SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 WARARKII MAANTA:: AGOOSTO 10
  • Khilaaf  soo kala dhex galay Maamulka G/Shabeelaha  Hoose marka laga reebo Indha-cade.
  • Beelaha Murusade iyo Mudulood oo soo gudbiyay Magacyada Xildhibaanadooda.  
  • Ururka USC/SNA garabka Saciid Bul-bul oo diiday inay qaabilaan Guddiga Xaqiiqo raadinta ee ku...
  • Mustaf Guudow iyo C/nuur Darmaan oo damacsan inay Dowlad cusb ugu dhawaaqaan Muqdisho.
  • Mustaf Guudow iyo C/nuur Darmaan oo damacsan inay Dowlad cusb ugu dhawaaqaan Muqdisho.
  • Xarunta Dr.Ismaaciil Jimcaale oo soo saartay Warsaxaafadeed ay uga hadlayso…….
  • Beesha Gaaljecel oo laba liis u kala gudbisay IGAD.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

Magaalada Marka oo Laga mamnuucay in aan  Haweenka Ajnabiga ah Ku Dhex mari karin Madaxooda oo Qaawan

  • Khilaaf  soo kala dhex galay Maamulka G/Shabeelaha  Hoose marka laga reebo Sheekh Yuusuf Indha-cade.


Maxamed Dheere vs Xijaabka

Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ayaa sheegyaya inay jiraan khilaafaadyo xoogan oo soo kala dhex galay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose marka laga reebo Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha-cade” oo ah Guddoomiyaha Gobolka.

Khilaafkan oo u dhexeya Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose iyo ku xigeenka indha-cade ee dhinaca Siyaasadda  ayaa waxa u yahay mid salka ku yahay go’aan uu dhawaan soo saray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ku mamnuucay in Haweenka ajaanibta ah ee Magalada Marka dhexmaraan iyagoo madaxyadoodu qaawan yihiin, taasoo u gaashaanka ku dhuftay Maxamed Xaaji  Cali Baaboow oo ah ku xigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka Yuusuf indha-cade ee Gobolka  Sh/Hoose. 

Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulka
Jacques Chirac vs Khimaarka...

Maxamed Xaaji Cali Baaboow ku xigeenka dhinaca siyaasada Maamulka Sheekh Yuusuf indha-cade ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu ku tilmaamay go’aankasi ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka mid aan waafaqsanayn sharciga u dagsan Gobolka, iyadoo uu intaasi ku daray in ay maamul ahaan uga hadli doonaan arina u ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka oo u sheegay inay tahay arin uu ku deg degay. 

Wararka waxay intaasi ku darayan  inay markii danbe Saldhiga Booliska  loo dhaadhiciyay Sheekh Axmed Xuseen waxana loo sheegay digniin ah inuusan mar danbe ka daba hadlin Maamulka Gobolka Sh/Hoose, laakiin arintaasi waa u qaadacay Shekh Axmed Xuseen Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka,waxaase socda dadaalo lagu doonayo in arintaasi lagu qaboojiyo.

Ururka USC/SNA garabka Saciid Bul-bul oo diiday inay qaabilaan Guddiga Xaqiiqo raadinta ee ku ……….. 

Ururka Siyaasada ee USC/SNA dhinaca uu guddoomiyaha u yahay Siyaasiga Saciid Bul-bul ee iminka ku sugan shirka Somalida uga socda Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inysan qaabileyn Guddiga xaqiiqo raadinta ee Maalintiisii ugu danbeeysay ku sugan Magaalada Muqdisho. 

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Ururkaasi Ninka lagu magacabo C/qaadir Cod-wayne ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay inaysan garabkoodu diyaar u ahayn inay la kulmaan Guddiga Xaqiiqo radinta ee ku sugan Magaalada Muqdisho Maalintii Sedexaad,waxaana uu intaasi ku daray inaysan tusi doonin Hubkooda iyo Maleeshiyooyinkooda intaba. 

“Ma garanayo sabab aan hubkeena u tusno qolyaha isku Magacaabay Guddiga xaqiiqo raadinta ee Midowga Afrika,run ahaantii hadii aan nahay Ururka USC/SNA ma laga yaabo in aan la kulano Guddiga xaqiiqo raadinta ee Midowga Afrika ee iminka jooga Magaalada Muqdisho” sidaana waxaa yiri Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Ururka USC/SNA garabka uu hogaamiyo Saxiid Bul-Bul 

Ma ahan markii ugu horeeysay uu Urur Siyaasadeed diido inuu ka kulmo guddiga xaqiiqo raadinta ee Midowga Afrika ee tiro koobka ku haya hubka iyo Maleeshiyooyinka ay haystaan Hogaamiyayaasha  iyo Ganacsatada  Magaalada Muqdisho,iyadoo uu horay ugu diiday inay xaruntiisa booqdaan Hogaamiye Kooxeedka MuuseSuudi Yalaxow 

Yalaxoow oo diidey inay xaruntiisa booqdaan Guddiga Xaqiiqo raadinta

Mustaf Guudow iyo C/nuur Darmaan oo damacsan inay Dowlad cusb ugu dhawaaqaan Muqdisho.  

Guddoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisii dhamaaday ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Mustaf Muqtar Guudow  iyo C/nuur Axmed Darmaan oo gol hore isu magacaabay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kawada qoshaayaal ay ku doonayan inay xilka uga qaadaan Madaxwayne Dr,C/qaasim Salaad Xasan,iyadoo ay markaasi ku dhawaaqi doonaan Dowlad Cusub oo uu madaxwayne ka yahay C/nuur Darmaan. 

Qorshahan oo ah mid ka soo bilowday Wadanka Urdun oo ay ku kulmeen labadan Mas’uuliyagoo go’ankoodu ahaa inay u howlgalaan sidii xilka qaadis loogu sameeyn lahaa Madaxaynaha Dowlada waqtigeedii dhamaaday ee Dr,C/qaasim Salaad Xasan,waxaanalagu wadaa in xilka qaadistaasi lagu soo beego maalinta ay ku Aadan tahay Sanad guuradii afaraad ee ah xilligii la dhisay Dowlada KMG ah ee waqrigeedii dhamaaday. 

Guddoomiyaha Barlamaanka Waqtigiisii dhamaaday Mustaf Muqtaar Guudow ayaa waxaa uu bilaabay kulamo gooni gooni  ah oo uu la yeelanayo Xubnaha Baarlamanka ee ku harsan Magaalada Muqdisho,iyadoo uu uga dhaadhicinayo sidii ay xilksa qaadis ugu sameeyn lahaayeen Madaxwaynaha TNG-da Dr,C/qaasim Salaad Xasan iyo sidii Madaxwayne Soomaaliya loogu dooran lahaa C/nuur Axmed Darmaan oo Madaxwayne ka ah Dowlad kale oo aan dhafsiisneen Xafaada uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ee Buulo-xuubey. 

Sida ay sheegayaan wararka ku Aadan qorshayaalkaasi ayaa kharashaad ka ku baxaya waxaa bixinaya C/nuur Darmaan oo doonaya mar un in la yiraahdo waxaad tahay Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya,su’aasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay waa maxay sababta uu Guddoomiyaha Baarlamaanka uu qorshahan ula wado C/nuur Darmaan,Xilkeese ayuu ka qadan doona Dowlada C/nuur Darmaan ee uu iminaka dhisideeda dadaalka ugu jiro,Mise waxa uu uga golleeyahay owr ku kacsi? 

Haddaba Su’aalahaasi oo dhan waxaan u deeynayaa akhristayaasha website-kan oo aan filayo inay u hayaan jawaabo buuxa oo aan dib ugu noqosho lahayn,iyadoo ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ku tilmaameen arintaasi mid ay ku doonayaan qolyahaasi inay uga mid noqdaan Ururada Siyaasada ee lagu tilmaamo kuwa caqabada ku ah Nabad ka dhalata Soomaaliya,la argi doonee halka ay ku danbeeyso qorshaha ay wadaan C/nuur Darmaan iyo Mustaf Muqtaar Guudow.

Xarunta Dr.Ismaaciil Jimcaale oo soo saartay Warsaxaafadeed ay uga hadlayso……. 

Daroogada Lagu Beero Webiyada Soomaaliya
Warbixintii Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman ee sannadkan waxaa kamid ahaa: in Hay’addu  wareysatay dad beeralay ah waxayna hay’ada u sheegeen in deegaankaan lagu beeri jiray daroogada, xashiishada balse aysan hada jirin wax daroogo ah oo hada beeran waayo majiraan biyo wabiguna waa guray oo ma wado wax biyo ah daroogaduna waxay u baahantahay biyo saa;id ah ayadoo loo waraabiyo sida bariiska oo kale, waxaa kaloo ka mid ahaa dadka aan waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada.
Guji

Xarunta udooda xuqooqda aadamiga ee Dr,Ismaaciil Jimcaale ayaa shalay warsaxafadeed ay soo saartay canbaareeyn dusha uga tuurtay kooxaha kadanbeeya Dilalkii ka dhacay maalmihii ugu danbeeyay  Magaalada Muqdisho iyo qaarka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Hay’adda Dr,Ismaaciil Jimcale ayaa wax laga naxo  ku tilmaantay dilkii dhawaan Waqooyiga Magalada Muqdisho loogu geystay Ganacsade Magac ku leh Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho,iyadoo intaasi ku dartay in ninkaasi loo dilay aano qabiil oo ay ku tilmaantay waxyaabaha foosha xun ee laharay guud ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale xarunta Ismaaciil Jimcaale waxaa ay sheegtay inay jiraan dad rayid ahaa oo sarfar ahan ku marayay Degmada Masagowaay ee Gobolka Galgaduud oo lagu dilay halkaasi,iyadoo intaasi ku dartay inay falkaasi geysteen Maleeshiyo jidka u gashay dadkaasi oo aan wax arxan ah lahayn. 

Hay’adda u dooda xuquuqda aadmiga ee Dr,Ismaaciil Jimcaale waxay Warsaxaafadeedkaasi ku xustay dil loo geystay Lix qofood oo rayid ah,kwasoo lagu dilay iyana Tuuladalagu magacaabo Himilo oo ka tirsan Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. 

Warsaxafadedkan  oo ay ku saxiixneyd Guddoomiyaha Dr,Ismaaciil Jimcaale Maryan Xuseen Maxamed  aya ugu danbeyn lagu shegay in dhamaan dadkaasi dilka loo geystay ay ahaayeen Dad rayid ah oo aan waxba kala socon waxa la isku haysto,waxayna ay intaasi ku dareen in falalkaasi ay yihiin kuwo ka hor imaanayo Diinta Islaamka,Dhaqanka Soomaalida iyo Shuruucda Caalamiga ah.

Beelaha Murusade iyo Mudulood oo soo gudbiyay Magacyada Xildhibaanadooda.   

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Nairobi ee uu ka socdo shirka Somalida e iminka maraya wajigiisii sedexaad ee awood qeybsiga beelaha waxaa shalay soo gudbiyay Magacyada Xubnaha Baarlamaanka uga mid noqonaya Beelaha Mudulood iyo Murusade. 

Beelaha Murusade iyo Mudulood oo ka mid ah Beelaha ugu waa wayn ee ku abtirsada Beesha Hawiye ayaa waxalagu soo waramayaa inay shalay gudbiyeen Magacyada Xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo ay jiraan is qab qabsi u dhexeeya qaarkamid ah Beelaha Soomaaliyeed ee ka qeyb aadanaysa Shirka Kenya oo ku saleysan sidii ay u soo magacaaban lahaayeen Xildhibaanadooda. 

Beesha Murusade oo soo magacaabatay xildhibaanadeeda ayaa waxay kala yihiin sidan:-

  • 1= Maxamed Qanyare Afrax “Habar Maxamed”
  • 2= Maryan Cariif Qaasim “Cabdalle”
  • 3= Cabdi Axmed Dhuxuloow  “Ayaan same”
  • 4= Ciise Weheliye Maalin “Abakar”
  • 5=Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow “Habar-cayno”
  • 6= C/qaadir Carraale “Habar-cayno”
  • 7=  Cali Shire Gacal

Dhanka kale Beesha Mudulood ayaa iyana ku guuleeysatay inay soo gudbisato liis ay ku qoran yihiin Magacayada Xubnaha uga mid  noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ay isku raacsanyihiin sida ay u yihiin siyaasiyn iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku abtirsada Beesha Mudulood,waxayna qeybsadeen sidan:-

Harti Abgaal:-

  • 1-Hilowle Imaan Cumar “ Abuubakar”
  • 2-Maxamed Dheere “ Warsangeli”
  • 3-Cali Mahdi Maxamed “Agoon-yar”
  • 4-Faarax Weheliye Sendiko “Agoon-yar”

Wacbuudhan:-

  • 1-Muuse Suudi Yalaxoow “Daa’uud”
  • 2-Cumar Maxamed Filish “Daa’uud”
  • 3-Muuse Cali Cumar “C/lle Galmaax”
  • 4-Cali Biid “Reer Mataan”

Wacaysle:-

  • 1-Dr,Xuseen Xaaji Bood “C/raxmaan “
  • 2-Maxamed Maxamuud Guuleed “Absuge”
  • 3-Ismaaciil Macalin Muuse “Macalin dhiblaawe”

Ciise Mudulood:-

  • 1-Eng,Cadow
  • 2-Prof,Cismaan Dufle
  • 3-Canab Axmed.

Xubtinta kale ee ugu danbeeysa ayaa waxaa lasiiyay Beesha Wacdaan,laakiinse waxa inoo soorta geliwayday in aan idiin soo gudbino Magaciisa. 

Waxaa jira Siyaasiyiin ka soo jeeda labadan beelood  ee kala ah Murusade yo Mudulood  oo ka soo horjeeda liisaska lagu magacabay Xubanaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay loo gudbiyaya IGAD,iyagoo shegay inay yihiin kuwo aan waxba ka jirin haba yaratee oo ay diyarin doonan iyagana Liis kale oo ay ku qoran yihiin Magacyada xubanaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya,Waa sida ay hadalka u dhigeene.   

Beesha Gaaljecel oo laba liis u kala gudbisay IGAD. 

Beesha Gaaljecel oo ka mid ah Beelaha Hawiye ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay soo wajeheen khilafaad soo kala dhexgalay,kaasoo ku saleysan sidii loogu hishiin laha cida beeshaasi u mataleeysay Xubnaha ugamid noqonaya Baarlamanka Soomaaliya. 

Beesha Gaaljecel ayaa shalay waxaa ay IGAD gacanta u geliyeen laba lii oo is barbar socda,iyadoo ay arintaasi keentay in dib loogu soo celiyo Beesha Gaaljecel labadii Liis oo ay  u soo kala gudbiyeen IGAD, 

Labadaasi liis oo ay beesha Gaaljecel u gudbisay IGAD waxay kala yihiin sidan ;-

Liiska 1-aad

  • -C/raxmaan Xasan Cali

  • -Cali Saalax
  • -Egn,Buulle
  • -Xasan Jumbur

Liiska 2-aad

  • 1-C/laahi Faarax
  • 2-Cumar Aaden Xersi
  • 3-Muuse Nuur Amiin
  • Saalax Cali Saalax
  • C/laahi Macow Shaacir

Ugu danbeeyntii Beesha Gaaljecel ayaa lagu wadaa inay manta ilaa caawa ay soo gudbiyaan  liis ay isku raacsan yihiin oo ay ku qoran yihiin Magacyada Xubnaha ugamid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu soo dhisi doono Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 10, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Musharax Cusub oo kusoo Biiray Tartanka Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho: Max'uud Xasan Taakow ayaa ... Guji Aug 10

WARARKII AGOOSTO9
»Qorshaha kordhinta xubnaha Baarlamaanka oo helay taageero..
»Yalaxoow oo diidey inay xaruntiisa booqdaan Guddiga Xaqiiqo raadinta
»M/ ku xigeenka DGPL oo ka jawaabay Dacwadii dhawaan lagu....
»Sheekh Aweys oo cadeeyay in aan Ciidamo  la keeni karin Somaliya..
»Beelaha Mudolood & Gaaljcel oo qeybsatay Xubnaha B/manka uga..
Dhammaan ka akhri halkan

Nabadgalyada Boosaaso oo soo Hagaagaysa
iyo Abaaraha ay ka Dhaga nabteen Hay'adaha Caalamiga iyo Deeq loo fididyey Qaxooti reer Oromo ah
Guji Agosto 9

Qorigii lagu dilay Mussolini oo laga helay Albania
Iyo Hooyo Ruush ah oo canugeedii u dishey gaajo awgeed.. Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD