loogu qabsan, danbigii ay galeena
aan loo dabo galin, meesha wixii xunba Madaxda reer Puntland madaxa looga
saaro.
Ma ahana oo kaliya in lagu guulaystay in Warbaahinta reer Puntland Madaxa
laga qabsaday ee waxaa loo siimoobay oo waahore loo dusay Warbaahinta reer
Puntland. waxaana guha Puntland laga aasaysay.
1. Warhaahin Xamar laga leeyahay oo aad arkaysaysid in ay Dayniile ka dab
qaataan.
2. Iyo kuwa waxay soo qoraan aad ka garaneysid in ay Qaloon Xamar ka
qaataan.
3. iyo waliba qaar Magac reer Puntland maqaar saar ahaan u soo qaateen
laakin aan reer Puntland magac la wadaagin.
Waxana markii aad warbaahinta Somaliya u dhabo gashid kuu soo baxaya in ay
labo u qaybsamaan qaar weerar ah oo waxay qorayaan yaqaanaa si qorshaysan oo
naceyb ku salaysana wax u qoraan iyo qaar waxay qoraan aan aqoon oo kuwaas
neceb Warka ka soo minguurayaan.
Haddaba waxaa cad in Moorgan baa weerar soo wada in uu yahay War la soo
qorsheeyey oo looga dan leeyahay in IGAD lagu cadaadiyo in ay Moorgan
cunaqabtayso si ay BBCdu Talqiin ugu akhriso waxa kale oo cad in Warbaahinta
reer Puntland Warkaas been abuurka ee Dulucda Siyaasadeed leh meeshii ay ka
hortagi lahaayeen ay soo minguurinayaan.
Mana ahan markii ugu horaysay ee ay Warbaahinta Xamar Been ay soo maleegeen
ay Miishka soo saaraan ee waxay waagii hore markii ay Ciidamada Moorgan ka
hadlayaan ay isticmaali jireen Tabta ah Ciidan Itoobaan ah ayaa Somaliya soo
galay, taas oo keenijirtay in ay Dad Warmooga ah Madax ka qabsadaan.
Haddaba waxa xiqiiq ah in ay Somaliya ka jiraan Warbaahin weerar ah oo waxay
qorayaan yaqaanaan iyo kuwo minguurinta macalimiin ku ah, laakin aan
garankarin waxay soo minguuriyeen ujeedada laga wato.
Waxaase cad oo aan cidna caad ka saarayn in Warka ah Moorgan baa weerar soo
wada Dan Siyaasadeed laga leeyahay ee aanay Runta waafaqsanay.
Mahadsanidin
jagne dahir
jagne3@hotmail.com
Afeef:
Aragtida
qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com
|
August
28,
2004
Bishii
Febraayo
ee
2001
ayey
ahayd
markii
Garsooraha
1aad
ee
maxkamadda
darajada
1aad
ee
magaalada
Bosaaso
Sh.
Maxamed
Cabdi
Awaare
uu
beeniyay
warbixin
ku
saabsan
laba
haween
ah
oo
isku
guursaday
Bosaaso
oo
maxkamaddu
ku
xukuntay
in
la
dilo,
warkaas
oo
ay
markii
hore
ay
BBCdu
werisey
oo
beenoobey
[Akhri
warbixintii
wargeyska
Sahan..].
Isla
Bishii
febraayo
ee
2001
ayey
ahad
markii
BBC-du
sheegtay
in
la
afduubay
Marwada
Madaxweynaha
BL
Xaawo
Cabdi
Samantar
iyo
Dr.
Maxamed
Cali
Yuusuf
(Gaagaab)
oo
ka
mid
ahaa
guddiga
Joogtada
ah
ee
Baarlamaanka
Buntilaan,
warkaas
oo
BBCdu
werisey
oo
beenoobey...
[Eeg
warbixintii
Maxamed-Deeq
Cabdulqaadir].
BBC-da
laanteed
afka
Soomaaliga
waxaa
la
asaasay
18kii
Luuliyo,
1957kii
xilligaas
oo
Soomaalida
oo
dhammi
ku
hoos
noolaayeen
gumeysi.
::::::FADLAN TAAGEER::::::::::::
Maxamed
Cabdulle
Wardheere
(Fuje)
oo
Taageero
Weydiistey
Dhammaan
Mujtamaca
Soomaaliyeed..
wuxuu
gaariga
dhigan
jiray
agagaarka
Afar
irdoodka
Muqdisho,
maanta
taageero
ayuu
kaa
sugayaa
Kulaabo
bogga
hore
ee www.somalitalk.com
|