Saddex meelood meel dadka Ameerikaanka oo aan is guursan 11-ka September
Warbixin-saxaafadeed ku saabsan tirakoob ay sameysay hay’ad ka dhisan dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in saddex meelood meel dadka Mareykanka ah ee is guursanaya ay ka cararaan maalinta 11-ka September oo ay shareysteen iyadoo weliba bisha September ay tahay bilaha ay aadka u jecel yihiin dadka Mareykanka ah inay is guursadaan, iyadoo ay bisha September wehliso bisha June, iyadoo labadaa bilood ay yihiin labada bilood ee ugu badan is guursiga dadka Mareykanka.
11-kii September 2001, waxay ahayd maalintii weerarrada loo gaystay magaalooyinka Washington iyo New York, waxayna sanadkaan ku soo hagaagaysaa maalin sabti ah oo caado u ah dadka Mareykanka ah gaar ahaan kuwa is guursanaya inay ku begaan arooskooda, maadaama ay tahay maalintii fasaxa.
Kayla Brown oo ah madaxa fulinta ee Haya’dda guurka Mareykanka oo ah hay’ad fulisa illaa 250-mashaariic ganacsi oo la xiriira arrimaha guurka iyo xafladaha aroosyada, ayaa wuxuu yiri: “Dadka Mareykanka waxay doonayaan inay ka fogaadaan oo aysan is guursan maalinta 11-ka September, waayo waxay soo xusuusnayaan weerarradii, waxay u dabaaldegi lahaayeen munaasabad qurux badan oo ah xafladda guurka… ee ma doonayaan inay xusuustaan dhacdooyinkii murugada lahaa”.
Miller oo ah gabar ka mid ah qorayaasha wargeyska New York Times waxna ka qorta arrimaha qoyska, gaar ahaan guurka ayaa waxay tiri: “11-ka September ma ahan maalin mudan inay dadku is guursadaan, mana jiro qof doonaya in xafladdiisa aqal galka lagu beego maalintaas, maalintaasi ma ahan maalin dabbaaldeg”.
Shirkad ka mid ah shirkadaha sameeya toortaha (Doolshe) ayaa sheegay in 11-ka September 2001, wixii ka dambeeyay in sannad kasta 11-ka September ay dalabkooda uu dalabka dadweynaha Mareykanka hoos u dhaco,
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com