SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA MAANTA:: August 11, 2004
  • Guddiga xaqiiqo raadinta Midowga Afrika oo ay caqabaddo ka soo wajeheen Magaalada Muqdisho.
  • Maamulka Gobolka Banaadir oo isu qaban qaabinaya ka hortagidda afgembi lala maagan yahay Dr,C/qaasim Salaad Xasan. 
  • Guddiga xalinta khilaafaadka oo sheegay inaysan beelaha Soomaaliyeed wax u qeybin doonin.
  • Nabiil Canshuur oo sheegay inay taageeri doonaan Dowlada kasoo baxda Shirka Kenya.
  • Musharixiinta xillka Madaxwaynenimada Shirka Kenya oo loo soo jeediyay digniin.
  • Beebe iyo Bashiir oo mucaaraday Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Kenya.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Guddiga xaqiiqo raadinta Midowga Afrika oo ay caqabaddo ka soo wajeheen Magaalada Muqdisho.

Guddiga xaqiiqo raadinta oo ay ka mid ka yihiin Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa isfahan waa dhinaca shaqadooda ah ay ka soo wajeheen Magaalada Muqdisho oo u kala qeybsan Hogaamiyo kooxeedyo iska soo horjeeda.

Guddigan oo magaalada soo gaaray maalintii sabtidii ayaa waxaa lagu waday inay socdaalkooda Muqdisho soo afmeeraan maalintii isniinta ahayd oo aynu soo dhaafnay,waxana ay u sii gudbi lahaayeen qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Somaliya oo ay ugu horeeyso Magaalada Jowhar halkaasoo ay kasii wadi lahaayeen barnaamijkooda ku wajahan ururinta hubka iyo Maleeshiyooyinka Soomaaliya ku firirsan iyo sida ugu haboon ee hubkaasi loo ururin karo.

Kooxda uu hogaamiyaha u yahay Cusmaan Xasan Cali "Caato"ayaa guddiga xaqiiqo raadinta Midowga afrika ka hor istaagay inay booqdaan xarunta uu Magaalada Muqdisho ku leeyahay si ay kormeer ugu sameeyaan cadadka hubka iyo Maleeshiyada uu haysto,laakiin qaar ka mid ah kooxda Cusmaan Caato u joogta Muqdisho ayaa isqabsi dhexdooda ah waxaa uu sababay inay guddigaasi u suurta geliwaysay inay tirakoobaan hubka iyo Maleeshiyada Cusmaan Caato.

Dhanka kale hogaamiye kooxaadka Muuse Suudi Yalaxow ayaa si cad u diiday inay guddigaasi booqdaan oo ay tirakoob ku sameeyaan hubka iyo Maleeshiyada uu haysto,waxaana xitaa dhacday inay xiriir la sameeyeen guddiga Muuse Suudi oo ku sugan Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya,laakiin isku dayo badan kadib waxa lagu guuldareeystay in Muuse Suudi uu oggolaado inay guddigaasi xaruntiisa Muqdisho booqdaan.

Ururka USC/SNA garabka uu hogaamiyo Saciid Bul-bul ayaa iyaguna diiday inay qaabilaan guddiga xaqiiqo raadinta Midowga Afrika,hadalkan diidmada ah ee ka soo yeeray Ururkan ayaa waxaa shaacaka qaaday Xoghayaha Arimaha gudaha ee ururkan C/qaadir Cod-wayne oo sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inay la kulmaan guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Midowga Afrika,Jaamacadda Carabta iyo Urur Goboleedka IGAD ee socdaalka ku maraya qeybo badan oo ka mid ah Somaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir oo isu qaban qaabinaya ka hortagidda afgembi lalal maagan yahay Dr,C/qaasim Salaad Xasan. 

Maamulka Gobolka Banaadir ee taageerada hoose u ah Dr,C/qaasim Salaad Xasan ayaa heegan buuxa ugu jira sidii ay uga gaashaaman lahaayeen afgembi Siyaasadeed loogu sameeynayo Madaxwaynaha Dowlada Ku meel gaar ka ah ee Waqtigeedii dhamaaday Dr,C/qaasim Salaad oo iminka ku siijeeda sidii uu uga mid noqon lahaa musharixiinta ugu cad cad Jagadda Madaxwaynenimo ee Dowlada lagu soo dhisi doonto shirka Kenya Somalida uga socda.

Qorshaha Afembiga loogu sameeynayo Dr,C/qaasim Salaad oo ay wadaan C/nuur Axmed Darmaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Mustaf Muqtaar Guudow ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha Khamista ama Sabtida la soo afmeero oo lagu dhawaaqo xilka qaadista C/qaasim iyo Magacaabista C/nuur Axmed Darmaan loo magacabayo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliya,taasoo ah hafadka kaliya ee laga leeyahay afembiga Siyaasadeed oo ay wada wadaan C/nuur Darmaan iyo Mustaf Muqtaar Guudow.

Mustaf Muqtaar Guudow Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqtigeedu dhamaaday ayaa olale xoogan ka wada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Happy oo ah halka uu ku shirinayo Baarlamaanka intiisa jooga Muqdisho,iyadoo inta maqana uu sheegay Guudow in lagu badali doono Baarlamaan uu ku sheegay inay yihiin kuwo ay isku beel yihiin inta ku maqan Shirka Kenya.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Md,Firinbi ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay ka soo horjeedaan qorshayaasha ay wadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo C/nuur Darmaan oo u sheegay inay yihiin wax aan loo dulqaadan Karin, waxaana uu intaasi ku daray Firinbi inay ka digayaan isku dhacyo inay arintaasi sababi karto, hadalkaasi firinbi ayaa ah mid ay ka muuqato taageero buuxdo oo uu u hayo Madaxwaynaha TNG-da Waqtigiidu dhamaaday Dr,C/qaasim Salaad Xasan. 

Guddiga xalinta khilaafaadka oo sheegay inaysan beelaha Soomaaliyeed wax u qeybin doonin.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Xarunta u ah Dalka Kenya oo uu ka socdo Shirka Somalida, guddiga xalinta khilaafaadka ee IGAD ayaa ku dhawaaqay inaysan dib dambe ugu qeybin doonin Beelaha Soomaalida xubnaha ay kala leeyihiin haddii ay ku hishiin waayaan.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa uu horay wax ugu qeybiyay Sadex beelood oo ka mid ah Beelaha Soomaalida ee ka qeyb galaya Shirka Soomaalida uga Socda Dalka Kenya isla markaana ku hishiin waayay habka ay u qeybsanayaan Xubnaha uga sooaaday Baarlamaanka Soomaaliya loosoo dhisi doono.

Guddiga xalinta khilaafaadka IGAD ayaa waxa uu sheegay inay gabi ahaanba uu ka fara laabtay inuu dhexgalo beelaha isla markaana u Magacaabo Xubanaha Baarlamaanka uga mid noqonaya Beelaha ku guuldarreeysta inay soo gudbiyaan liisaska ay ku qoran yihiin Magacyada Xildhibaanadooda iyadoo waqtiga loo qabtay uu dhamaadka toddobaadkan .

Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay arimahaasi oo dhan kulan ka yeeshan si xal looga gaaro arintaasi ka soo yeertay guddiga xalinta khilaafaadka ee IGAD u xilsaaran arimaha Shirka Somalida ee Kenya,iyadoo ay hadana guddiga xalinta khilaafaadka ku adkeysteen inaysan faraha la gelin wax qeybsiga Beelaha Soomaalida. la argi doonee halka ayku danbeeyso arintaasi.

Nabiil Canshuur oo sheegay inay taageeri doonaan Dowlada kasoo baxda Shirka Kenya.

Wakiilka u qabilsan Dowlada Sacuudiga Arimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu markii ugu horeeysay daboolka ka qaaday in Dowlada Sacuudiga ay taageero dhaqaalo iyo afba ay la garab istaagi doonto Dowlada Soomaalida ee lagu wado in lagu soo dhiso Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya.

Nabiil Canshuur Wakiilka Sacuudiga ee Arimaha Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay inay taageeridoodu noqon doonto, mid wax ku ool ku filan u balan qaadeeyso Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Kenya,waxaana uu intaasi ku daray Nabiil Canshuur in Sacuudigu noqon doono Wadanka ugu horeeya ee aqoonsada Dowlada Soomaalida ku dhisato Shirka Kenya.

Danjiraha waxaa uu kulan la yeeshay qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Siyaasada ee ka qeyb galay a Shirka Kenya,isagoo kala hadlay sidii ay xal deg deg ah ugu keeni lahaayeen Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay Nabiil Canshuur inay iminka u baahan yihiin Dowlad ka samata-bixasa Dhibaatada daashatay.

Dhanka kale waxaa uu la kulmay Nabiil Canshuu r Madaxwaynaha TNG-da waqtigeedu dhamaaday Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo ay kawada hadleeyn arimo badan oo la xiriirra Soomaaliya,iyadoo uu Dr,Qaasin Salaad Xasan uga warbixiyay Danjiraha Meesha uu marayo Shirka Kenya iyo xaaladda xulidda Baarlamaanka,waxaana uu intaasi ugu daray C/qaasin Salaad Danjiraha baaq uu ugu gudbinayo Dowlada Sacuudiga kaasoo ah inay Dowalda Sacuudiga si buuxda u taageerto Dowlada lagu dhisayo Shirka Kenya.

"waxaa xaqiiqo ah in Dowlada Sucuudiga ay Dadka Soomaaliyeed soo gacan qabatay,waxaana taasi marqaati ka ah inta waxgaradka h ee Soomaaliyeed,laakiin haddana waxaan ka codsanayaa Dowlada Boqortooyada Sacuudiga inay taageero balaaran u fidiso Dowlada mustaqbalka dhow lagu soo dhisi doono Shirka Kenya"ayuu yiri Madaxwaynaha YNG-da waqtigeedu dhamaaday Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo dhanaca kale rajo wanaagsan ka muujiyaay halka uu marayo Shirka Soomaalida uga socda Wadanka Kenya.

Musharixiinta xillka Madaxwaynenimada Shirka Kenya oo loo soo jeediyay digniin.

Waa maxay digniintaasi?

Wararka laga helayo deegaanka Embagati ee duleedka Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo ah halka uu ka socda Shirka Soomaalida ee dib u hishiisiinta qaran ayaa waxay sheegayaan in digniin loo soo gudbiyay raga u sharaxan xilka Madaxwaynenimo inay helista xilkaasi u adeegsadaan lacag,taasoo ay ka cawdeen qaar ka mid ah raga u taagan xilkaasi madaxwaynenimo ee Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Kenya.

Waxay wararku intaasi ku darayaan in arintan ay salka ku hayso kadib markii qaarka mid ah musharixiinta ay dacwad ka dhan ah mid ka mid ah raga u taagan xilkaasi ay ku eedeeyeen inuu lacago siinayo qaarka mid ah xubnaha lagu wado inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya loo dhisi doono,isagoo markaasi doonay inuu codka uga hormaro inta kula tartameeysa Xilkaasi Madaxwaynenimo,iyadoo ay arintaasi ku tilmaameen inay tahay mid jahwareer gelin karta Shirka Somalida marka la gaaro xilliga doorashada Madaxwaynenimo ee Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Kenya.

Dacwadan ay gudbiyeen qaarka mid ah musharixiinta Madaxwaynenimada ee ka qeyb qaadanay Shirka Kenya ayaan shaaca ka qaadin Magaca musharaxa ay dacwada ka yihiin,iyagoo sheegay inay mar un Soomaalida iyo IGAD ogaan doonto ninkaasi,waxayna intaasi ku dareen in musharaxaasi uu adeegsanayo lacago aad u faraban,taasoo uu uga gol leeyahay sidii uu ugu guuleeysan lahaa Jagadda Madaxwaynenimo.

Shirkii Carta ee ahaa shirkii lagu soo dhishay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la isku adeegsaday Lacago aad u faraban,iyadoo musharax walba sida uu uga lacag badan yahay kan loolanka kula jira uu uga horeeynayo dhinaca codka doorasha ayaa hadana waxaa muuqata iyadoo taasi laga dhabaqaadayo in la isku adeegsan doono lacag,laakiin IGAD ayaa arintaasi digniin kulul ka soo saartay oo sheegtay in loo baahan yahay in laga fogaado adeegsiga lacagta,haddii ay ahaan lahayd Xulista xubnaha Baarlamaanka iyo Xilka Madaxwaynenimo intaba. 

C/qaadir Beebe iyo Ganacade Bashiir Raage oo mucaaraday Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Kenya.

C/qaadir Cabdi Xasan "Beebe"oo sheegta inuu yahay Guddoomiyaha garab ka mid ah Ururka USC/SSA iyo Ganacasde Bashiir Raage Shiiraar oo isna sheegta inuu yahay wakiilka SRRC ee Magaalada Muqdisho ayaa shalay cadeeyay inay kasoo horjeedaan Dowlada lagu wado in lagu soo dhisi Shirka dib u hishiisiinta Somalida uga socda Dalka Kenya.

Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe oo ah laba nin oo aad isugu dhaw ayaa diidmadooda u sheegay guddiga xaqiiqo raadinta Midowga Afrika oo shalay kulan layeeshay,waxaana ay intaasi ku dareen inaysan la dhacsaneen geedi socodka Shirka dib u hishiisiinta Somala uga socda Dalka Kenya oo ay sheegeen inuusan iga waxba ka quseyn,waxay intaasi u raaciyeen guddiga xaqiiqo raadinta Midowga Afrika inaysan hubkooda ku wareejin doonin Dowlada lagu wado in lagu soo dhiso Shirkaasi ay mucaaradsan yihiin.

C/qaadir Cabdi Xasan "Beebe"oo ka mid ah Golaha abaabul qarameedka ee kol hore looga dhawaqay Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Maamulka Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" ayaa sheegay mar wax laga waydiiyay waxa uu ku diidan yahay Dowlada ka dhalan doonta Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya inuu ku diidan yahay ayaa waxa uu yiri"waxaan ka diidanahay Dowladaasi fikradena kuma imaaneyso oo waxaa wata dadkii aan horay xukunkooda isaga tuurnay,waxaan idiin sheegayaa in aan hub aan leeyahay u dhiibeeyn Ragii aan xooga uga qaatay,waxaana aanintaasi ku darayaa lagama yaabo in aan u hogaansamo xukunka ragii aan Dagaalka ba’an la soo galay ilaa iyo inta uu ina dhexmari doono hishiis buuxa"sidaana waxaa yiri C/qaadir Cabdi Xasan "Beebe"

Ganacsade Bashiir Raage ayaa isna sheegay inuu waddo qaldan uu ku socda Shirka dib u hishiisiinta ee Somaida uga socda Wadanka Kenya oo uu sheegyin loo baahan yahay in la saxo marka hore isaga kadibna laga wadda hadlo waxa laga yeelayo waxa ka soo bixi doona shirkaasi,waxaana uu dhaliil xooga u soo jeediyay Bishiir Rage habka wax qeybsiga ee ku saleeysan 4.5-ka oo uu sheegay inay tahay mid uu ku qaadacsan yahay Shirkaasi iyo waxa ka soo baxa intaba.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 11, 2004


Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

WARARKII AGOOSTO 10
»Khilaaf soo kala dhex galay Maamulka G/Shabeelaha Hoose..
»Guudow iyo Darmaan oo damacsan inay Dowlad cusb ku dhawaaqaan..
»Ururka USC/SNA garabka Saciid Bul-bul oo diiday inay qaabilaan ..
»Xarunta Dr.Ismaaciil Jimcaale oo soo saartay Warsaxaafadeed ..
»Beelaha Murusade iyo Mudulood oo soo gudbiyay Magacyada Xil..
»Beesha Gaaljecel oo laba liis u kala gudbisay IGAD..
Dhammaan ka akhri halkan..

Qaramada Midoobey xafiis gargaar ka furtay Ogadenya
iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhibaato ku haya dadka magaalada Qudhacjooma... Guji Aug 10

Musharax Cusub oo kusoo Biiray Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho: Max'uud Xasan Taakow ayaa ... Guji Aug 10

Nabadgalyada Boosaaso oo soo Hagaagaysa
iyo Abaaraha ay ka Dhaga nabteen Hay'adaha Caalamiga iyo Deeq loo fididyey Qaxooti reer Oromo ah
Guji Agosto 9

WARARKII AGOOSTO 9
»Qorshaha kordhinta xubnaha Baarlamaanka oo helay taageero..
»Yalaxoow oo diidey inay xaruntiisa booqdaan Guddiga Xaqiiqo raadinta
»M/ ku xigeenka DGPL oo ka jawaabay Dacwadii dhawaan lagu....
»Sheekh Aweys oo cadeeyay in aan Ciidamo  la keeni karin Somaliya..
»Beelaha Mudolood & Gaaljcel oo qeybsatay Xubnaha B/manka uga..
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD