Saameynta Shirka Kenya iyo Waxyaabaha la Gudboon Soomaalida
W/D :Afyare Cabdi Cilmi & Dr. Cabdullaahi Axmed Barise
Email:
qormooyinka@hotmail.com
Illeyn habaar adoogiis waa "Col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay." Runtii,
nasiib darro weyn ayaa haysata ummadda Soomaaliyeed. Sansaanka shirka
Kenya sida ka muuqata, muddo 14 sano ah kadib, waxaa maanta Soomaali
doonaya inay maamulaan qabqablayaashii dagaalka ee iyagu mas'uulka ka ahaa
wixii dhibaato soo gaaray ummadda. Waxaa taas ka sii daran cidda loo
dacwoonayo oo garta naqaysa oo laga filayo wanaag waa IGAD oo Itoobiya iyo
Kenya gacanta ugu jirta.
Haddaba, saamaynta ay yeelan karto natiijada laga filayo shirka Kenya
maxay tahay? Maxaase la gudboon dadka Soomaaliyeed? Qormadan kooban
waxaan ku falanqeyn doonnaa aragtideenna ku aaddan labadan su'aalood.
Marka si hoose loo fiiriyo geedi-socodka shirka Kenya ee muddada dheer
socday, waxaa muuqanaya in nidaamka ay dowladaha maamulaya shirku ku
wadeen uusan ku salaysnayn ujeeddo nabad-raadin ah. Waxaa cad in shirkan
laga foolinayey natiijo dan u ah dalalka cadowga ku ah Soomaaliya oo
markii horeba iyagu qasbay in shirkan la qabto. Tusaale waxaa noogu filan
ereyadii uu isaga oo aan la gabban si cad ugu dhawaaqay Madaxweynihii hore
ee Kenya, Daniel Arap Moi. Sidoo kale, hadallada marar badan ka soo
yeeray Kipligat iyo falalka laga arkay intii uu shirka madaxda ka ahaaba
waxay muujinayaan daacad-darrada IGAD iyo dowladaha deriska ah. Waxaa noo
muuqda inuu shirkani ku yeelan karo aayatiinka ummadda Soomaaliyeed saddex
raad oo waaweyn haddii aan wax laga baddelin sida ay wax u socdaan.
Kow, halista ugu weyn ee ka iman karta shirkan waa in maamulka dalka
gacanta loo geliyo qabqablyaasha dagaalka ee ay Itoobiya taageerto,
dabadeedna ay billaabaan dagaallo cusub oo sokeeye. Runtii, waxaa jira
ififaalo muujinaya dhiillo colaadeed oo ka soo cusboonaada dalka. Sida la
wada ogsoon yahay, waxaa waayadan danbe yaraaday awoodda
dagaal-oogayaasha. Waxaa kale oo hoos u dhacay xamaasaddii qabyaaladda.
Waxaa isku furmay isku-socodka dadka, walow uusan is-dhexgalku gaarin heer
wanaagsan.
Nasiib darro, sida warar xog-ogaal ah oo laga helay diplomaasiyiin jooga
shirka Kenya ay sheegayaan, Itoobiya, iyadoo isticmaalaysa IGAD, waxaa ka
go'an inay ka ilaaliso Baarlamaanka iyo xukuumadda ka soo baxaya shirka
shaqsi ka soo horjeeda siyaasaddeeda ama rumeysan Soomaali-Weyn. Waxaa
weliba taas dheer inay Itoobiya riixayso sidii ay dagaal-oogayaasha ay
iyadu taageerto ay iyagu go'aamiyaan cidda matalaysa shacabka
Soomaaliyeed. Ogooboo, cidda kala saaraysa ugu danbaynta liisaska
iskhilaafsan waa IGAD oo gacanta ugu jirta Itoobiya iyo Kenya.
Walow uu nidaamka ay IGAD qortay sheegayo in xulitaanka xubnaha
Baarlamaanka ay wada leeyihiin siyaasiyiinta, odoyaasha dhaqanka, bulshada
rayadka iyo hoggaamiyayaalka kooxaha, haddana waxaa dadka goobjoogga ahi
xaqiijinayaan in ay IGAD maqasho oo keliya qabqablayaasha dagaalka ee
Itoobiya ay taageerto. Taas waxaa daliil u ah go'aannaddii lagu
gudbinayey tirooyinka iyo liisaska ay qorteen qabqablayaasha
dagaalku.Waxaa iyaduna jirta in nidaamka markii hore loo maamulay shirku uu
muujinayo inaan la eegin danta ummadda Soomaaliyeed ee la fiiriyey waxa
danta u ah dowladaha shirka wada iyo qabqablayaashooda. Haddii aad si
taxadar leh u aqriso warbixinnada ay qoreen 6-dii guddi ee la saaray waxaa
kuu caddaanaya in danta la xeerinayey aysan ahayn mid Soomaaliyeed.
Labo, weli shirku kama doodin waxa laga yeelayo xadgudubyadii xuquuqda
aadanaha iyo xasuuqii loo geystay shacabka Soomaaliyeed. Sida caadada ah,
marka la xallinayo dagaal sokeeye, waxaa qodobbada muhiimka ah ee xallinta
u baahan ka mid ah in dadka is-haya ay ka doodaan oo go'aan ka gaaraan
qaabka loo abbaarayo dhibaatooyinkii dhacay. In la is cafiyo iyo in la
ciqaabo dadkii mas'uulka ka ahaa dhibaatada, labaduba way furan yihiin.
Laakiin, inaan laba soo qaadin waa dulmi ku gooni ah ummadda Soomaaliyeed.
Waana dibindaabyo si ku tala-gal ah ay u sameeyeen qolyaha maamulaya
shirku.
Saddex, shirkan oo aan u aragno kii ugu liitay ee loo qabto Soomaalida
waxaa ka muuqda in doorkii haweenka, aqoonyahanka, culumada iyo waxgaradka
kale oo dhan la daboolay. Waxaa la buunbuuniyay doorka qabqablayaasha
dagaalka oo runtii aad u soo yaraanayey sanadihii la soo dhaafay. Haddii
sida ay wax ku socdaan lagu sii wado, waxaa abuurmaya boqollaal qabqable
dagaal waayo dadka farriinta loo dirayo waa "hadba sida aad wax u disho
ayaa laguu aqoonsanayaa oo wax lagugu siinayaa." Waxaa jira dad farabadan
oo hubeysan oo marka ay arkaan in hubka wax dheeraad ah lagu helayo
iyaguna adeegsan doona oo wixii la keeno hor-istaagi doona. Taasina waxay
keeneysaa in iska-daba-wareegga lagu jiro muddada soo socota.
Ugu danbayntii, waxaa dhici karta in shirkani uu sii fogeeyo in la helo
heshiis iyo dowlad qaran. Waxaa iman kara inuu kiciyo xamaasad cusub oo
qabyaaladeed iyadoo qabaa'ilka qaar loo tuso in qabiillada kale ay diiddan
yihiin reer hebel. Waa farsamadii ay waligeed adeegsan jireen
siyaasiyiinta doonaya inay taageero u helaan mashruucooda sax iyo qalad
mid uu yahayba. In dareenka noocan ah la abuuro waa ay sahlan tahay waayo
waxaa lumay kalsoonidii. Haddii ay sidani dhacdana, waxaa dhici karta in
ay u gogol-xaarto inuu dalku kala googo'o iyo inay qabaa'il awal heshiis
ahaa ay isku nacaan.
Haddaba, maxaa la gudboon Soomaalida? Marka hore, waa in la isweydiiyo
danaha uu shirkani xeerinayo cidda iska leh. Warka borobogaandada loogu
talagalay ee ah waxaa dowlad ku dhisanaya shirkan Soomaali waa in hoos loo
dhugto. Dadka Soomaaliyeed, kuwa jooga shirka iyo kuwa ka maqanba, waa
inay ku dadaalaan inuu maamulka shirku gacantooda soo galo si ay iyagu u
go'aansadaan qodobbada ay ka heshiinayaan iyo xilliga ay ka wada
hadlayaan. Waxaan qabnaa in haddii ay Soomaalidu ka wada hadasho
dantooda iyagoo adeegsanaya afkooda iyo dhaqankooda ay xal gaari karaan.
Tan labaad, waa in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan, aqoonyahanku ay
culeys ku saaraan hey'adaha caalamiga ah ee shirka jooga in nidaamka
shirka la hagaajiyo oo uu noqdo mid furan oo aysan ku amar-ku-taagleyn
qabqablayaasha dagaalku. Sidoo kale, waa in aqoonyahanku ay ku soo
bandhigaan warbaahinta caalamka iyo tan Soomaalidaba tabaha ay dalalka
deriska ah iyo qabqablayaasha dagaalku ay ku fashilinayaan ama ay ku
raadaynayaan shirka.
Adduunka kama jirto qof leh aniga ayaa u dooraya dadweynaha qofkii matali
lahaa si uu aniga ii doorto. Yacni, qaar badan oo ka mid ah qabqablayaasha
dagaalku waxay doonayaan inay hoggaanka sare ee dalka ka mid noqdaan.
Maaddaama aysan kalsoonida dadka heli karin, waxay doonayaan in kuwii
qoryaha u siday iyaga ay meesha keenaan si ay cod u helaan. Taasi
caqliga iyo sharciga midna sax kuma aha. Maaddaama aysan hadda suurtagal
ahayn in dadweynuhu ay doortaan dadka matalaya, waxaa lama- huraan
noqonaysa in waxgaradka beeluhu ay doortaan cidda matalaysa.
Saddex, waa in la helo qolo dhexdhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya oo u
garsoori kara waxa la isku qabto. Itoobiya iyo Kenya ma noqon karaan
dhexdhexaad waayo waxa ay ka leeyihiin Soomaaliya dano waaweyn. Waxayna
lug ku leeyihiin billowga iyo sii socoshada colaadaha ka jira Soomaaliya.
Waxaa la wada ogsoon yahay in ninkii caraysan oo raba rasaas uu Soomaali
ku laayaba uu aado Itoobiya.
Afar, qodobbada laga hadlayo waa inay ku jiraan waxa laga yeelayo
danbiilayaashii geystay dhibaatada. Annagu hadda ma lihin ha la ciqaabo
ama ha la cafiyo, laakiin waxaan leennahay waa in shirka Soomaali ay ku
heshiinayso arrintan la keeno oo laga doodo. Haddii aan sidaa la yeelin
waxaa dhici karta in dib loosoo gocdo dhibaatooyinkii dhacay oo dib u
heshiis buuxa aan la helin.
Ugu danbayntii, cilmi-baarisyada laga sameeyey xallinta dagaallada sokeeye
waxay muujinayaan in diintu ay qeyb weyn ka qaadato xallinta mushkiladda.
Muzambique, South Africa, Guatemalla, Il-Salvadore iyo Cambodia markii ay
xallinayeen mushkiladdooda waxay adeegsadeen diintooda, kaniisadahooda iyo
dhaqankooda.
Dhibaatada Soomaaliya ka dhacday waa mid akhlaaqi ah. Haddaba, diinta
Islaamka iyo culimada Soomaaliyeed waxay ka mid noqon karaan tiirarka ugu
weyn ee qeyb ka qaadan kara dib-uheshiisiinta Soomaalida iyo daaweynta
dhibaatooyinka jira. Waxaa lama huraan ah in culumada iyo aqoonyahanku ay
qeyb ka qaataan nabadeynta. Nasiib darro, maaddaama colaadda Soomaaliya
iyo Itoobiya ay salka ku hayso diin, shirkan qolada ugu horreysa ee xitaa
haddii ay beelahooda ka soo baxaan aan loo oggolayn inay shirka cag soo
dhigaan waa culimada. Haddaba, waa yaabe, sidee la rabaa in heshiis loo
gaaro haddii diintii iyo dadkeeda la fogeeyo?
Waxaan Ilaahay uga baryeynaa in ummadda Soomaaliyeed uu ka samatabixiyo
dibindaabyooyinka ay maleegayaan cadowgu. Waxaan ku boorrinaynaa
dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan, kuwa ku nool dalka dibaddiisa inay
indhahooda furaan oo si joogto ah ula socdaan waxa dhacaya maalmaha soo
socda. Dadka aqoonta iyo xilkasnimada lagu tuhmayo ee jooga meesha shirku
ka dhacayo waxaa saaran xil weyn waayo wax kasta oo ka soo baxa shirka Kenya waxay saamayn weyn ku yeelan doonaan dadka iyo dalka oo dhan.
Afyare Cabdi Cilmi waa arday wax ka barta Jaamacadda Toronto.
Dr. Cabdullaahi Axmed Barise waa macallin wax ka dhiga Jaamacadda Zayid
University.
E-mail
qormooyinka@hotmail.com
Afeef:
Aragtida
qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com
|
Aug
13,
2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|