SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
FAALLO: MADASHA EMBIGATHI IYO MAWQIFKA SOMALILAND

QALLINKII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN

E-MAIL: diridhaba2001@hotmail.com
 

Tan iyo Markii xukunka laga tuuray Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1990-kii Soomaaliya waxay ahayd dal aanay ka jirin wax dawlad rasmi ahi, waxaa ku naf waayey dagaalo sokeeye oo ragaadayey Waddanka Soomaaliya dad tiradoodu kumanaan gaadhayso, malaayiin hanti ahina waa ku luntay, dhamaan magaalooyinka waaweyna iyo goobahii bulshaduna waxay noqdeen qaar dhulka la sinmay, Kumanaan qof ayaa uga cararay dalka dibadiisa, kumanaan kalana waxay hadda ku il daranyahiin Gudaha waddanka Soomaaliya, Muddooyin badan oo la isku dayey in dalkaasi lagu soo dabaalo nabad gelyo iyo Dawlad dhexe ayey ku noqotay Beesha caalamka laf dhuungashay.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Dalkii ay Soomaaliya midoobeen sannadkii 1960-kii muddo hadda laga joogo 45 sanadood ayaa shacabka halkaa ku dhaqani waxay ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii inay xornimadii ka luntay 1960-kii ay dib ula soo noqonayaan, taasina waxay u noqotay shacabka Somaliland inay yagleeshaan dawlad dhexe oo ka xor ah dhamaanba Soomaaliya inteeda kale, Somaliland waxay yeelatay markii ugu horaysay Caasimad u gaar ah oo ah Hargeysa, Callan u gaar ah oo iskugu jira Cagaar uu ku dhex xardhanyahay Tawxiidka "La ilaha ila lah Muxumada Rasuulu lah" Dhexda oo ah Midab cad oo ay ku dhex xardhantahay xidig shan geesood ahi, iyo Midab cas oo ugu danbeeya.

SOMALILAND WELIGEED LA GELI MAYSO WADA XAJOOD XUKUUMAD

SOOMAALIYA KA JIRTA OO DAD ASAL AHAAN KA SOO JEEDA SOMALILAND KU JIRAAN. 

Sannadkii 1990-kii wakhtigaasi oo inyar uun laga joogo markii laga tuuray xukunka Afweyne Barre oo ahaa Madaxweynahii Hantiwadaagii burburay ee Soomaaliya ayaa waxa shir loogu qabtay Soomaalida magaalada Jibouti ee Jamhuuriyadda Jibouti, halkaasi oo la iskugu keenay boqolaal xeerbeegti ah, waxaanay ergooyinkii shirkaasi ka qayb gallay madaxweyne ku meel gaadh ah u doorteen Cali Mahdi Maxamed, inyar uun ka dib ku noqoshadii Madaxweynahii cusba ee Soomaaliya sannadkii 1990-kii waxaa cirka isku shareeray xiisad sababtay dagaalo cul culus oo la isla beegsaday kuwaasi oo dhex maray Jab-had u daacad ahayd Hogaamiye Kooxeed Janeral Maxamed Faarax Caydiid oo ka soo jeeday Habar Gidir Beesha Hawiye, iyo Madaxweynahii Dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee waagaasi Cali Mahdi Maxamed oo ka soo jeeda Abgaal, Beesha Hawiye, taasi waxay sababtay in dagaaladaasi ay ku naf waayaan kumanaan qof, kumanaan kalana ay ka cararaan waddanka, malaayiin hanti ahina ku luntay, dagaaladaasi waxay saamayn weyn ku yeesheen dhamaanba Gobolada Waddanka Soomaaliya, dagaalkaasi wuxuu u horseeday Beesha Caalamka oo ay horkacayo Waddanka Maraykanku inay qallinka ku duugaan sannadkii 1992-kii in ciidamo caalami ah la keeno Magaalada Muqdisho iyo agaagarkeeda si hubka looga dhigo Maleeshiyaadka hubaysan ee dagaalada iskaga soo horjeeda, Waxaa dawladda maraykanku diyaarisay iyada oo kaashanaysa qaramada Midoobay ciidamo caalami ah oo loogu magac darray "UNISOM" ciidamadaasi waxay hawshooda si rasmi ah uga bilaabeen magaalada Muqdisho Xagaagii Sannadkii 1993-kii, waxaana ciidamadaasi ay isku dayeen inay bilaaban hawl hubka dhigis ah, balse Maleeshiyaad u daacad ahaa Janeral Maxamed Faarax Caydiid ayaa jilbaha u aastay ciidamadii golaha amaanka ee qaramada midoobay "UNISOM SECURITY FORCES" Waxaana halkaasi ka bilawday dagaal culus oo ay iskaga soo horjeedeen ciidamo ajanabi ah oo Soomaaliya u yimid hawlo nabad ilaalineed iyo maleeshiyaad u dagaalamaayey kursiga ugu sareeya Waddanka Soomaaliya, taasi waxay sababtay in Ciidamadii Unisom ee maraykanku horkacaayey laga dilo tiro ciidamo ah lagana soo rido tiro diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca, waxaanay Qaramada midoobay go'aan ku gaadhay Sannadkii 1994-kii inay ciidamadeeda kala baxayso dhamaanba waddanka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay joojisay dhamaanba hawlahii samafalka Siyaasadda ee Soomaaliya, waxaa keliya oo ay hawlaheeda ku soo uruurisay inay hawlo gar gaar u fidiso mujtamaca Soomaalida ee ku baylahasan cidhifyada waddanka Soomaaliya.

dedaalka beesha caalamku kuma uu koobnaan oo qudhaata in Soomaaliya sidaa lagu iloobo balse waxaa in doora beesha caalamku isku dayday inay xalliso khilaafaadka salka ku haya kursi jacaylka ee ka jira waddanka Soomaaliya, waxay u qabatay beesha caalamku dhawr shir oo kala duwan oo dhamaantood lagu fashilmay xalkiisa, dhamaana waxaa la ogaaday in awoodda loo taag laayahay ee Soomaaliya xalkeeda ku amar ku taaglaynaysa inay tahay Hogaamiye Kooxeedka oo ku hirdamaaya xilka Madaxtinimo ama hogaanka waddanka Soomaaliya iyo beelaha Soomaalidu u qaybsanto oo aan waxba isku ogolayn.

Hadaba akhristayaasha qiimaha mudanlow qoraalkani xasuusinta ah waxaa igu kelifay shir muddo dheer uga soconaayey siyaasiyiin iyo hogaamiye kooxeed badan oo ka jira waddanka Soomaaliya waddanka Kenya oo ku dhawaaday hadda gebo gebo, kaasi oo runtii u muuqda inaanu waxba kaga duwanayn xalalkii hore ee Soomaalida loo waayey dhibaatadeeda, waxaan jecelahay inaan diiradda saaro dagal dahsoon oo inbadan indhaha laga qarsanaayey, tobaneeyo shir oo Soomaalida loogu qabtay meelo kala gedisan laguma dhex arag sarkaal ama qof ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo shirarka ka qayb galaaya, balse ayaan darrada ugu weyni waxay tahay dad calooshooda u shaqaystayaal ah oo aan matalin shacabka iyo beelaha Somaliland ayaa mar weliba ka qayb galla oo u dhukusa shir aan shacabka Somaliland waxba ka gelin, qodobka aan jecelahay inaan bildhaamiyo waxuu yahay qodob u baahan inay fahmaan dhamaanba Soomaalida meel wal oo ay joogto oo ah mawqifka keliyaata ee ay ka simanyahiin shacabka Somaliland gudo iyo dibad, mucaarid iyo Muxaafid.

HADDII NATIIJADA SHIRKA EMBIGATHI SIDAA KU SOCDO WAA MAXAY MAWQIFKA SHACABKA IYO XUKUUMADDA SOMALILAND

Somaliland waxay hore u caddaysay inay jeceshahay Soomaaliya oo yeelata Xukuumad dhexe oo dadkeeda iyo dalkeeda u adeegta, balse aanay Somaliland Waxba ka gelin, Boqolaal shir jaraa'id oo ilo kala duwan oo Xukuumadda Somaliland, Golayaasha Qaranka Somaliland (Guurtida iyo Baarlamaanka), Axsaabta Siyaasadda (UDUB, KULMIYE, UCID) iyo dhamaanba qaybaha bulshadu ay si kala duwan u soo saareen ayey si isku mid ah u cadeeyeen in aanay Somaliland ahaan meel la fadhiisan doonin Xukuumad Soomaaliya yeelato oo:

Marwo Adna Aadan Wasiirka Arrimaha

Dibadda Somaliland ahna diblomaasiyadda

ugu sareeysa ee Somaliland.

 

Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisa iyo

Mawqifka cad ee ay ka taaganyahiin shirka

Embigathi 

 

1. Ay ku jiraan Rag beel ahaan iyo Jinsi ahaan ka soo jeeda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland

2. Ay ku jiraan dambiilayaashii ka gallay dunuubta Shacabka Somaliland sida Gaani, Moorgan, i.w.m

3. Xukuumad Sheeganaysa inay metasho ama ay Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya

4. Xukuumadda Soomaaliya waa inay si bilaa shuruud ah ku aqoonsato xornimada, madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland oo aanay gelin karin wax gor gorton ah.

5. Somaliland uma aragto wax dhibaato ah meel kasta oo wada xajood ka dhici karaan markasta oo la helo dawlad ka saafi ah qodobada kor ku qoran.

Balse akhriste waxaa muuqata in aan dheg jalaq loo siinin digniinaha mustaqbalka ay si diblomaasiyan ah iskugu hor fadhiisan karaan Somaliland iyo Soomaaliya, taasina waxay u muuqata hadda mid meeshaba ka saaraysa in la arko Somaliland iyo Soomaaliya oo si kasta wax iskugu yimaad ilaa Xukuumad kasta oo Soomaaliya ka dhalata ay fuliso qodobada kor ku xusan. 

Somaliland aqoonsan mayso Xukuumad ay ku jiraan dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland sifo kasta oo ay Xukuumadaasi ku timaado, sida ku cad baarlamaan ku sheega lagu dhaariyey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya 22-08 -2004

waxaa ka dhex muuqda rag sheeganaaya inay Masayrka Somaliland matalayaan laakiin Ilaahay been u sheegay, naftooda iyo shacabkay ka dhasheena khiyaameeyey, waana hawraarta keliya ee hadda u muuqata in aanay jiri karin wax xal ah oo loo helo dhibaato kasta oo Somaliland ku tallo jirto in ay si diblomaasiyadeed mustaqbalka kula fadhiisato dawlad ayba Soomaaliya yeelato.

Maalmaha soo socda ayaa shacab iyo Xukuumad waxay shacabka Somaliland diiradda saarayaan inay si degen u darsaan waxyaabaha ka soo baxaya shirka magaalada Nairobi uga socda hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya.

Balse Su'aashu ma tahay mid xal u noqota Soomaaliya xidhiidh wanaagna u dheefta Somaliland iyo soomaaliya?

Aan ku soo gunaanado:

iga deyran lahashadu
iga duuban googoos
boholyowna iga dedan.
Ha is deyso qiil ma leh

dushaa layska eegtaa
dib baa laysu eedaa
haba diillin badatee
shaxi duud u kala rogan

siba deleb u kala guran
weligaa ha igu degin
godka daraya qoolka leh
daran doorri nabarrada

xagga hore u dalandali
ha durduuratee sii
ha is daashatee lali
ha is daasatee hubi.

Dadna wada dad maahee
dalladaa habeenkiyo
danbas buu huwanayee
sawnigii rag kala diray.

Kuwa dayrta iyo guga
sida diinka sugayow
anaa daaqa cawskoo
ku higsada daruurtee
ka hadh-gala diraacaha.

Nimaan diiftu saarrayn
dusha sare ka qolof dhicin
dubatadu ku shaacnayn
nimaan daawa shiillayn

ama degel ku sheegnayn
ama dibad ku sheegnayn
daymadaydu suurayn
waxaa loogu digayaa

dohdu Waamo maahee
dirir baa ka socotee
firdhisada iskaga durug.
Marka dirir gabaabsiyo

isma dayada dhiifta leh
iyo duraha jiilaal
dayawgiyo kulka is wada
doorsoonka garashada

daadduunka nugulkiyo
dac ku dhiidhigeediyo
dar-wisiisigeediyo
danbabeera ruqankiyo

daabaan u jedankiyo
duul duulka Jaahweyn
anigaa ka doogoo
weligay danbeeyee

dhulka deexda dharabka leh
nin dallaallimaystow
dad anaa ku hadhayee
dhanka kale u diga rogo.

Anoo daaya mooyee
godobteyda daah iyo
dadab yaa ku xidhi kara?
Anoo daadsha mooyee

dabka yayga dhigi kara?
Haddaan doohba lay barin
dibso yaa i odhan kara?
Rag dagaal isugu yimi

haddaan guuli kala dirin
ama duubi wada jabin
isma dooda dhuuxdee
marka dhaylo dubantee

digsi xanan kulkaan bado
iska rogo daboolkee
fadhi dagagar yeeshaan
garan dooca hadalkee

Duqri may maqlaysaa
daratiyo kud iyo caal
durey iyo kul iyo daaf
waxaad duumo hidisiyo

waxaad hayso daacuun
annagaa daweynee
dabaq qudha isugu gee
ha ka tegin duruustay

rag isaga danbeeyeen
isku soo daroo keen
cirka sare badh soo dumi
Waxaad hayso soo daa!!!

FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN

diridhaba2001@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug  24, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD