BOOBE WAA QASNADA TAARIIKHDA IYO SUUGAANTA SOMALILAND
Cismaan Cali
Waxaan marka hore salaamayaaa shaqaalaha boga Somalitalk ee shaqada geesinimada leh u haya umadooda.
Qorayaashu waa udub dhaxaadka bulsho kasta, waayo waa kuwa dhaxalka taariikhda ah ururiya, hindisana waxyaabo susub si jiilka soo korayaa u bartaan dhaqankooda iyo taariikhdooda.
Cabdi Yuusuf Ducaale waa qoraaga kaliya ee Somaliland ee keydiyey taariikhdii halgankii ururkii SNM, haday tariikhda SNM halaabi lahayd waxaa halaabi lahaa dhaxalkii ummada. Qoraage Boobe oo ah qoraa uu ilaahay hibo u siiyey wax qorida, wuxuu wakhtigiisa iyo aqoontiisa u huray inuu ururiyo taxanihii taariikhda halganka.
Qofkasoo aqoon leh oo Somaliland ahi wuxuu u aqoonsan yahay inuu Boobe yahay geesi taariikhda dalka baal dahaba kaga jira.
Waxaan dhawaan ku arkay maqaal uu Internetka ku qoray ninka la yidhaahdo DIRIDHABE isagoo ku aflagaadaynaya qoraaga. Marka hore DIRIDHABOOW waxa wanaagsan inaad fahanto waxay isku maan dhaafeen Boobe iyo Qaybe inay ahayd sixida taariikhda, ee Boobe ugumuu faanayn Qaybe waxaan ahaa SNM adiguna waxaad u shaqay naysay dawladii Siyaad Barre, Boobe maaha shakhsi noocaas oo kale dadka u aflagaadeeya, laakiiin cidna Boobe kuma ixtiraamo sixida taariikhda. DIRIDHABOOW ha aflagaadayn CILMI RUUGA adigoo DHIBOOYA.
Anigu DIRIDHABOOW waxaan kuu maleeyey QORYOOLAY labaad, waayo QORYOOLAY wuxuu afar sano ku jiray kuliyadii waxbarashada ee LAFOOLE wuxuuse wakhtigiisa iskaga lumiyey makhaayadii CEELGAABTA ee MUQDISHO, wuxuuna imika shaqo ka dhigtay lugoynta dumarka masaakiinta ah iyo caruurta isagoo ku yidhaahda (KAALAYA MADAXTOOYADA KA HOR BANAANBAXA MAXAMED XAASHI AYAA WASIIRNIMADII LAGA QAADAYE).
DIRIDHABOOW ha noqon DAMEERTU INTAANAY RARKA BARAN AYEY BIQLADA BARATAA, ee wax iska baro horta intaad raga CILMI RUUGA AH, aad aflagaadaynayso hadii kale intaad Hargeysa tagtid sida Qoryoolay dumarka masaakiinta ah ee xaafada Goljano, Xaraf, Dhaboolaq, Boqoljire iyo Xabaale ugu sheekee (MAXAMED XAASHI AYAA WASIIRKII LAGA QAADAYE DAASADO SOO QAATA OO SOO DIBAD BAXA).
Maan jeclayn inaan kuu jawaabo ee waxaan ka xanaaqay qoraaga ah qasnada taariikhda iyo suugaanta Somaliland, ee birmo gaydada ah inaad si fudud aad u aflagaadayso adigoon fahmin wuxuu ka hadlaayoba
Cismaan Cali