Maansada iyo mujtamaca
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Haddii labada erey oo kor ku yaal xariirka ka dhexeeya iyo sida ay isu saameeyaan uu qof sheego in uu ka faalloon doono waxaa hubaal ah in ay dad badani u qaadan lahaayeen in uu soo bandhigi doono mawduuc aan xiiso lahayn oo aysan naftoodu u hiloobayn, waxayna dadku sugayaan in la sheegi doono taariikho aan macaan lahayn oo ku saabsan sidii ay maansooyinka iyo mujtamacyadu u soo askunmeen ama ay u soo jireen iyo dhacdooyin keenay in maansooyin la curiyey, oo aan dareen xiiso badan iyo saamayn nafsadeed ku yeelan karin dadka, sababtuna ay tahay in shucuurta mujtamaca iyo dhadhanka waxa laga hadlayaa ay kala xayiran yihiin, ka dibna uu hadalku hungo oo kale noqonayo, oo aysan ujeeddadu u sahlanayn sida ayada oo laga faallooday calaaqaadka ka dhexeeya maal iyo mujtamac ama nin iyo naag. Rajada laga qabo in qofka arrintaas ka faalloonayaa uu dareenka dadka soo jiito waxaa yareeya walaac iyo walwal laga baqayo in uu hadalku noqon doono sharqan aan macne sii ridan lahayn ama wax duuduuban oo aan xogtiisa loo heli karin si qeexan oo ay naftu ku xasisho, ee loo guudmari doono qaab isku cabbursan oo la moodo in la isku khasbayo dadka iyo maansada oo ay yihiin weel iyo aabbur aan islahayn, isla markaasna la moodo in dad gaar ahi ay isu baaqayaan oo dulmar iyo calaamado la isku afgaranayo ama uu qofka wax sheegayaa dan la’aan ama xujo midkood dadka maqashiinayo, ee uusan rabin in ay dadku la wadaagaan fahamka iyo dareenka uu u leeyahay in ay maansada iyo mujtamacu isu geli karaan sida ay caanaha iyo biyuhu isu geli karaan, iyo sida ay maansada iyo asagu isu dareemayaan.
Haddii aan mujtamaca iyo maansada midna lagu xadgudbin oo aan laga beensheegin ee mid kasta sida uu yahay loo eego oo tayadiisa iyo qaabsocodkiisa aan midka kale lagu khasbin waxaa muuqan karta in aysan maansadu ahayn wax la wadaago, taasina ma aha in uu qofka curiyey dadka waayo’aragnimo iyo aqoon nololeed kaga duwan yahay, ee waa in ay gudaha maansada ku jirto cimilo leexsan ama durugsan oo aan mujtamaca sida ay tahay loo dareensiin karin, taas oo aan ku lug lahayn in ay lid isku yihiin ujeeddada ay maansadu u dan leedahay iyo damaca iyo hadafka ay bulshadu u heellan yihiin ama ay ku qanacsan yihiin, oo khibradda iyo damaca curiyuhu waxay ku xaddidnaan karaan ama ay ku sinnaan karaan heerka uu mujtamacu joogo, taas oo caddayn u ah in uusan curiyuhu mujtamaca kaga duwanayn in uu danaha uga hadlo si aysan inta kale garan karin, ee uu dadka kale kaga geddisan yahay in uu cimilada maansada wax ka dareemi karo, wuxuuna dareenkaasi gaarsiisnaan karaa heerar kala shisheeya oo gudaha maansada lagu sii kala dareen weyn yahay nooc ka mid ah.
In kasta oo uusan mujtamacu ku wada diirsan karin cimilada dareenka maansada haddana waxaa jirta saamayn aan gudaha maansada ku jirin oo ay bulshadu ka heli karaan maanso cursan, waana saamayn aan lagu gaari karin in mujtamaca iyo maansada midkood la dhalan dooriyo si ay isugu soo durkaan, oo ay bulshadu u soo gasho cimilada maansada ama ay maansadu noqoto dareen guud oo la wada qabi karo, waayo waa labo arrimood oo aan midna la helayn haddii si kasta loo dadaalo. Haddii cimilada maansada laga soo durko oo loo soo dhawaado mujtamaca waxaa yaraanaysa saamayntii aan dareenka ahayn oo ay maansadu bulshada ku samayn lahayd, oo ah saamayn xagga wacyiga iyo fahamsiinta danaha ah ee aan waxba la wadaagin cimilada gaarka u ah maansada oo leh culaab aan loo soo jiidi karin xagga mujtamaca. Saamaynta mujtamaca oo ujeeddooyinka iyo danaha nolosha ama wax kale la xariirtaa waxay maansada u koroddaa ama u kobocdaa markii laga fogeeyo cimilada bulshada oo dhab loogu durkiyo dareenka u gaarka ah maansada ee haddii bulshada xaggooda la soo aado waxaa jiraya mujtamac oo maanso ma ay jirayso, taas oo aynu uga jeedno in uu curiyaha fiicani ka dheer yahay istustus ka xayiraya in uu ku raaxaysto cimilada maansada, oo uu macneheedu yahay in uu yahay qof dabiici ka ah mujtamaca oo si uu dareemayo ee uusan dadaalayn ula tashanaya jawiga maansada, taas oo keenaysa in uusan ku istireexin mujtamaca ee uu iyo dareenkiisa iyo jaalleyaashiis kula raaxayso cimilada maansada, ka dibna ay mujtamaca danohooda wataa ulajeedda ay ku saabsan tahay ku qiiroodaan ama ay u nuglaadaan hanuun lagu xardhay naqshado iyo midabbo laga soo dhoofiyey cimilada maansada, oo ay curiyaha iyo maansadu keligood dareen ahaan isugu deensadeen ama isu khushuuceen, oo ka fog dadaal aan dareen lahayn oo gudaha maansada ah iyo istustus xagga mujtamaca ah.
Xariirka keli ah oo mujtamaca iyo curiyaha maansada ka dhexeeyaa waa ujeeddada ay maansadu ka hadlayso, oo aan aalaaba dhaafsiisnayn dan uu qof kastaa aragti ka dhiiban karo, taasina waxaa markhaanti u tahay in mujtamacu aysan ku lug weyn lahayn maansada dhabteeda ee ay khaas tahay, haddana sawirrada iyo wax kasta uu qofka maansoodaa soo celinayaa waa noloshii guud, oo asaga iyo mujtamacu meel ma ay kala jiraan, hase yeesho ee humaagyada ay mujtamacu ka qaadan karaan waayo’aragnimadooda ayaa waxay u dhow yihiin waxyaalo aan cusbayn oo uu qof kastaa tooskii uu u fakarayey uga jeedo, halka waxyaalaha ay maansada fiicani soo celisaa ay si durugsan oo duwan u abaabulan yihiin, taasna maansada keli ah ma aha ee hadalka cursan badankiisa ayaa lala wadaajin karaa.
Danaha ay maansadu ku ujeeddaysan tahay lug run ah kuma ay laha tayadeeda ah in laga soo dhoofiyey jawigeeda dhabta ah, oo qof kastaa danta uu raadinayaa asaga ayey jirtaa, aragtiyaha dadkuna guud ahaan maanso ma ay aha, oo cimilada maansadu waa ay ka madaxbannaan tahay kala jiidashada danaha nolosha, taas oo looga jeedo in aragti kasta oo ay jilasaa aysan haddii cimiladeeda laga keenay saamayn karin tayadeeda maansonimo, haddii uusan qofkeedu cimiladeeda geli karinna aysan aragtidiisu maanso ahayn, ee uu weli ku jiro hummaagyadii iyo cabbiraadihii tooska dhow u taataabanayey nolosha oo gudaha mujtamaca lagaga dhaqmayey, waxaana intaas inoo sii dheer in danaynta iyo xiisaha ay mujtamacu hadal la sheegay u qabaan uusan xaqiijin karin in cimilada maansada laga soo dhoofiyey, maxaa yeelay dareenka ay cimilada maansada ka helayaan waxaa ka weyn dareenka ay ka qabaan danaha ay kala jiidanayaan, oo cimilada maansada xogta laga qabo yaraanteeda iyo caaddifadaha ay dareemayaan baa waxay calwinaysaa in aan xaqdarro iyo meelkadhac lagu samayn maansada iyo mujtamaca midna, waxaana ka sii daran in mujtamaca aan cimilada maansada u gudbi karin qaarkood ay damaaci aan fiicnayn ku holliyaan in ay kharash la’aan ku dhoofaan, dabadeedna dareenkii iyo hadalkii mujtamaca qaarkiis uu maansadii cimilada kale laga soo dhoofiyey miis la soo fariisto, miiskaas oo uu fadhiyo xaakim aan labada cimilo kala dareemi karin, isla markaas ku hafsan danaha iyo caaddifadaha mujtamaca!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Faafin:
SomaliTalk.com
|
August
28,
2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
»Shacabku wuxuu Guran doonaa waxaad u abuurtaan.. [Siyaad]
»Faalooyinka I Dooro aan ku dilee & I Dooro aan ku dayacee [D/yare]
»CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYASHII CARTE [Aardoon]
»WARKII MOI MEESHA KAMA MARA! [Garaad]
»Waraabihii habar dugaag ku yiri aamin ha la iigu wanqalo [Sugaal]
»BALLANTII AJIGA IYO IBLAYSKA!! [Eelay]
»Waa la gaaray waqtigii dhaqaaqa [Awes]
» AAN KU DOORTEE DAD MA LAYSAA! [Xayrdac]
» Hamiga Riyaale iyo higsiga Saleebaan [Janagale]
» Qaabka Co.Abdulahi u qaybiyay xubnaha baarlamaanka [M.A.]
» Dawladda warlordyada aan jaanis siino [Bashiir]
FAALLO: MADASHA EMBIGATHI IYO MAWQIFKA SOMALILAND
FAALLO: Sababaha ay u dhaqan geli La'dahay dowlad soomaaliyeed
FAALLO::: Farxad Shaki ku Jiro [Ilyas] Aug 23
FAALLO: Yuu Qaadi Doonaa Daadka Dayrtu? [Kashawiito]
»EYGOODII AYAA QANIINAY!!! :: [Faalladii Ammiin]
»Baroor-Diiq::: [Faaladii Liibaan beddel]
»Saameynta Shirka Kenya iyo Waxyaabaha la Gudboon Soomaalida
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|