SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shaydaanka:- “Cadawga ugu wayn Bini Aadamka” 

Shaydaanka ayaa waxaa la isku raacsanyahayin uu yahay cadowga koowaad ee bini aadamku lahaa tan iyo kolkii la uumay aabahood aadam, shaydanka waxa uu col layahay ama ka caroodaa marka ay la yimaadaan acmaasha wanwanaagsan isla markaana waxa uu ku booriyaa jeclaysiiyaana acmaasha xunxun iyo ku caasinta eebahood, Eebe SWT isaga oo ka waramaya shaydaanka waxa uu yidhi “ Waxa uu idin amrayaa Shaydaanku oo qura Xumaan iyo Faaxisho iyo in aan ku tiraahdaan eebe wax aadnan ogayn”Sidoo kale eebe SWT waxa uu na faray in aanu ka dhigano Shaydanka Cadow  waxa uuna nooga digay in dhamaan dadka raaca iyo Shaydaan ay noqon doonaan Asxaabta Naarta SACIIRA Lagu Magacaabo isku bahaysata. 

Badnaanshaha Qatarka Shaydaanka Awgeed waxa uu eebe inooga digay dhagartiisa ilaa 80 meelood oo ku jirta quraanka kariimka ah, Eebe SWT waxa uu ku yiri quraankiisa kariimka ah “Markasta oo ad doonto in aad akhriso qur aanka ka magangal eebe sharta shaydaanka ‘ Ma ahan oo qura marka quraanka la akhrinayo ee waa markasta oo aad  qabanaysa howlahaaga caadiga sida:- cunida cuntada iyo sharaabka , Subax iyo Galab , Xitaa marka aad galayso musqusha “Suuliga” ,kolka aad u tagayso xaakaaga IWM,  

Shaydaanku waxa uu uu wacad ku maray in uu fadhiisan doono bini aadamka wado kasta oo wanaagsan sidaa daraadeed waxa uu kalamaysta oo ku kaalmeeya shaqadisa nafta oo had iyo jeer kuu jiida dhinaca xumaanta waxaana xadiith ku sugnaaday in Nebiga NNKH uu ka magan geli jiray eebe Sharta nafta iyo Shaydaanka Subax iyo Galab walba Sidoo kale waxyaabaha Shaydaanka kaalmeeya waxaa ka mid ah Xanaaqa, Xaasidnimada, Kibirka, Jacaylka Aduunyada  iyo Dhaldhalaadkeeda IWM. 

Madaama Shaydaanka uu sidaa Qatar ugu yahay Ruuxa Muslimka ah Ilaahey SWT ma dhigin Hub la,aan ee waxaa  kamid ah waxyaabaha shaydaanka la iskaga difaaco:- 

1.     Akhriska Quraanka Kariimka ah gaar ahaan Suurada Albaqara Nebiga NNKH waxa uu yidhi “ Haka dhiginina Guryihiina qubuuro , Shaydaanku ma soo galo guri lagu Akhriyay Suurada Albakhra.

2.     Akhriska Aayada Lagu magacaabo Aayatul Kursi ee ku jirta Suura Albaqra xiliga Hurdada iyada oo faaiidadeeda ay kamid tahay in aan sheydaanku kuu soo dhawaanayn ilaa waagu ka baryo. 

3.     Akhriska Ducooyinka soo Arooray Sida Ducada: Cuntada, Cabitaanka , Suuqa, Masaajidka gelitaankiisa iyo ka bixitaankiisa IWM. 

Wabilaahi towfiiq

mustaf yasin
mustafyasin@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD