SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

W/Q:Mursal Max,ed Max,ud(Garaad):
Email: stethy1@yahoo.com
 

NINKII XARASH II HAYOW XILDHIBAN BAN NOQDEE GORMEED  ILA XISAABTAMI????????

 
    Golaha shacabku waa astaanta ugu horaysa ee Dowladnimo,waana hay'adda ugu saraysa baratakool ahaan dalka.waayo waa Gole sharci dejin oo u xilsaaran,ilaalinta sharciga,laxisaabtanka hay'addaha kale ee Dowlada,dhowrida xuquuqda dadka.I.W.M
Sidaas darteed waa lagama maarmaan in xubnaha ka mid noqonaya ay yihiin, kuwo u qalma,aqoon leh,kana hufan caadifad qabiil,islamarkaasna karbuunadda kadaba qaata cid kasta oo sharciga ku xad gudubta,ama tacadi gaysata. Balse waa in aanay noqon Danbiilayaal sharciga gabaad ka dhigta,oo wixii udana u codeeya wixii ka dhanana ka codeeya.
    Golaha cusub ee Barlamanka federaalka ah ee soomaaliya xubnaha ku jira kuwa ay yihiin ma,iswaydiisey,oo ma garanaysaa?..Raadi liiskooda oo isha laraac,markaas kadib waxaan filayaa in natiijadda kuu soo baxdaahi aanay ku faraxgelindoonin! 3-dexmeelood 2.-meel wax kabadan magacyadoodu kuguma cusba oo waa kuwii dalkan iyu dadkanba heerkaan soo gaadh siiyey iyo gacan yarayaa-shoodii,oo maanta usoo wada labistay Dibutaati ay iyagu isku qoreen si wixii ay horay u gaysteen ay xalay dhalay uga noqdaan!...mahaysaa mise ogtahay hal qab-qable oo ka maqan liiska barlamanka? jawaabtu waa maya baan filayaa.Taasina waa nasiib daro mar kale la soo deristay shacabka taagta daran ee Somaliyed,ee ay afduubka ku haysteen 14-sano, in ay usii koror sadaan waqtigii Afduubka.
    Si gaara wax,ay u taabanaysaa qaybaha dulman ee cadaalad sugayaasha ahaa. Kumanaan ubad ah ayeey dhigeen waxbarasho iyo mustaqbal la'aan,Kumanaan kale oo berito wadanka wax tarilahaa ayeey hoyla'aan dhigeen,oo qaarkood daarihii ay ku jireen madaafiicdii ay la dhacayeen ku agoontoobay.Kumanaan kabaxsadda islahaa xabadaha naxariisdarada eh ee ay ridayeen shalay xildhibaanada maanta, ayeey badweynadu harqiyeen.Boqolaal dumar ah ayaa asaaygii ay badeen weli aan dhigin....Bal eeg.. waxaad moodaa in layiri ladagaala taranka dadka!! 15-sano kahor tirakoob la sameeyey tirada dadku waxa ay ku dhowayd 9milyan,halka qiimayn la sameeyey laba sano ka hor ay ka keentay 6milyan iyo tiro yar. Hadaba wax meesha ku jiraahi waa farqi wayn, waxaana la rumaysanyahay inkooban oo ku nool dibadaha,mooyaane in intii kale ay ciida ka hoos mareen.
    dhamaan qayabaha aan kor ku soo xusnay iyo kuwo ka sii badanba, waxa'ay naawilayeen in ay mar'uun dhaayaha ka qaadaan,Ragaas oo fadhiya kuraasta caddaalada,kana jawaabaya wixii xusuuq,gaboodfal iyo xad-gudub ay gaysteen....hase yeshee nasiibku waa halkiisee,ma muuqato saan-saan maalmaha dhow ragaasi lagu hor keeni karo caddaalada,si ay u qaadaan wadadii saaxiibadood Milosovic iyo Saddam Husain.
    Si kastaba ha ahaatee waa runtaa mudane xildhibaan,sida ciwaankaba ka muuqata,eed jees-jeeska ku leedahay xildhibaan baan noqdee goormeed ila xisaabtami..oo maalmaha dhow waad ka badbaadi dacwad nuucaasa,balse waxaa jirta murti carbeed oo oranaysa ALKELBU KELBUN WALOW DAWAQTAHU DAHABAN oo la micno ah(Nin hadaad marada ka soo rogto waa isla kii uun)macno ma sameynayso suudka quruxda badan eed ku taagantahay iyo dhoola tusyo aad soo bandhigi doonto marka Golushu howshiisa guda galo,si aad isugu akaysiio nin daacad ah oo sharciga ilaalinaya,waa jibaadkiisa qarana si wanaagasan ugudanaya,adigoo markaasi isku dayaya in aad indhaha dadka ka sii jeediso taariikhdaada madow,hase yeeshii taasi kuma filaan doonto in shacaka ay hilmaan siiso dhagarihii aad ka gashay.
    Xilka maanta laguu dhiibay waxaan u qaadanayaa in uu yahay dabinkii ugu danbeeyey ee aad ku itaal dhigi lahayd. Oraah aad u caan baxday intii uu socday shirkii carte ayaa waxay ahayd, Sidanu xaq maahan oo waa ognahay xalbaase la doonayaa.Sidaas darteed xilka nuucaasa in lagugu maamuuso xaq maahan mana istaahishid,iyadoo ay joogaan, aqoonyahan iyo in dheer garad,dadka aan denbi ka gelin kaana mudan, hase yeeshee xalkiibaa galay.
    Ugu danbayn waxaad u diyaar garowdaa oo aad sii diyaarsataa jawaabihii aad isku difaaci lahayd, marka ay timaado maalin. maalinkaas oo hubka tirada badan eed wadato lagaa dhigi doono,isla markaasna aanay jiri doonin dhalinyaro aad ku beer laxawsato war reerkiinii waa la ihaanaystay...hadaan reer qansax nahay wax nalooma ogola, war ciil cadaabaa laga doortaa iyo kuwo kale oo ka sii qaraar oo aad ku caan baxday in aad u adeegsato collaad hurinta. Hase yeeshee maalinkaas ma heli doontid dhalinyaro dheg jalaq u siisa waxaad ku hadaaqayso oo waxa'ay noqondoonaan kuwo uu koray garaadkooda faham tacliina leh. Maalinkaasi waa inoo madal,hadiise aanand gaarin oo maalikaa hortii lagu soo doono sidaas laysagama harayee, waxaad hortegi doontaa garsoorkii ugu caadilsanaa uguna adkaa, marqaatiyaashuna wax,ay noqon doonaan afkaaga iyo adimahaa.Waxaase jaale kuugu nasteexayn lahaa naxariista Eebe lagama quustee, ka tanaasul xilkaan aanad qaadi karin una qalmin, dadkaagana cafis waydiiso.Hadii kale intii aan soo sheegay uun baad u danbayn.
 
W/Q:Mursal Max,ed Max,ud(Garaad) Email:stethy1@yahoo.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD