SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Musharax cusub oo ku soo biiray Liiska Musharixiinta Jagada Madaxweynanimada Soomaaliya.


Mr. Max'uud Xasan Taakow.

Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay waxaa kaga dhawaaqay in uu isu taagay jagada Madaxtinimada Mr. Max'uud Xasan Taakow.

Mr. Max'uud Xasan Taakow oo ah 41 jir Soomaali ah kana mid ahaa Ergeydii Soomaalida ee ka qeybgaleysay shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in uu u gudbiyay Gudoomiyaha Shirka Soomaalida ee Mbagathi Mr. Kipligat codsigiisa Musharaxnimo isagoo xusay in uu buuxiyay Shuruudaha Musharaxa Jagada Hogaanminta Dalka.

Mr. Takow ayaa noqonaya Musharaxa ugu da'da yar ee ku jira Liiska tartanka Madaxtnimada dalka Soomaaliya.

Mr. Taakow oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed waxa uu ka mid ahaa Ergeydii la socotay Gudoomiyaha gobolka siyaasadda gobolka Sh/dhexe waxana uu ka soo jeedaa gobolka Sh/dhexe.

Mudane Taakow ayaa maalinta khamiista lagu wadaa in uu gaaro madasha shirka Soomaalida uga socda dalka Kenya ee Mbagathi waxana lagu wadaa in kulamo uu la yeesho madax sarsare oo ka tirsan Hogaamiyayaasha ku sugan shirkaasi iyo Danjirayaasha shisheeye ee ku sugan Nairobi.

si aad uga bogato Barnaamijka siyaasadeed ee Musharaxa madaxtinimada dalka Soomaaliya Mr. Max'uud Xasan Taakow waxa aad booqataa web site-ka:  www.shabelahadhex.com

By:  Abuukar Gacal     Shabele Media Network Web Designer

  abuukargacal@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 10, 2004

WARARKII AGOOSTO 9
»Qorshaha kordhinta xubnaha Baarlamaanka oo helay taageero..
»Yalaxoow oo diidey inay xaruntiisa booqdaan Guddiga Xaqiiqo raadinta
»M/ ku xigeenka DGPL oo ka jawaabay Dacwadii dhawaan lagu....
»Sheekh Aweys oo cadeeyay in aan Ciidamo  la keeni karin Somaliya..
»Beelaha Mudolood & Gaaljcel oo qeybsatay Xubnaha B/manka uga..
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD