SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Xasan Daahir Aweys ma Diidana in Soomaalidu Dawladnimo Hesho

bashir issa diiriye,toronto
bdirie@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh ,nabigeenii moxamed csw nabadgalyo iyo naxariisi korkiisu ha ahaato.

 
Saaxiibada maamulka shabakadda gacanta inoogu haya aad beey u mahadsan yahiin waxaana abaal ugu filnaa lahaa ayadoo ay maqaaladeenu noqdaan kuwa wax dhisa inta badana ka hadla dib-u-heshiinta iyo macluumaadka aqoonta iyo doodaha garashada dheer.
 
Intaa ka dib Waxaan maanta doonayaa inaan qoraalkaygaan uga hadlo wadaadka maalmahaan sida aadkaa ay saxaafadda soomaalidu u hadal haysay waa sheikh xasan daahir aweys oo aad moodid in hadalkiisa si aada loo buun-buuniyey oo laga dhigay nin diidan in soomaaliya ay dawladi ka dhalato.
 
Waxaan si miyir leh u'akhristay qoraalka sheikha uu kaga hadlayo shirka kenya dawladda ka soo socota waxuuna faalo dheer ka bixiyey qawaaniinta la doonayo in ay ku dhaqanto dawladaa waxuuna uga faalooday qodob -qodob ,waxuuna ka eegay sida aysan u waafaqsanayn diinta islaamka iyo sharuucda looga baahan yahay in lagu dhaqo dadka islaamkaa ,arintaa waxaan u hanbeeynayaa dadka sida aadkaa u yaqaana sharuucda islaamka iyo qawaaniinta la xiriirta .inta aan doodaa la sugayo waqtigeeda iyo culumada sida aadkaa ugu dhuun duleesha sharuucda islaamigaa ayaa waxaa doonayaa bal inaan dhinac kale u rogo hadalkayga .   
 
Waxyaabaha ku dhacay dadka islaamkaa ama aan iraahdo soomaalida ceeb uma arkaan in shirka ka socda keenya laysku mari la'yahay anigoo reer hebela baarlamaanka waa laygu yareeyey oo reer hebelaa iga badsaday ama kuwa yiraahda waa nala dulmi jiray iwlm laakiin waxeey u'arkan qalad wadaadkaa oranaya waan baahanahay baqtiga looma cunee horta mayska fiirinaa, eegnaa dastuurka la doonayo in wadanka lagu dhaqo,waxaan uga jeedaa in  shirka keenya aan haba yaraatee lagu casumin culu'maau'diinka soomaliyeed oo aad ogtahiin doorka xoogan oo ay ku leeyahiin bulshada iyo dib-u-heshiisiinteeda hadii ay joogi lahaayeena waxeey ka tala bixin lahaayeen waxii diidaya diinta iyo umadda israaceeda .
 
Qofka danbiilahaa dabcan waa cabsadaa laakiin iima muuqato sabab looga cabsado danbi aanad galin oo diintaada adoo nool aad ogolaatid in lagaa badalo  ,hadii ay culumadeenu yiraahdeen waa ineey dawladeenu noqotaa mid islaamnimadeedu ay dhab tahay macnaheedu maaha inaan qatar ku nahay nabadgalyada ethiopia ama wadan kale.dadka qaar baa isku qanciya maanta awood malahin ee noo daaya gaalada waxeey doonto hanoo dhisaane ,qaarna waxeey leeyahiin wadamo badan oo islaama ayaan ku dhaqmin islaamnimada marka naga daaya bal eega ala ka fogaanshahaa soow hadalkaasu ku macne noqon maayo adigoo yiraahda tukan maayo maxaa yeelay hebel iyo hebelba ma tukadaan .hadalkii iigu darnaa nin saaxiibkeey ah baa igu yiri waar wadaadkaan miyaanu jirin cid ka naxeeysa ma waxuu doonayaa in la xidho ,ninka sidaa igu oranaya waxuu la jiraa qab-qable dagaal oo uu aaminsanyahay in uu noqonayo madaxweynaha shirka lagu dooran doono.
 
Waxaan aaminsanahay in ay  jiraan siyaasiyiin ku sheegyada  kufriyey oo sida  xun wax ku baadi goobay in yahiin kuwa shakiga galiyey dastuurkeenii qeexayey midnimadda umadda soomaaliyeed ,diinteenii muqadaska ahayd iyo soo celintii dhulka ku jira gacanta cadwga soomaaliyeed   ,shaqsiyaadka waa kuwa ilaahna ka fogaday kursi ay hantaana uu u jiro inta cirku inoo jiro ,shaqsiyaadka aanoon doonayn inaan magacaabo ayaan hubaa in aysan dawlad ajnabiya  xog beena  oo loo geeyo aaneey waxba u  tarin waxaana kaloo hubaa dawladaha waa weyn ilaah baa weyne in ay  leeyahiin hayado sireed oo ciidamada ka hawlgalaa ay qabaan tababro adag mana u 'malaynayo in ay jirto sheekadaa loo qaatay qofkii diintiisa ku dhagan in la xirayo ,waxaanse qabaa waxaa xarig u danbayn doona kuwa beenta u sheegay gaalada oo isku dhiibay oo talada saartay maxaa yeelay gaalada ruuxooda waxeey baadi goobayaan kuwa diidan in nabad lagu wada noolaado waana inta beenta ku ugaarsata culumadeena soomaaliyeed. 
 
Hadaan u soo laabto wadaadka sheikh hasan daahir aweys maaha nin diidan in soomaalidu soo ceshato dawladnimadeedii iyo kala danbaynteedii laakiin waxuu ka digay dastuurka qaladaad ku jira  iyo shaqsiyaadka taariikhdka  soomaalida meesha xun uga qoran ,sheikhu waxuu leeyahay ma waxaad moodeen cayaar dhiigii anu u hurnay dhulka soomaaliyeed iyo maalkii miyaa loo xalaaleyey xabshida arintaa ,sheikhu ma oran qadiyadaa waxa kaliya ee aan ku heli karnaa waa dagaal ee waxuu yiri laguma muujin dastuurka .
 
Hasan daahir aweys, aabahii waxaa layiraahdaa macalin daahir awoowgiisna sheikh xaaji aweys marka magaciisa waa sheikh hasan macalin daahir shiekh xaaji aweys ,magaciisa magacaa xigana waa'( faqi )oo aad garanaysaan macnaha uu xanbaarsanyahay  erayga faqi (wadaad)waxaan uga jeedaa maaha nin ay diintiisu tahay mid caatifadeed maadaama uu sida ugu abtirsanayo culumo,  waana shaqsi aad u naxriis badan jecelna in soomaalidu ay nabadgalyo kuwada noolaato ,maaha nin carooda ,waana nin marka uu masalo diiniya ka hadlyo kaftankana  ku dara ,geesi hal adag ku dhiiran go'aankiisa mana aha shaqsi danbi cidna ka galay laakiin ay beenaalayaalku ay magaciisa waraaqo badan ka buuxiyeen  ,waxuu ad u jecel yahay aqoonta taana waxeey keentay in ay la dhasheen ama ay la ilma adeer yahiin ugu yaraan 20 qof oo digree haysata oo iskugu jira jaamacad islaam iyo midda madanigaa.

qoraalkaan gaaban waxaan ku soo gabinayaa wanaaga yaan la dacaayadayn ,inta dhibka wadana yaan la taageerin kuwa isu dhiibay gaaladana yaan hogaanka wadanka loo hibayn ,ilaahoow adaa og sidii roon ee tawfiikhda ina waafaji .

 
bashir issa diiriye,toronto
bdirie@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD