Shirweyne Ku saabsan Doorashada Maraykanka iyo xuquuqdaada haddii FBI...
Iyadoo beryahan ay socdaan in FBI ay la soo xiriiraan muslimiinta iyo misaajidahooda ayey Muslim American Society ee Minnesota (MAS-MN) waxay muslimiinta gobolka Minnesota ku martiqaadaysaa inay ka soo qeyb galaan shir lagaga hadli doono Ilaalinta xuquuda muslimiinta iyo ururadooda ee gobolka Minnesota:
* Waamaxay waxa haboon inaad sameyso haddii FBI ama Boliis ama Homeland security ay kula soo xiriiraan?
* Waa maxay sababta ay dowladda su'aalo badan ay u weydiiso dadka muslimiinta
ah?
* Maxaa haboon inaad sameyso haddii aad u maleyso in qof kudaba socdo?
* Maxaad sameyn laheyd haddii FBI, Boliis ama Homeland security ay ku weydiiyaan
inaad saxiixdo warqado?
* Maxaad sameyneysaa haddii FBI, Boliis ama Homeland security ay guriga kuugu
yimaadaan?
* Ma qasab baa inaad ka jawaabtaa su'aal walba oo ku saabsan Immigrationka?
* Qaabka doorashada Maraykanka iyo Is Diiwaangelinta Doorashada Nov.2004.
GOORTA: August 21, 2004 at 1:00 p.m.
MEESHA: 315 Lake Street E. (Masjid Ummutu Muxammad)
Minneapolis, MN 55408
Peggy Russell .... Maareeyaha Xafiiska Legal Aid Society of Minneapolis
Hassan Jaamici .... Sharciyaqaa mashruuca Immigration Law Project
Prof. Peter Erlinder Professor William Mitchell Law School ka dhiga Qaanuunka
Dastuurka Maraykanka
Peter Brown ...Sharci yaqaan xuquuqda madaniga
Sophia Munawar ...Sharic yaqaan difaaca dadka lagu soo oogo
Saciid Fahiye ...Maareeyaha Confederation of Somali Community of Minnesota
Shafi Hashi Isku duwaha Somali Action Aliance
Wixii faah faahin ah kala soo xiriir Liban Dish (612)986-1873 ama Mahaba
(651)457-7170. Hmohamud@midmnlegal.org
Borograamkan waxaa marti qelyay Muslim American Society -Freedom Foundation MN-Chapter iyadoo ay lashaqeynayaan URARKA CAAWINAADA SHARCIGA EE MINNEAPOLIS, CONFEDARATION OF SOMALIA COMMUNITY IN MINNESOTA.
XUQUUQDAADA HALKAN KA BARO
* Xaq waxaad u leedahay inaadan ka jawaabin su'aalaha ay ku weydiinayaan Police,
FBI, Homeland Security isagoon kula joogin Qareenkaaga. Haddaadan qareen
laheyn, u sheeg inaad qareen u baahan tahay.
* Xaq waxaad u leedahay inaadan saxiixin warqad kasta isagoon kula joogin
qareenkaaga.
* Xaq waxaad u leedahay inaadan police, FBI ama Homeland Security u ogolaan
gurigaaga inaadan soo gelin iyagoon heysan warqadda warantiga ee uu soo jaray
qaadi ama xaakimka maxkamadda.
* Xaq waxaad u leedahay inaadan ka jawaabin su'aasha la xiriirta sharciga aad
waddanka ku leedahay.
* Xaq waxaad u leedahay inaad dhahdo "No English" haddii aadan ku hadlin af
ingriisiga ka dibna codsato tarjumaan iyo qareen.
* Haddii xuquuqdaada lagu xadgudbay WAXAAN SAMEYN HOTLINE LALA XIRIIRA
Tel.(651)204-0200 EE XARUNTA MUSLIM AMERICAN SOCIETY EE MINNESOTA.