SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI
"Dahir Yare" oo Waraysi la yeeshay C/casiis "Xildhiban"

Wariye Dahir Abdulle Alasow "Dahir Yare" oo ah wairyha madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka soconaya Dalka Kenya ayay u suurtagashay in uu wareysi aad u dheer dhinacyo badanna taabanaya la yeesho Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Mudane C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", Wareysigii uu la yeeshayna wuxuu u dhacay sidatan:-

Su'aal:- Inta badan waxaa la maqlaa ururo ka shaqeeyo nabadda laakiin hadana waxaa muuqata in qaarkood aysan wax badan ka fahamsaneyn micnaha nabadda iyo marinka loo maro bal maadaama aad tahay Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda isku day inaad ii sheegto qodobadda laga rabo qofka ka shaqeeyo nabadda inuu astaan ahaan lahaado ama lagu tilmaamo?

Jawaab:- Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Nabaddu waa nolol, maxaa yeelay haddii ayan nabadi jirin nolol iyo horumar la gaaraa ma jirteen sidaas darteed nabaddu waa aasaaska noolaha oo dhami, waxaan filayaa qiimaha ay nabaddu leedahay waxaa la dareemaa marka ay colaadi jirto oo uu qofku garan waayo halka uu ku badbaadayo hadaba, qodobka aasaaska u ah qof kasta oo doonaya in uu ka shaqeeyo nabadda waa in uu aaminsan yahay mabaadiida nabad ku wada noolaanshaha ummadaha aaduunka iyo aqoonsiga xaqqa uu qof kasta u leeyahay aaya ka talintiisa, wixii qilaaf ah ee soo kala dhexgalana ummad kasta in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo.

Su'aal:- Dabcan waxaa Dhaqdhaqaaqiina Nabadda ku wajahan yahay Dalka Soomaaliya ee dowlad la'aanta ragaadisay afar iyo toban sano ka horna ay ka jirtay cadaalad daro iyo nabad xumi intaba bal isku day inaad sawir guud ka bixiso qorshaha caqli galka ah ee dal nuucaas ah oo qori iyo qof ah nabad looga hergelin karo?

Jawaab:- Waxaan filayaa in aadamigu uusan noolaan karin inta uu nool yahay haddii uusan qorshe u sameysan sidii uu ka yeeli lahaa wixii wax qabad uga baahan iyo dhibaatooyinka la yimaada waqtiga sida kuwa maanta ka taagan Dalka Soomaaliya hadaba, haddii qof kasta oo Soomaali ah uusan garan waxa ka saaran wax ka qabashada dhibaatadan ragaadisay dalka iyo dadka runtii waa dhib badan tahay in aan isla garano dariiqii sahli lahaa ama looga bixi lahaa dhibaatadan, qorshahayaga wuxuu yahay in aan Soomaalida horseed ugu noqono ka dhaadhicinta qiimaha ay nabadgalyadu leedahay iyo sidii si nabad ah looga wada noolaan lahaa dalka wixii horey u dhacayna la isaga garaabi lahaa.

Su'aal:- Nabadu ma qaran baa lagu dhaliyaa mise qabiil?

Jawaab:- Qiimaha uu qaran kasta ku leeyahay bulshada caalamka dhexdeeda waxaa asal u ah nabadgalyada qarankaasu gaarsiiyay ummadiisa hadaba, aaladda kaliya ee qaranimada lagu ilaalin karo waa nabadgalyada oo la dhowraa wax kasta ha loo maree. Nooca lagu burburin karana waa qabyaaladda sidaas darteed waxaan ku celinayaa tixdii gabeyga aheyd ee uu tiryay naxariistii janno Allaha siiyee C/laahi Suldaan Timacadde oo aheyd "Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyee".

Su'aal:- Shaqsi ama xisbi u ololeeyaha arrimaha beesha ay ka dhasheen heer juffo, in nabad la helo oo qoriga la dhigo maka dhaadhicin karaa qabiilo dakano dhextaal oo dagaal dhexmaray dadna iska dilay?

Jawaab:- Waxaan hubaa haddii si daacadnimo ah loo wajaho wax ka qabashada dhibaatooyinkii sababta u ahaa in shakigan uu abuurmo laga gudbi karo dhamaan caqabadaha hortaagan nabadgalyo la gaaro ama in la iska dhigo hubka gacmaha lagu heysto sababtoo ah, waad arkeysaan in dagaalkii labaad ee adduunka oo ahaa kii ugu qaraaraa ee dhexmara dadyoowga dunidan dalalkii uu dhaxmaray in ay maanta leeyihiin xiriir ka wanaagsan kii ay soo mareen isla markaana ku midoobeen danaha iyo maslaxadda dadkooda yeesheen "Unity, Political and Difence Alliance, Single Currency", hadaba walaal dhibaato Ilaahay wuxuu ag dhigay xal waana lagama maarmaan in ay Soomaalidu garato in dagaalka laga doorto Nabad, Midnimo iyo ku dhaqanka Cadaaladda oo uun ka gudbin karta dakanaha iyo dareenka ay kala qabaan.

Su'aal:- Urur la magac baxay Dhaqdhaqaaqa Nabadda ma ahan wax sahlan oo waxaa laga sugayaa inuu wax nabadeeyo"qaab ceynkee ah baad u howlgeleeysan? ma qalinka kaliya mise qorigana nabad waad ku dooneeysaan oo qorshaha ceynkaas ah waad qabtaan?

Jawaab:- Waxa na kulmiyay ayaa ah in aan doonno nabadda, qaabka aan ku howlgaleynana waa sidii loo abuuri lahaa qaab ka duwan kan hadda caadada ama dhaqanka u noqday Soomaalida maalmihii la soo dhaafay dalka iyo dadkana nabadda u diiday hadaba walaal, ma aaminsanin in xoog wax lagu doono waxaan aaminsannahay in uu caqligu taliyo howl kasta oo la qabanayana lagu saleeyo wadatashi si qoriga uu meesha uga baxo. 

Su'aal:- Ururkiina nabadda yaa idinka caawiyo xagga dhaqaalaha aad ku howlgaleysaan?

Jawaab:- Wax badan ayaan saxaafadda u sheegnay mar kalena waan ku celineynaa waxaan goosanay isla markaana ku howlgaleynaa in aan dadkeena ugu adeegno si iskaa wax u qabso ah, qarashka aan ku howlgaleynana waa waxa aan nafteena ka reebnay mana jirto cid si gaar ah kaalmo ugu weydiisanay magaca dadka Soomaaliyeed ama uga dooneyno.

Su'aal:- Ururadda caalamiga ah ee aduunka ee ka shaqeeya arrimaha nabadda yaad xiriir kala leedihiin?

Jawaab:- Mudada gaaban ee uu jiro dhaqdhaqaaqan nabadda waxaan xiriir iyo wada shaqeyn la sameynay ururo caalami ah oo u ololeeya nabadda iyo ururo u dhaqdhaqaaqa nabadda iyo dhamaan dhinacyada doonaya in dhibaatada Soomaaliya lagu xaliyo qaab nabadeed, waxaanan dib ka soo bandhigi doonaa dhamaan magacyada ururada iyo mas'uuliyiinta aan xiriirka la sameyney.

Su'aal:- Maadaama aad tahay Xoghayaha Guud ee ururka maskaxda maku heysaa barnaamij looga soo kaban karo dhibaatadii iyo burburkii 14ka sano dalka saameynta ba'an u geystay?

Jawaab:- Qorshaha waxqabad ee aan ugu talagalnay wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya waa qaab shaqo adag ah oo soconaya 10ka sano ee ugu horreeya ka dib dhismaha dowlad Soomaaliyeed. Hadaba qorshahan wuxuu wax ka qaban doonaa baahida shacbiga Soomaaliyeed u qabo wax ka qabashada dhinacyada Sugidda Amniga, Ururinta hubka sharcidarrada, Caafimaadka, Waxbarashada, Ilaalinta iyo Aqoonsiga guud ee xuquuqda muwaadiinta Soomaaliyeed, soo celinta xiriiradii shabcigeenu la lahaa shucuubta kale ee ku nool duinada.

Su'aal:- Mala dhihi karaa xisbigiina waa mid ay ku mideysan yihiin juffo ka tirsan qabaa'ilka Soomaaliyeed oo ah isku xiraha qabaa'ilkaas ee kana hortaga colaadaha.?

Jawaab:- Asalka dhibaatada Soomaaliya ayaa ah adeegsiga magaca qabiilka, isbaheysiyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalkana waxay noqdeen qeyb ka mid ah sababihii burburiyay Qarankii Soomaaliyeed, haddii ruux Soomaali ah uu Soomaalida inteeda kale u tilmaamo sida uu u arko xal u hellidda mushkiladda u diiday Qarannimada waxaa markiiba la oronayaa waa reer hebel qofkaasi, xittaa waxa uu aqrinayo haddii ay quraan yihiin, Marka xisbiyada iyo Isbaheysiyada ku sameysma magaca qabiilka oo aan laga gudbin xal ma dhawa, waxayse aniga ila tahay in aan qofka lagu qiimeyn heybta uu ka soo jeedo ee lagu qiimeeyo waxa uu doonayo in uu u qabto dadkiisa. Annagu wax badan ayaan diideyney colaad iyo in la dilo qof aadane ah Ilaahii abuurayna uu karaameeyay ilaa xaq in loo dilo ma ahee.

Su'aal:- Hadaad sheegateen ama magaciinu yahay dhaqdhaqaaqa nabadda xisbigiinu taladda sare maka siman yihiin dhamaan aqoonyahanadda beelaha Soomaaliyeed?

Jawaab:- Wax kasta waxay ku biloowdaan feker uu qof keenay hadaba haddii muuqaalku yahay qaabka aad sheegeysid ama laga daawan karo waxaan ku tala jirnaa in aan isugu yeerno dhamaan aqoonyahanada Soomaaliyeed, magaca Dhadhaqaaqa Nabadda Banaadirna loo bedelo  United Somali Banadiri Peace Moviment.

Su'aal:- Qiyaas ahaan Soomaaliya goormee nabad heli kartaa?

Jawaab:- Maalin kaliya xitaa waa suurtagal haddii ay dadkeeygu gartaan in la soo gaarey xilligii ay ka hari lahaayeen xumaha baahay ee sababta u noqday burburka ku dhacay qarankii Soomaaliyeed. Haddii waxa la isu heystay ay tahay qabiil aragnay in qarannimo lagu gaari waayay.

Su'aal:- Ma ahan wax ku cusub axsaab isu tagtay oo dhisatay xisbi nooca uu doono ha ahaadee hadana aan wax qaban "maxaa guul ah ama nabadeeyn ah oo la tilmaami karaa oo aad qabateen tan iyo markii ururkiina lagu dhawaaqay?

Jawaab:- Tan iyo markii lagu dhawaaqay Dhaqdhaqaaqan muddo hadda laga joogo 2 bilood iyo maalmo uun wuxuu ka qeyb qaatay dhameynta isdilkii ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan waqooyigeeda iyo heshiiskii ay gaareen dhinacyadii ku dagaalamayay halkaasi, wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada ay colaadda u dhaxeyso ee Soomaaliya in ay wada hadal ku dhameeyaan qilaafaadkooda joojiyaanna gacan ka hadalka weli dhexmaraya qeybahii ku dagaalamay gudaha iyo duleedka magaalooyinka Muqdisho, Baladweyn, Gaalkacayo, Diinsoor, Xaramka, Dhaaytubaako, Ceel dheer, Masagawaa iyo goobaha kale ee laga soo sheegayo in ay ku jiraan diyaargaroow dagaal.

Su'aal:- Ugu dambeyntii dadka sidee nabad ugu wada noolaan karaan?

Jawaab:- Iyadoo qof kasta uu xil iska saaro wax ka qabashada iyo ka hortagga wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgalyo ku wada noolaashiyaha iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed ayay aniga ila tahay in la iska saaro taxadar badanna laga qabo dareen kasta oo abuuri kara colaad. 

Xildhibaan kala xiriir:
 xildhiban@hotmail.com

Daahir yare kala xiriir:
 somali_journalists@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2004

WARAYSIGII HORE EE SOMALITALK EE XILDHIBAAN::::

QAADKA vs SUUGAANTA

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA.... GUJI

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD