Xilibaanadu ma,macrifaa mise waa nakiro!!?
Asalaamu caalikum? Bismilahi wasalaatu wasaalamu calaa rasuulilaahi(w.w).
Inta aanu kajawaabin su,aasha waxaa haboon inaan isla garamo “ xilibaan” wuxuu yahay, --- xilibaan micno ahaan waa qof wixii xil leh iska ilaaliya oo “xilkasaa” waa cajiib!! Mar haddii kalmada micnadeedu tahay xilkasnimo waxaa halkaas kaaga cad in xilibaanku yahay qof aqoon iyo garaad dheeri kuleh bulshada uu lanool yahay qaabkuu doono haku kasbadee.
Arday waxbaranaayo ayaa waydiiyey maclinkiisa oo aad naxwaha uyaqaan Digaagu (dooradu) mamacrifaa mise nakiro? Macalinki ayaa kujawaabay marka digaaga labisleeyo lana kariyo misana lasoo guro waa macrifo –balse intay dibada socoto digaagu waa nakiro - -- marka xilibaanada ay sooxuleen beel dhaqameedyada iyo midka hogaamo kooxeedyada keebaa xalka udhawo?---waloow somalida wax garadkeeda iyo ra,yi caalamkuba isla garteen in xalka somalia laga soobilaamo xilibaan si xaakim wax xukumo loohelo waa fikrad saliimaa fikradaas; taasoo dadka iyo dalkaba uhorseedi karta jawi wada noolaansho iyo is aqoonsi jinsiyadeed, macnaa waxaan garan karnaa fikirka xilibaan inuu dad badan oo aqoonsiga jinsi laduudsiin jiray maantay wax kuheleen waloow sidii aadka ufiicneed lagaarin oo cadaalada iyo sinaanta kusaleesan –balse dhibka jira silooga baxo qiimo malahan in umada wada qanacdo.
Xilkas ama xilibaan waa isku macno, marka maadaamo Somali xal raadineeso si xaqdaro looga baxo ma,isleedahay xilibaanka xal ayuu keeni karaa midka hadda aan sameesanay – qolo walbaa dad xilkasaa, xabiibaa oo xaaraanta kadhoorsan masoo xilibaan sadeen? Maya oo maya !! baddi xilibaanada hadda lasugaayo waa kuwo xabada ridi kara, xaqdarada kufiican oo xaasidiinaa misana xaaraanta aan u,aabo yeelin marka siday suuragal utahay in xalwaara lagaaro? Waa fikir saxaa in xalka umada xilibaan ugu dhawyahay balse waxaan jirin sifooyin lagu sooxulo xilibaanka siddaan dastuurki Carta ku,ogaa xilibaaku waa inuu yahay ruux normal sida wasiirada, danjirayaahsa shurudaha adag ee tacliinta, edabta iwm loogu xiray xilibaaka lagumo xirin –marka mawasiir ayaa xalka keeno mise xilibaan? ruuxa wax dooran waa inuu yahay ruux kala garankara waxa xun ama san marka xalka ummada dadka loo xilsaari rabo xilibaan ayaa sooxulaayo oo ogalaansho siinaayo maxumo, balse xilibaanoow yaa adiga kusooxuli doono?
Dadka qaar waa indho kugaraad, qaarna waa maskax kugaraad! Xilibaanada lasooxuli doono baddi waxaad moodaa sifada hore inay leeyihiin oo indhahooda ku arkeen xilibaanada kajira dalka Kenya ayna isleeyihiin sidaa ayaa idiin fiican inaad noqotaan inta noloshiina kadhiman, waayo xilibaanada dalka Kenya waxay bishii mushaar uqaataan $1000 kudhawaad caruurtooda waxay helaan waxbarsho lacag la.aan baabuurta ay soodejistaan waa cashuun la,aan; xiligii moi 600$ ayey qaadan jireen balse kibati waa usii kordhiyey waayo wuxuu aqoon uleeyahay qiimadooda inuu yahay waxay cunaan oo kaliyaa!! aysan kudhibi doonin in qabiilka iyo gobolka ay kasoojeedaan lahurmariyo waxbarashooda, biyahooda,daaqooda, hawadooda iwm sidaa ayuu kun dollar mushaar usiiyaa
Wax kabadan kunton musharax ayaa lasheegay inay isisoo sharaxeen waxaa bulshada iskaga qaldamay musharaxa fiican iyo midka xun maadaamo lacag xilibaan lasiiyo kursi lagu hili karo –anigoo ah qoraaga maqalkan misana garaad siyaasad iyo mid da,aa toona laheen waxay igu dhasahay inaan madexweene noqon karo waayo mar haddii dadkii dalka burburshay oo fidnada dalka kajirta aasaasay ay leeyihiin waxaan ka,arimineedaa dalka maxaa iidiidi anigoo hal xabadna ridin, xooli dadwenana cunin nolosheeda inaan madexwene noqdo calosha xilibaan waxay dadwenaha ku,dhalisay inay isbarbar dhigaan kuwa ugu sharta badan iyo kuwo ugu wanaaga badan dalka in hal shay lootartan siinyo yaa ilaahii! ! maan runta lagudadaalo --Ilmo yar ayaa dhoor jeer maqlay hooyadii oo dhib heesto una qeelsaneso ruux “waliyaa” markaasuu kuyiri hooyo maxaan isu tihin waliga waxay ugu jawaabtay waxna hooyo oowrka (ratiga) ayaan kukac sanayaa, marka xilibaanimada lagu diriri oo heer xun oo dil kudhaw gaaraayo aaqirkiisa waxaa lagu kacsan oowrka – hadaad ucaroon laheed maxay beesheeda xilibaan uheliweesay ama loogu yareeyey iyo hadii kaleba qiimaha iyo faaiidada xilibaanka hadda waa sidaa.
Xilibaanadii carta motion-kii ugu horeeyey ay kuyeeshaan dalka gudihiisa waxay kadoodeen mushaarka ay qaadan doonaan iyagoo hindiso usoodejiyey in mushaarkoodo noqdo 500$ bishii subxaanalaah!! xilli dalka aysan oolin warqad wax lagu qoro wax lagu soogado iskadaa wax kalee ayey kulankoodii ugu horeeyey fikirkaas kadoodeen maxaad fili hadii dalka xasilo 500,000$ kabadan ayey kadoodi doonaan. kuwo Kenya iyaga kadaran –waxay waajibkoodu ahaa in mushaar la,aan kushaqeeyaan inta dalka qadhaalihiis isisoo kabi. Faaiidada kale uu xilibaanku iminka heesto waxaa kamidaa in musharixiinta jagada madexwene ay biil kusiiyaan Kenya isaga iyo reerkuu kasootagay si,ay udoortaan –taasoo xilibaano badan usahashay inay beeshooda xarig jiiraan, isqabqabsiga ugu ween aan kumaqleeno shirka waa sidii lagu sadbursan lahaa faaiidadaas- dhanka kale musharixiinta qaar ayaa su,aalo laweediiyey sidaad madexwene kunoqon kartan? waxay sheegeen inay heestaan lacag –qaarna sitoosaa ayey warbaahinta ugu sheegeen inay adeegsan doonaan beeso xilliga doorashada.
Xilibaanka wax dooran waa inuu ogsoonaadaa codka uu wax kudooran inuu yahay cod ku,amaano oo kakooban cododka qabilkiisa, malinta qiyaamo waa layswiidiin wixii laisraacsho –maantay majoogno xili ruuxkastaa codkiisa dhiibto marka codka dadweena xilibaanadooda ayay uwakiisheen ee caloosha ceeshka aad kudooneeso cadaab Ilaah haku gadan, ee ruux umada wanaag iyo horumar uhorseedi karo dooro adigoo mahadsan xilibaanoo- “carab dalab leh lugu dalab leh waa laga gaan ogyahay”.
Xilli hore ayaa nin naag qabay kadibna calafkoodaa dhamaaday wuuna furay nin kale ayaa guursaday isagoo qaba ayey geeriyootay; kadib ayey 2dii ee naagta qabi jiray sheekeesteen iyagoo kudooday anigaa naagta kaaga naxariis badnaa oo jeclaa iyo anigaa kaafa fiicnaa dhaqan keeda oo dhan!! kii hore ee naagta furay ayaa kuriyi ninkii kale saxiibow aniga naagta markaan qaban maysan geeriyoon basle adiga markaad guurstay ayey geeriyootay sidaa darteen anigaa kaaga fiican kii kale sidaa ayaa looga cod badiyey –marka xilibaanoo musharixiinta waad kalataqaan- midna dalka, dadka diinta uroon, haddii xoog iyo tiro wax lagu xalin karo horaa loogu xalin lahaa raga walaaloow wax kumo dhaamo – caqliga wanaagsan itaal inuu karoon yahay bal eegoo!!!