SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MA ANIGOO MAREEXAAN AH BAAN MIDGAAN MAGANSADAA(Q.2-AAD)

C/Rahman eediran@yahoo.com

Waa Jimce Jinkaa la dheel!. Run iyo Ilkaba waa la cadeeyaaye aan in yar dib idiin celiyo inta aanan guda gelin maxkamadii ugu danbeysay ee ay ku kala baxayeen Wiilwaal (Aji) Sagal iyo Amina (Hawraarsame) oo isku dhan ah iyo Faadumo Caafi (Aji), Beesheeda iyo Ururo Soomaaliyeed oo wada socda. Wiilwaal wuxuu noo sheegay sidan:

Belaayaduba waxay bilaabatay maalintii ay BBC-du tidhi rag badan oo Mareexaan ah baa Gedo lagu warjeefay! Waxaa gabadhan aanu wada socono lagu haystaa bixi lacag dhan ilaa 6000 oo Doolar oo mag ah, kana har Midgaanyahay wiilkayaga. Hanjabaad iyo afxumo markii lagala quustay ayaa la go’aamiyey in naagtani isla weyn tahay oo ninka dhaladka ah ee daba dhug-dhug leh ay is mooday in ay la qolo tahay. Markaa waa in aanu isaga iyo iyadaba wada jafnaa, sir u maleegnaa, xabsina ku hubsanaa!.

Dhibaato badan oo aan la soo koobi Karin ayaa nala soo mariyey. Arrintii baa murugtay, Beesha Laandheeraha isku sheegtayna cafis iyo sabeen midna may dalban oo waxay Faadumo ku dhaaranaysaa in aysan marnaba Midgaan Uraysa aysan hoos fariisanayan! Lacagna ay haystaan ay ku qubsadaan Qareen Sare ilaa Maxkamada u Sareysa Mareykankana ay tegi doonaan! Waxaase xusid mudan in Wiilwaal ay u yeedheen Ururka Somali Confederation oo ka mid ah Ururo beeleedka 40-ka badan ee ka dhisan Minneapolis sheegtana in ay u adeegaan Soomaalida. Waxaa loo sheegay in uu is dejiyo oo uu heshiis raadiyo haddii kale in Ururkani uu ka dalban doono dawlada in maxkamada la baajiyo iyagana lagu soo wareejiyo dacwada!. Wiilwaal baa afka furtay, una sheegay madaxa Ururka,Siciid Faahiye, in uu ururku xadgudbay oo uu warqad sharciyeysan oo uu ku taageerayo Beesha Gobta aha ee Mareexaan maxkamada u diray! Afkii baa juuqda gabay oo meel uusan filayn baa daad ka soo galay wuxuuna u sheegay in uu arrintan maslaxad ugu jiro warna uusan ka hayn warqada ururkuna uu ka bixi doona dhexdooda!.

Wiilwaal iyo qoftiisa Sagal iyo Aamina ayaa Maxkamadii sii istaagay maalintii danbe. Markii arrinkii Xaakimku galay ayaa halkan waxaa ka istaagay Nimco oo ku doodaysa in ay ka socoto Ururka Confederation ee dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ay hoos yimaadaan ayna doonayso in arrinka wax laga weydiiyo. Wiilwaalbaa la booday oo yidhi Xaakimow waxaanu leenahay Jaaliyado ciidaa ka badan, gabadhanina waxay la socotaa Laandheerayaasha ee ha igu sii deyn waxna ha weydiin! Xaakimkii baa ku yidhi gabadhii isii cadeynta Ururka oo dhegeyste ka noqo arrintan. Doodii baa furantay oo soo socotay ilaa bishii Juunyo ee Sanadkan markii Sagal lagu diirtay Xawilaada Dalsan gudaheeda, mise maantana guushu Guntay raacday oo Gobtii baa mid mid loo xukumay: “ Muddo Sanad gudahood ah ha soo agmarina, ha soo wicina, Ha usoo dhowaanina, Ha la hadlina gabdhan iyo wiilkan! Haddii aad jebisaan shrcigaa waa Sanad ku dhowaad xarig ah, Kumaankun ganaax ah iyo meeshii aad ka soo akhrisateen dhaqankan oo laydinku celiyo” Ha dhayalsanina warkeyga, waxa laydinku haystaa wax khatar ah! is ilaaliya oo falkaas iyo mid la mid ah oo danbe yaan laydinku soo eedey. Ma fahanteen iyo Haa Sayidii baa lays weydaarsaday!

Waxaa bilowday isdabayaac iyo duulaan hor leh, waxaa laga dhamaan waayey Ururkan Somali Confederation, waxaa lala shiray Faduma Hiirad oo ururka Sima uqaabilsan Arrimaha Bulshada. Waxay Faadumo u sheegtay Hogaamiyaasha Confederation in ay xaglinayaan oo xusuusisay warqadii ay qoreen iyo hadalkii uu Udoodaha Xuquuqda Soomalida Omar Jamal uu ku yidhi fadhigii hore ee ahaa: “Waxaad afka ka barateen dad laga tiro badan yahay(minority) baan nahay, ogaada waxaas waxba kaga heli meysaan Mareykanaka”. Waxaa Madaxyaweyntii Faduma hor fadhiday sidii leebka u muday hadaladii cad cadaa ee ay hor keentay, waxaana ballan loogu qaaday in aan Ururka iyo dad ka socda toona aan mar danbe lagu arkeyn Maxkamada iyo hiilo danbe. Waxay carrabka ku dhufteen in laga fiican yahay in laba Urur oo Soomaaliyeed isku mucaaradaan Maxkamad dhexdeed.

Faadumo oo ku qanacday hadaladii Odayada, inkastoo ay ogtahay in ururka SIMA ay neceb yihiin Ururada Beelaha Islaweyn ay sameysteen, ayaa haddana qadarisay Soomaalinimada iyo Muslinimada. Waxaa xusid mudan in Wiilwaal kal hore iyagoo maxkamad leh ay u yimaadeen Naag Mareykan ah, Naag Soomaaliyeed iyo Yusuf Shabac una sheegeen in ay ka socdaan Udoodida Xuquuqul Insaanka. Is bariidin ka dib ayay ka codsadeen in Wiilwaal uu saxiixo in uu ka harayo dacwadiisa. Markii uu diidayna, Naagtii Mareykanka ahayd baa weydiisay sababta uu u saxiixi waayey. Wiilwaal baa u yara taabtay dhibta jirta, mise Naagtii baa iska dhaqaajisay!. Wuxuu yidhi: “ Waxaan filayaa in Naagtaas la soo khalday oo aan loo sheegin waxa meesha ka socda”. Waxaa meesha ka socda buu yidhi isgaashaanbuureysi Aji! Waxaa la yaab leh in Odayada beeshani ku hadaaqaan: “Maxaa ku kelifay habaar ku dhaca in uu Hawraarsame haweysto? Maxaa anaga noo keenay qashinka?” Haddana isla isagii baa calaacalaya oo leh: “waxaynu nahay 4 Oday oo wada dhashay oo Amaan Reer ah! Wax aanu ku kala duwan nahay ma jirto! Waxaanu wada nahay Mareexaan!”. Wiilwaal oo yaaban baa wuxuu yidhi: “ Waar ninyahow bal eeg yaa ku gaara qurux gabadhan! Bal eeg biyaha dhuunteeda marayaa la arkaa! La oran maayo gabadhu waa Soomaaliyad, Waa Muslimad, waxba nagama gelin waxa Gedo ka socda. La oran maayo aanu gabdhahayaga ka ceshano ummadaha kale ee Cadaan, Madow, Meksikaan, iyo Jameykaan-ba leh. Waxaaba ka daran xaflad iyo Aroos lala yaabo baaba loo dhigayaa haddii ay keento san kuneefle dunidaa saaran aan Midgaan ka ahayn!. Alla Ajigu dhaqan iyo diin yaraa! (La soco qoraalka soo socda ee Wuu ii soo Islaamay!) 

Waa jimcihii Agoosto 6-deeda iyo Hiraabtii hore, waa kala bixii labadan isjecel iyo gabadhii wax riftay ee ay colaadu ka bilaabatay ee Faadumo Caafi.

Waxaa goor hore sii fariistay kuraasta faaruqa ah ee maxkamada ku taala Caasimada Gobolkan Minnesota ee St.Paul Wiilwaal, Sagal iyo Amina oo ah gabadhii ka dhiidhiday garaacii iyo caydii Sagal loogu gaystay Carwada ku taala Wadada 24-aad ee Minneapolis. Waxaa iyana yimid Faadumo Caafi oo lagu eedeynayo in dhibka oo dhan uu ka bilaabmay. Dhibkaasoo isu bedelay wax aan horey loo arag: afxumo, masabid, dil, hiilo, Gedo ku dabakhid, Lacag ururis, Ururada ay leeyihiin qolyaha isku magacaaba Gobta oo dhex dabaashay iyo guud ahaan arrinta oo ku sigatay inay noqoto Aji iyo Midgo!

Waxaa wax laga naxo ah in markii maxkamadu bilaabmasay uu meeshii ka dhawaaqay Omar Jamal oo sheegay in uu ka socdo Jaaliyada Soomaalida ee Somali Justice & Advocacy, doonayana in Maxkamada dib loo dhigo. Waxaa Xaakimkii oo nin madow ah uu u jeestay xaggii Wiilwaal iyo asxaabtiisii weydiiyeyna in ay yaqaanaan. Waxay Dhibanayaashu sheegeen in maanta ka horoow aysan arag, uuna ka mid yahay dadyow fara badan oo maalinba mid maxkamadaha u soo kalaha si ay u baajiyaan xukunka ama dib u dhigaan. Waxayna u sheegeen in uu ninkani la safan yahay dadka dhibka noo geystay iyagana uu raacsan yahay, waayo maxkamada oon bilaaban buuba noo hanjabayey!.

 Wuxuu Wiilwaal sheegay in Soomaalidu ay ururo badan leedahay ee uusan jirin mid keliya oo Soomaalidoo dhan meteli kara! Anaguna waakan kaayagii oo waxa ka socda…! Hareeruhuu eegay, hoostiisa ayuu daymooday, sidii in dad cirka fidhiyaan buu halacsaday, isagoo quus ah ayuu meel aanba sidaa uga fogeyn ka bidhaansaday Faadumo Dubet(Hiirad). Hadalkii baa inta uu ka soo bixi waayey ayuu gacanta ku ishaaray meeshii ay fadhiday. Waxaa ay Xaakimkii u gudbisay cinwaankeedii waxaana meeshaas ku duugmay laandheeranimo iyo Gobnimo iyo isbahaysi! Inkastoo ay Ururo Beeleedka kale ee magaca Soomaali ku tuugsada ay aasaan SIMA (oo ah Ururka keliya ee dadkiisa ka suga taakulo), haddana Ururka waa laga mashquulay oo godob badan buu ka tirsanayaa dadkiisa! Dadka kalena warkoodaba daa! 

Xaakimkii baa xukunkii riday: “ Muddo Sanad gudahood ah ha ma soo agmari kartid, ma soo wici kartid, Ma u soo dhowaan kartid, meelna kama wada shaqayn kartaan, mana la soo hadli kartid gabdhan iyo wiilkan! Haddii aad jebisid Faadumooy sharcigaan Ogow waa Sanad ku dhowaad xarig ah, Kumaankun ganaax ah iyo meeshii aad ka soo akhrisateen dhaqankan oo laydinku celiyo” Ha dhayalsanin warkeyga, waxa lagu haystaa waa wax khatar ah! Ma fahantay iyo Haa Sayidii laakiin dacwad baan ka qabaa go’aankaaga oo waxaan qaadanayaa Racfaan ama ambiil! Waxaad doonto qaado, waad u madax banaan tahay laakiin is ilaali oo falkaas iyo mid la mid ah oo danbe yaan lagugu soo eedeyn!buu Xaakimkii ku gabagabeeyey. Cumar ayaa is hayn waayey oo ka xumaaday xukunka Xaakimka markaasuu xagii albaabka u hinqaday. Waxaa dubihii miiska la dhacay Xaakimkii una sheegay in uu fadhiisto, isna dejiyo sugana gunaanadka iyo dhamaadka hadalka! Wuxuu xusuusiyey in isagoo faraxsan uu soo galay maxkamada, sheegayna in uu metalayey Soomaalida, dhexdhexaadna yahay inkastoo ay reer Wilwaal ka codsadeen in uu ka baxo maxkamada. Waxaa halkaa ka soo if baxay in isbahaysigii weysadii ka burtay!cimaamadiina ka dhacday!. Omar iska fariisay! Xaakimkii oo daalay kuna wareeray maalaayacniga Ajiga iyo markhaatiyada faraha badan ee isburinaya ayaa wuxuu yidhi hay noo ahaato 20-ka bishan Ogoosto gabadha kale ee hartay xukunkeeda!

Kadib Xaakimkii ayaa u akhriyey xuquuqda uu u leeyahay Wiilwaal in uu Maxkamada Minneapolis-na uu u dacwa tegi karo maadaama ay tahay meeshii fal danbiyeedku ka dhacay! Gari laba ruux kama wada qoslisee, Maxkamadii ayaa lagasoo dareeray iyadoo aan cidina cid eegi Karin oo bulaan badana uusan jirin! Waxaa Ajigu la yaaban yahay sida uu Xaakimkani u garan waayey Laandheeranimada, Sareeynta iyo Qabweynida Ajiga oo adduunkoo dhan laga wada yaqaano! Buugaag fara badana laga qoray asalkooda. Gunaanadkii baa wuxuu noqday: 

INGRIISKA AYAA YAQAANA AJIGA, EE MAREYKAN IGA DAA!

»QAYBTII 1aadee : MA ANIGOO MAREEXAAN AH BAAN MIDGAAN MAGAN GALAA  

C/Rahman eediran@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD