SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Barnaamujka Radio Xoriyo caawa waxuu ka kooban yahay barnaamuj dheer oo aanu ugu tala galay munaasabada sanad guurada 20 aad ee ka soo wareegtay aas aaskii Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya, oo aanu ku waraysanayno masuuliyiin sar sare oo ay ku jiraan qaar ka mid ah aas aasayaashii Jabhada.

DHEGEYSO::: R A D I O   X O R I Y O

  • Warkii oo aanu ka soo qaadanay. Dagaalo gaadmo iyo badheedh iskugu jira oo lagu jabiyey ciidanka gumaysiga.
  • Ciidamada Itoobiya oo si badheedh ah u dilay oday caan ah oo laga yaqaano Ogadenya.
  • Dad shacab ah oo lagu xidh-xidhay magaalada Dhagaxbuur.

Dagaalo gaadmo iyo badheedh iskugu jira oo lagu jabiyey ciidanka gumaysiga.

weerar gaadmo ah oo ay 20-07-04 ku qaadeen ciidanka waddaniga xoraynta Ogadenia saldhiga ciidanka wayaanaha ee magaalada Galaalshe. ayey ku dileen 4 askari halka dhaawucuna yahay 5 kale. Habeenkaas markii ciidanka qalabka sida ee Xoraynta Ogadeniya ay mireen Galaalshe ayuu cadowgu ku dilay magaalada nin la yidhaahdo Cabdinur Cisman Yusuf.

26/07/04 meesha la yidhaahdo Dhanqaqo oo u dhow Baabili weerar ay ciidamada sooma jeestayaasha ah ee xoraynta Ogadeniya ku qaadeen saldhig ay ciidamada cadowga Itoobiya ku lee yihiin halkaas ayaay kaga dileen 3 askari 4 kalana dhaawacyo halis ayaa soo gaadhay.

Isla Taariikhdaas 26/07/04 wuxuu ciidanka waddanigu ku qaaday weerar ciidamada wayaanaha ee magaalada Fiiq. Waxayna ku dileen 5 askari 8na way ku dhaawaceen.

Ciidamada Itoobiya oo si badheedh ah u dilay oday caan ah oo Ogadenya laga yaqaano.

Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Godey ayaa sheegaya in: 3/08/04 meesha la yidhaahdo Laab oo ka tirsan G/Godey,ay ciidamada cadowgu ku dileen odey caan ah oo ogadenya laga yaqaano odaygaas oo lagu magacaabo; Dahir Adan Xirsi (Dahir Laba Kurus).

Dadka deegaankaas dagan ayaa sheegay in odaygaas la dilay aan wax sabab ah loo haynin dilkiisa,balse ciidamada itoobiya ay si ulakac ah u dileen.

Dad shacab ah oo lagu xidh-xidhay magaalada Dhagaxbuur ee Wadanka Ogadenya.

24/07/04 ayay ciidamada gumeysiga Itoobiya ku xidh-xidheen magaalada Dh/Bur dad shacab ah oo aan wax dambi ah haba yaraadee loo haynin,waxayna dhibanayaashaas dulmiga lagu xidh-xidhay magacyadoodu kala yihiin:

  • 1. Quraysh Cabdi Siyad
  • 2. Shukri Xassan Yusuf
  • 3. Sawda Xassan Yusuf
  • 4. Mahad Haybe Dhagoole
  • 5. Xalimo Maxamed Ciise.

Kufsi iyo jidh- dil loo gaystay gabdho u dhashay wadanka Ogadenya:

 Tuulada Farmadow ayay ciidamada waayanaha ee kusugan halkaasi ay ku kufsadeen gabadh yar oo 15 jir ah gabadhaas oo codsatay inaan magaceeda lagu soo qorin warbaahinta ayaa sheegtay inay ciidankaas kufsaday ay jidh dil iyo garaacba ku sameeyeen ayna aad u ildaran tahay . Wax daawo ah oo ay heshayna aysan jirin.

Sidoo kale magaalada Caado 18-07-04 waxaa iyana lagu kufsaday 2 gabdhood oo iyaguna nabaro xun xun soo gaadheen

13.08.2004

Dhiidhi Nuur

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD