SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
 Xiddigga Sumacadiisuu kor usocoto; oo dad badani saadaaliyeen inuu u dhow yahay inuu noqdo Madexweyne Maraykana ee Madow.

Waxaa isku soo dubariday
Aden-Gaas | adengas@hotmail.com
Washington DC.

 

Barack Obama

Baraka Obama oo hadda ah Senet Goboleedka Illinois lagana soo doorto Degmada 13-aad ee koofurta Chicago, ayaa la filayaa inuu noqdo qofkii 5aad ee madow ah oo noqda USA Seneter;isla markaana waxuu taariikhda ka gelayaa qof kasoo jeeda Geeska Afrika oo waalidkiis ku yimmid Dalka Maraykanka kororsi aqooneed inuu fariisto aqalka odayaasha ee Capitol-hill.

 
Barak Obama waxaa si kalsooni ku jirto uu durbadiiba bilaabay inuu guri ka raadsado Xaafadaha kulaalaya caasimadda Maraykanka ee Washington DC.Waxaana la xaqiijiyay inuu doortay daanta Maryland,taasoo uu u xaqiijiyay maray isku salaameen shirkii xisbiga Dimuqraadiga dhammaadkii bishii Julay,Governatoorihii hore eeGobalka Maryland Mr.Glendesberg.Waxaa laga yaabaa in dad bdani isweydiiyaan sababaha ayadoon doorashadii la gaarin isu siiyeen Xisbiga Dimuqraadiga iyo waliba Barak Obama,oo hadda Xisbiga Jamhuurigu uu ku fadhiyo kursiga Gobalka Illinois.Barak Obama oo 42 sano jir ah waxuu soo jiitay indhaha Maraykanka muddooyinka dambe waxaana hadda lagu magacaabaa National star,sidaa awgeed waxaa la isku raacay inuu si sahlan uu ku hantiyayo doorashada Seneterrnimada Gobalka Illinois,lagana dhex arki doono qof madow ah oo dhex fadhiya boqol qof oo wada dub cad.Gooray noqotana dad badani yiraahdeen waxuu noqon doonaa madowgii u horeeyay ee fariista aqalka Cad ee looga arimayo Dalka Maraykanka --Taasoo ay ku saadaaliyeen 12 sano ka dib isagoo markaa da,diisu tahay 54 sano jir.
 
          Barak Obama Xaggee ka soo jeedaa iyo waayihiisii Nololeed.
 
Barak Obama,aabihiis waxaa uu ku dhashay tuula yar oo ku taal Galbeedka wadanka Kenya,waxuuna ilaalin jiray ariga reekooda, awoowgiis waxuu khaadim cuntada u kariya ahaa nin Ingiriisa oo ahaa dadkii maamulayay Wadanka Kenaya, Gelina waxuu aadi jiray iskuul ka samaysan cariish una dhawaa tuulada ay ku noolaayeen, gelina Iskuulkuu aadi jiray .

Ka dib awoowgiis waxuu goostay inuu wiilkiisa u diro meeluu tacliintiisa ka sii wato, waxuuna nasiib u helay inuu yimaado dalka Maraykanka. Waxayna is barteen Gabar iyaduna ka dhalatay qoys cadaan beeralay ah oo ka timmid Gobalka Kansas ee badhtamaha Maraykanka,waxuu aabaheed ka shaqayn jiray Riigagga qoda saliida, aakhirkiina way isguursadeen oo ku aqal galeen Gobalka Hawai ee cariga Maraykanka, waxaana sanadkii 1961 kii labadaas lamaane u dhashay wiil, waxayna u bixiyeen magacii asalka ulahaayeen reer Jalwo, amase reer Afrika ee Barak--Afsoomaliga noqonaysa "Barakaysane" Ingiriisna Blessing. Nasiib darro Guurkii labadaas lammaane siima jirin oo waa kala tageen, maadaama Barak aabihiis dalka ku yimmid Waxbarasho, markuu tacliintii dhammaaystay waxuu ku noqday dalkiisii hooyo ee Kenya, danna waxay isbaday hooyadii, waxaana guursaday nin ka soo jeeda Dalka Indoniisya, waxuuna la aaday macaa wiilkeedii dalka Indoniisiya.

Haddana waxay dib ugu soo noqdeen dalka Maraykanka, Barak waxbarashada wuu ku fiicnaa waxuuna noqday arday firifircoon,waxuuna galay Jamacadda dadka taajiriinta ah galaan ee Harvard University, waxuuna ka noqday madowgii u horeeyay ee madaxwene ka noqda Ardada Jaamacadda, waxuuna ku takhasusay Sharciyada,isagoo noqday Garyaqaan udooda Xuquuqda Banii-adamka, aakhirkiina waxuu xafiis ka furtay magaalada Chicago oo si xowliya xidigiisu marba marka ka dambeysa kor usoo ifayay. waxuuna si hagar la,aana ugu doodi jiray dadka dulman iyo dadka xuquuqdooda raadsan karin.

Barak horaantii 90-meedyadii,waxuu u safray wadanka Kenya si usoo arko ehelkiis,waxaase uu la kulmay aabihiis oo uxijaabtay halkii loo badnaa, waxaana uu la yaabay wadanka Kenya oo in ka badan 50 luqadood looga hadlo, dadkuna u kala qaybsanyihiin qabaa'ilo tiro badanoo uu ku qiyaasay 400-qabiil.

Barak Obama sanadkii 1997-dii ayaa waxaa isu taagay inuu isu sharaxo Senetka dowlad Gobaleedka Illinois,degmada 13 aad ee koofurta chicago,waana ku guulaystay waxuuna cilmiga sharciyada ka dhigaa jaamcadda chicago Universty oo hadda waa senetka Gobalkaas,waana Profeesor isla deegaanka laga soo doorto.

Baraka Obama labadiisii waalid waa geeriyoodeen,waxuuna tusaale u yahay quruumaha kala gedisan ee kala midab iyo dhaqanka ah ee ku nool wadanka Maraykanka. Khudbadiisii taarikhda gashay ee uu ka jeediyay kulankii Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ahayd "wax la yiraahdo kani waa conservative;kani waa Liberaal ma jirto!,ee kuligeen waxaan nahay Ameerikaan, wax la yidhaa kani waa madow,kani waa cadaan,kani waa Hispanic,kani waa Aasiya ma jirto; kulligeen waxaan nahay American." Dad badan oo noolaa waagii halgamaagii waynaa ee Dr.Martin L.King,ayaa Barak Obama ku tilmaamay nin la barbar dhigi karo oo noqon kara Martinkii casrigaan.
About Barack ObamaBarak iyo Xaaskiisa Michelle iyo labadooda ilmood

Barak waa aabo leh labo gabdhood oo kala jira 6 iyo 3 sano,xaaskiisana waxaa lagu magacaabaa Michelle,waana gabadh mar walba garab taagan saygeeda oo meel walba la joogta,caruurtana waxaa u haya waalidkeed(Ma dhiirado nimaan garab wax lagula dhisayne).Fagaaro badan ayuu ka sheegay inuu ilaah ugu mahadiyo marwada unasiibka uhelay oo noloshiisa wax ka dhistay.

Yaa la tartmaya Baraka Obama.
 
Ka dib markii Seneterka hadda ku fadhiya kursiga Illinois,oo ah xisbiga Jamhuuriga uu sheegay inuuna mar labaad u tartamayn oo howlgab noqonayo,waa Sen.Peter Fitzgerald,ayaa waxaa muddo olole ku jiray nin gadaal ka ceeboobi doona oo lagu magacaabo Jack Ryan, kaasoo dhawaan xaaskiisii hore fadeexad oodda ka rogtay oo sheegtay inuu Jack soo jeediyay inay Heteelada lagu caweeyo ay Galmood dadka hortiisa ku sameeyaan,taasoo uu inkiray laakiin qasab noqotay inuu ka haro tartanka,Markaa ka dib waxaa dib isugu noqday xisbiga jamhuuriga waxayna soo xusheen Ambasadoor Alen Keyes oo reer Maryland ah, waligiisna aan ku noolaan Illinois,isagoo labo jeer isku sharaxay jagada Madaxwenenimada dalka Maraykanka,balse ku hungoobay ;Sidoo kale labo jeer waayay kursiga senetka gobalkan Maryland. Alen keyes waa nin madow ah oo Xag jira oo ah ragga ku dhegan Conservatinimada waana 54 jir,taasoo xaqiiqa ka dhigaysa in uun qof madowa uu soo fariisan doono aqalka Seneterada maraykanka oo muddo 6sano ah ay ka qatanaayeen dadka Madowga ah,isla markaana noqonaya qofkii 3aad ee madowa ee yimaada Senetka tan iyo intii dib loo dhisay Jamhuuriyadda Midowga Amerika.
 
Barak Obama waxauu na xusuusinaya Xikamdii ahayd "Dadaal waad Gaari Doontaaye.

Faafin: SomaliTalk.com | August 10, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD