SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
CALI KHALIIF & FADEEXOOYINKIISII TAXANA AHAA....

burashadley@hotmail.com

Arar: Sheekada caanka ah ee Cali Baba iyo 14ka tuug ( Ali Baba & the fourteen thiefs ) ayaa waxaa laga soo qaatay wadanka Ciraaq, maantana Ciraaqiyiintu tuugada waxay yiraahdaan Cali Baba, marka aniga oo taas firinaya ayaan halkaan Cali Khaliif Galeyr waxaan u soo qaatay Cali Baba,sababta oo ah wuxuu laba goor ka marklhaati furay hanti la dhacay ,isagoowalibana umadda xoolo badan ka qaba.........

 
Dhammadkii 80aadkii , ayaa wadanka Talyaani waxaa ka dhacay maxkamad lagu baarayo sidii foolxumada laheyd ee mucaawinadii uu Talayaanigu uu siiyey Somaaliya loo boobay , boobkaas oo ay qayb libaax ka qaateen madaxdii labada wadan u talin jirtay iyo shirkadihii qandaraasyda, mashaariicdaas qaadashadeeda loogu eexday .Mashaariicdaasna , waxay hoos imanayeen hay'adda la yiraahdo  (Italian aid fund amaba FAI).

Intii maxkamadda socotay ayaa waxaa dhacay arrin la yaab leh oo ku saabsaneyd Gen. Caydiid  oo ahaa safiirkii Somaalida u fadhiyey Indiya oo ku andacooday in xoolo fara badan ay ka maqan yihiin.

Waxaana yaabka yaabkiisa noqday markii uu Caydiid ku dooday in isaga oo wakiil u ahaa Siyaad Bare uu si gooni ah kula heshiiyey Rugta Ganacsiga Talyaaniga in mushruuc kasta oo ay FAI Somaaliya ka fuliso  laga siiyo 10% Generaalka oo iyaduba dambi ah.

Waxaase , fajiciso noqotay markii uu arrintaas uu ugu markhaati furay Dr. Cali Khliif Galeyr oo horay dalka malaayiin dolaar uga dhacay , una cararay dalka Maraykanka .

Waxay maxkamadda socotana, Gen. Caydiid inkastoo uu ku guuleystay in markhaati ka dhigto Cali Khaliif (Cali Baaba) hadana wuxuu keeni kari waayey cadaymo qoraal ah  oo laga dalbaday. 

Horayna, Cali Baba uu Wasiirka warshadaha u yahay C/qasim ayaa waxay  dawladda ka dhaceen malaayiin . Nasiibdarro,  taas  mid  sii foolxunna  ayaa dhacday oo ay labada tuug isku xagxagteen   markii la ilooway digniintii Rasuulkeenii Suubanaa ee uu ku yiri," Qofka mu'minka ah laba jeer hal god lagama wada qaniino" oo shirkii lugooyada badnaa ee Carte mar labaad  hantidii dadweynaha ee sadaqada aheyd gacanta loo geshay A/qasim iyo Galeyr oo hadana isku xiga sidii dawladii Siyaad Bare. Halkaas oo ay ku beenoowday iska hadalkii Prof. Cali Baba ee uu dadka ku madadaalin jiray in xoolaha uu hayo (Uu dhacay) soo celin doono goortii dawlad sax ah la helo. 

Waxaana la wada ogsoon yahay in Ra'iisal Wasaarihii Carte uu yahay  shakhsi ka aradan diinta , wadaniyadda & dhaqankaba , taas oo ay markhaati u tahay :-

 
1- Wuxuu ka qeyb galay shirkii Burco ee Somaaliya lagu kala gooynayey sida afkiisa laga hayo.
2- Akhri gabayga Prof. Togane ee Ingiriiska ku qoran ee aad ka heleeysid Mudulood.com ee ' cinwaankiisuna yahay " A candid interview with Dr. Ali Khalif Galaydh" si aad u ogaato balwadda uu ku talax tegay ee Togane kaga yaabisay !.
3- Intii dagaalka sokeeye ka dambeysay cid uu cilmigiisa iyo xoolaha uu dhacayba uu wax ka taray    haba yaraatee lama arko anagoo la socona shakhsiyaadka aan wax dhicin oo qeybta libaax ka   qaata daryelka dadkooda Somaaliya ku tabaaleeysan sida ururka Sool , Sanaag & Ceyn.
4- Profosoorka xatooyada xoolaha dadweyne  "Milyoneerka" ku noqday ayaa dhowr bilood ka hor ,  waxaa lagu martiqaaday shir ay ku qabteen Magaalada la yiraahdo "Århus" ee dalka Denmark ururka SSC ee mawduuciisuna ahaa sidii reer PL loogu sameeyn lahaa Jaamcad kale oo loogu  talagalay in si weyn ay uga qeyb qaadato is-dhexgalka  bulshoweynta dhalinta yar ee Puntlnad.
    Waxaana ururka Sool, Sanaag & Cayn  kaga yaabiyey markii Cali Baaba uu ka dalbaday in     ay tikid u soo diraan si uu u yimaado , taasoo aakhirkii ay ajiibeen iyagoo islahaa milyaneerku   kama maqdaan doono tabarucaatka loo aruurin doono  jamacadda.
    Cali Baaba iska dhaaf in uu wax bixiya' e , wuxuuba halkaas yimid isagoo doorsoon, kana    muuqato sida diinta uga fog yahay, meelna uga dhacay sidii loo sharfay  iyo dhaqankaba .
    Meel ka dhacaas markii ay arkeen madaxdii shirka hageeysay iyo marti sharaf uu ka mid ahaa
    Garaad Abshir Saalax ayaa dantu waxay khasabtay in Cali runta loogu sheego isla goobtaas
    inkastoo Cali maalintii dambe uu raalli gelin ka baxshay khaladkiisii iyo sidii uu u dhaqmayba.
5- Waa ninkii isagoo ah Ra'iisal Wasaare aanan xataa ka hadal hantidii umadda magaceeda lagu   helay ee lagu maal geliyey meleshiyada beesha C/qasim ee degaanda ayan laheyn xaaraanta ku     heysta sida Kismaayo.
6- Markii  looga dheereeyey boobka wixii Carte ay soo qaraabatay , ceyrinna loogu daray sheegay    in uu hayo cadeymo  ay ku qoran yihiin sidii xoolihii loogu deeqay Carte intuu madaxda ka ahaa      loo bililiqeystay.
 
Marka, qofka shakhsiyadaas leh oo ay sida ay tahay la rabay in la go'doomiyo si dambiyadiisa loo tuso ayaad waxaad arkeysadad isagiiba lala dhacsan yahay taasoo maanta ku dhiiri gelisay Cali khaliif in uu iska dhigo in uusan aheyn Cali Baabaagii Somaaliya kana dhex muuqdo shirka haatan ka socda Kenya.
Si kasta oo ay ahaatanaa taariikhdu cidna ma saamaxdo Calina wuxuu ku  taariikhda ugu diiwaan galay Cali Baba laakin Somaali ah.
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD