SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Bayaan kasoo baxay Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable)
  • ODAYAASHA BEESHA  CALI SALEEBAAN OO BEENIYEY QORAAL KU SOO BAXAY INTERNETKA
  • Beesha Cali Ibrahim ( Reer Biciidyahan) oo Magacabtay Xubnihiim Barlamanaka Dowlada FKM Soomaaliyeed.

Bayaan kasoo baxay Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable)

Jimce, August 13 2004  

KU: Ugaas Cumar Geele Maxamed (Ugaaska Beesha Yuusuf Daarood), Nairobi
KU: Maxamed Cabdi Yuusuf, Nairobi

OG: Jaaliyada Yuusuf Daarood ee Puntland, Yurub, Waqooyiga Ameerika, Australia, Asia, iyo Bariga Dhexe.

Ujeedo: Dhaliil qaabka ay Beeshu u qeybsatay xubnaha Baarlamaanka

►Kadib markii ay soo baxeen warar tibaaxaya qaabka ay Beesha Yuusuf Daarood u qeybsatay xubnaha kaga soo aaday Baarlamaanka lagu dhisayo dalka Kenya.

►Kadib markii aan xaqiijinay qaabka ay Ugaaska iyo Siyaasiyiinta Beesha u qeybiyeen xubnaha Baarlamaanka.

►Kadib wada tashi iyo xiriir ay sameeyeen waxgaradka, aqoonyahanada, odayaasha, culimada, haweenka iyo dhalinyarada Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) ee ku nool dalka gudahiisa iyo debadiisa.

Waxaa noo muuqatay:

►In aan muujino sida aanan raaliga uga aheyn qaabka foosha xun ee wax loo qeybiyay

►In ay lagama maarmaan tahay in laga dhiidhiyo qaabka cadaalad darada ku dhisan ee ay Beeshu u  qeybsatay xubnaha Baarlamaanka

►In digniin loo diro Ugaaska iyo Siyaasiyiinta Beesha ee awooda u leh qeybinta xubnaha Baarlamaanka

►In laga dalbo in ay sida ugu dhaqsaha badan wax uga bedelaan qaabka cadaalad darada ku dhisan ee ay wax u qeybiyeen

►In ay lagama maarmaan tahay in 1 xubin la siiyo Beesha Geedi Ibraahim oo kamid ah Beel Weynta Yuusuf Daarood (Awrtable) lagagana tagay qeybta xubnaha Baarlamaanka.

►In aan Gudiga Fududeynta ee IGAD loo gudbin karin magacyada xubnaha Beesha uga mid noqonaya Baarlamaanka, inta liiska lagu darayo xubin meteleysa Beesha Geedi Ibraahim oo kamid ah Beel Weynta Yuusuf Daarood (Awrtable). 

Ugu Dambeyn: Waxaan xusuusineynaa Ugaaska iyo Siyaasiyiinta Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) ee ku sugan magaalada Nairobi muhiimada ay leedahay in qaab cadaalad ku dhisan wax lagu qeybsado. Waxaan kaloon muujineynaa sida aan uga xumaanay cadaalad daradii ay ay Gudiga Xalinta Khilaafaadku wax ku qeybiyeen ee  Beesha Yuusuf Daarood 3 xubin oo qura lagu siiyay, waxaanse uga digeynaa Ugaaska iyo Siyaasiyiinta Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) in aaney iyaga laftoodu ku kicin cadaalad daro lamid ah tii ay ku kaceen Gudi Ku Sheega Xalinta Khilaafaadka. 

Waad Mahadsan Tihiin 

Yuusuf Cabdiraxmaan Sh. Ismaaciil
Afhayeenka Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable)
Beesha2003@hotmail.com
London, UK

<><><>

ODAYAASHA BEESHA  CALI SALEEBAAN OO BEENIYEY QORAAL KU SOO BAXAY INTERNETKA

shir mudo saacdo ah qaatay oo ka dhacay  huteel ku yaal magaalda boosaso ayaa laga soo saaray qoraal lagu beeninaayo warqad qoraal ah oo loo diray Madaxwaynaha puntland tasoo ahayd mid aan laga tashan oo ay qoreen rag dano gaar ah ka wata, waa sida warku u dhigaye.

odayaashu waxay sheegeen in raga qoraalka qoray ay yihiin rag odayaal cali saleebaan ah balse ay ka soo jeedaan hal jifo aan qadan karin magaca beelwaynta cali saleebaan.

dhanka kale odayaashu waxay sheegeen in Madaxaweynaha puntland aanu wadin wax shido ah oo beesha dhib ku haya mana ah in la been abuurto aama la dhoodhoobo  qoraal aan laga tashan.

qoraalkaas hadda ka soo baxay beesha ayaa  aakhirkii odayaashu waxay Madaxawyne C/laahi u direen  raali gelin iyo in maqaalkaasi yahay mid ay ka danbeeyaan rag   dano gaarah leh gaar ah...

 Odayaasha hadda qoraalka soo saaray

  • Nabdoon Raage Ismaciil sanwayne
  • Nabdoon shire Kaatun
  • Prf Cabdiweli C/raxmaan gayre'
  • Caaqil Saalax xaaji Maxd
  • Inj Cali ismacil
  • Dr Siyaar dable Jooje
  • Nabdoon C/rashiid Cumar
Qore: A/risak Omar Ismail ( Sheekhadun)
Mopil: Golis              +252-5-724166
Mopill:  Stg              + 252 54 60587  
Work:                     +252-52-34299
Home: Netco,           +252 52-37067
Golis,                      +252-5-825865
Bosaso Somalia

<><><>

Beesha Cali Ibrahim ( Reer Biciidyahan) oo Magacabtay Xubnihiim Barlamanaka Dowlada FKM Soomaaliyeed.

Shir ay Isku yimaadeen Siyaasiyiinta , Waxgaradka , Odayaal Dhaqameedka Jifooyinka Beesha iyo Wafuuda Rasmiga ah ee Shirka ka Joogtay beesha Reer Biicdyahan / Majeerteen ayay ku magacaabeen Saxdex Xubnood oo uga Midnoqon doonta Barlamanka Kumelagarka ah ee Dowalada Faderalka Soomaliyeed,
Sadexdaas Xubnood oo kalo ah :-
1) Dr: Maxamed Axmed Warsame ( Ali Wanle).
2) Eng. Xasan Axmed Dafedow.
3) Col; Cabdi Daahir Cali Balle.

Waxaana Shirkaas goob joog ka ahaa oo Saxeexay Xubnahan ,

1) Xuseen Jaamac Gadood ( Xusen Dayl) Gudoomiye _
2) Sh.C/rashid Cali Nuurshubqey (Xoogahayaha Dhaqalaha).
3) C/lahi Guuleed Looyaan
4) Xuseen Cali Du,de
5) EX .MP Col:Max’ed Max’ud Samatar ( Shugri Shaarweyne)
6) Dr: Max’ed Axmed Warsame ( Aliwanle)
7) Max’ed Aadan Xasan Guray.
8) Col: Cabdi Daahir Cali Baalle( ayax)
9) EX. Mp . Eng: Max’ed khaliif Max,uud
10) Eng Cabdi Warsame Xaashi
11 Sh. C/rixmaan Max’ed Jibriil
12 Xusen Xasan Fagare

Xoog Hayaha Gudiga Beesha Cali Ibraahim ( Reer Biicd yahan).
Mr : Mahad Daahir Baalle.
cumar133@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD