oo ka tirsan Degmada
Galaalshe, dagaal ku dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo Ciidanka
xoreeynta Ogaadeenya ayaa cadowga lagaga dilay 8 askari, 10 kalana
lagaga dhaawacay.
Dhamaadkii bishii hore dagaal ay ciidanka wadaniga xoreynta ogaadenya ku
qaadeen ciidamada cadawga Itoobiya, oo ku sugnaa Fayaa-jerso, oo ka
tirsan degaanka Baabili, ayaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 12
askari, 16 kalana lagaga dhaawacay.
Sidoo kale tuulada Dusmo ee degaanka Awaare isku dhac dagaal
oo ka dhacay, waxaa lagu dilay qaar ka tirsan maleeshiyada ciidamada
gumaysiga Itoobiya, kuwo kale oo haweeyney ku jirtana waa la dhaawacay.
5/4/04, Tuulada Bulxan oo ka tirsan Dhagaxbuur, ayuu dagaal
ku dhex-maray ciidamo gumaysigu halkaas ku soo uruuriyay, si ay dadka u soo
ganaaxaan, iyo Ciidamada xoraynta Ogaadeenya. Waxaa halkaas ciidamada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari oo uu ka mid ahaa nin ku caanbaxay gumaadka
shacbiga oo aad looga yaqaanay agagaarka Bullaale.
7/4/04, Gal-habreed oo ka tirsan degaanka Dhuxun dagaal ka
dhacay waxaa ciimada Wayaanaha lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga
dhaawacay.
15/4/04, Gansaale oo gobolka Nogbeed ka tirsan dagaal lagu
qaaday Kolonyo Baabuur ah oo ciidammada cadowga Itoobiya leeyihiin, waxaa
Wayaanaha lagaga dilay tiro badan oo askar ah, waxaana halkaas lagu gubay hal
gaadhi.
18/4/04, Tuur-dhiig oo ku taalla dusha Sibi, dagaal ka
dhacay waxaa ciidamada Wayaanaha lagaga dilay askar badan oon weli tiradooda
la haynin.
Daadad waxyeelleeyay deegaanno Ogadenya ka tirsan
Deegaanno badan oo Ogadenya ka mid ah ayay waxyeello ka soo gaadhay daadad
ka dhashay roobabka guga oo si wayn uga da’ay dhammaan dalka Ogadenya.
Meelaha dhibka ugu daran soo gaadhay waxaa ka mid ah tuulada Cas-buli,
oo ka tirsan degmada Erar oo hoos timaadda Diridhabe, halkaasoo
ay biyuhu ku qaadeen dad iyo duunyo intaba.
Inta la ogyahay dadka halkaas ku dhintay waxay gaadhayaan 20 ruux
oo u badan carruur iyo dad waayeel ah, waxay kaloo daadadkaasi dumiyeen in ka
badan 500 oo aqal iyo waliba hanti kale oo ay khasaaro soo gaadhay.
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax taakuleeyn ah oo dadwaynuhu ay ka heleen
xukuumadda Itoobiya iyo hay’adaha samafalka ah midna.
Waxaa sidoo kale laga cabsi-qabaa fatahaad ka timaadda Wabiyada
Ogadenya, waxaana ugu wacan roobabka xad-dhaafka ah ee ka da’aya dhulka
sare ee buuralayda ah ee Baali iyo Hararge.
Dadwayne badan ayaa hadda isu diyarianaya inay ka feejignaadaan daadadkaas,
gaar ahaan waxaa feejignaantu ku sii badan tahay dadwaynaha ku dhaqan
nawaaxiga Wabiga Shabeelle, oo ah kan ugu dheer uguna degaanka badan wabiyada
Ogadenya mara.
Ciidamada Itoobiya oo xadka Kenya hanti aad u badan ku boobay.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in
ciidamada Itoobiya ay weerar ku soo qaadeen magaalada Moyale oo ku
taalla xadka ay Kenya la wadaagto Itoobiya, waxayna halkaas ku boobeen hanti
aad u tiro badan.
Waxa kale oo ay halkaas ku af-duubeen dhakhtarkii magaalada Moyale,sidoo
kale waxay laba maalmood ka dib af-duubeen nin kale oo u dhashay wadanka
Kenya.
Warku waxa kale oo uu intaa raaciyay in ay arintaas aad uga cadhaysiisay
xubno badan oo ka trisan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo ka dalbaday dawlada
Kenya in ciidamada Kenya ay tallaabo ka qaadaan ciidammada boobkaas gaystay
oo budhcad ay ku tilmaameen.
Rabshado ka dhacay kuliyada farsamada gacanta ee Naziret.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in 26 arday
oo wax kabaranayay kuliyada farsamada gacanta ee Nazirat lagu tooriyeeyay
dhismaha kulliyada, ka dib markii ay halkaas rabshado ka bilaabmeen. Waxay
kaloo wararku sheegayaan in rabshadahaas lagu dhaawacay labo nin oo ka tirsan
ciidammada nabad sugidda Itoobiya.
Warku wuxuu intaa raaciyay in ardaydan la tooriyeeyay hadda lagu dawaynayo
cisbitaalka magaalada Naziret. Dhinaca kale,Ciidamada nabad sugida Itoobiya
ayaa la sheegay inay xidheen 13 arday, oo 3 ka mid ahi ay dumar yihiin.
Warku wuxuu kaloo intaa raaciyay in la jajabiyay albaabadii, daaqadihii
iyo muraayadihii oo uu khasaare laxaad leh soo gaadhay dhismaha kuliyadaasi.
Baarlamaanka Itoobiya oo 3dii sano ee ugu danbeeyay soo saaray sharciyo
aad u qallafsan.
Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadenya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa
sheegaya inuu Baaralaanka Itoobiya soo saaray sharciyo aad u qallafsan
seddexdii sano ee ugu danbeeyay, waxaana sharciyadan lagu tilmaamay inay ka
soo horjeedaan xuquuqal insaanka iyo sharciga caalamiga ah.
Hasa yeeshee Baarlamaanka Itoobiya wuxuu ku dadaalayaa oo kaliya sidii uu
awood dheeraad ah u siin lahaa ururka EPRDF ee hogaanka u haya taliska Addis
Ababa.
Niman siyaasada Itoobiya u dhuun daloola oo arintan faalleeyay ayaa waxay
caddeeyeen in haddii ay dawlada Itoobiya ku talaabsato inay hirgaliso
sharciyadaas ay taasi ka dhignaan doonto in magaca dimoqraadiyada laga
tirtiray Itoobiya, isla markaana ayna jiri doonin xaquuqda uu bani’aadamku u
baahan yahay, taasoo keeni doonta in ay burburto xukuumada haatan Itoobiya ka
talisa.
Askarta Itoobiyaanka ah oo ay baxsashadoodii aad u sii korodhay.
Wasaarada warfaafinta ee Eritreya ayaa arbacadii lasoo dhaafay daboolka ka
qaadday in 7 askari ay ka soo baxsadeen xukuumada Addis Ababa. Warku wuxuu
kaloo intaa raaciyay inay ciidamadamo aad u tiro badan si is-daba joog ah uga
soo goostaan xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo diiddan ama ka soo horjeeda
dagaallada ay Itoobiya ku hayso wadamada dariska la ah iyo maamul xumida
xukuumada Addis Ababa.
Ciidamadan baxsaday waxay sheegeen in dhalinyarada u dhalatay qoomiyada
Tigreegu ay aad ugu baxsadaan baadiyaha iyo dowladaha dariska ah, si ay uga
samata-baxaan in lagu jujuubo dagaallada xaq-darrada ah ee Itoobiya ku hayso
dalalka deriska ah. Askartan ka soo baxsatay ciidamada Itoobiya ayaa waxay
kala yihiin:
1. Woldeyesus Aregay, oo Qoomiyad Tigreega u dhashay
2. Yehune Haile Getahun, oo qoomiyada Axmaarda u dhashay
3. Gemechu Fekede Feysa, oo qoomiyada Oromoda u dhashay
4. Abraham Adadebo Ayenew, oo qoomiyada Walayta u dhashay
5. Kasim Abaoli Abasimel, oo qoomiyada Oromoda u dhashay
6. Gebrehiwet Gebretsadik Gebremariam, oo qoomiyada Tigreega u dhashay
7. Berhane Tium Hagos, oo isna u dhashay qoomiyada Tigreega
Ingiriiska oo diiday inuu aqoonsado maamulka Woqooyi Galbeed.
Dawlada Inrgiriiska ayaa ku gacan saydhay codsi kaga yimid xubin
baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan oo codsaday in la aqoonsado maamulka
Woqooyi Galbeed ee Somaliya, waxayna dawladu sheegtay inayna ka baxaynin
balllanqaadkii ay wax ka saxiixday ee ahaa in la ilaaliyo dawladnimada iyo
midnimada Soomaaliya.
Warqad ka soo baxday Xafiiska arimaha Dibada iyo dalalka Commonwealth-ka
ee wasaarada arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska oo loogu jawaabayay John
Austin, oo baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan, taasoo ay Wakaaladda Wararka
Ogadenya nuqul ka heshay, ayaa tilmaantay in dalka Ingiriisku aanu
aqoonsanayn maamulka Woqooyi Galbeed ee somaliya, isla markaana uu horay u
saxiixay heshiis midaynaya mawqifka Midowga Yurub iyo Golaha Ammaanka oo
dhigaya in la dhawro dawladnimada iyo midnimada dalka Soomaaliya.
Warqadan, oo xafiiska ka soo baxday markii ay taariikhdu ahayd 17 maarso
2004, waxay dawlada Ingiriisku kula talisay madaxda Woqooyi Galbeed inay la
xaajoodaan dawlada cusub ee la rajaynayo inay ka soo baxdo shirka dib u-heshiisiinta
ee soomaalida uga socda magaalada Nairobi, si ay isula meel-dhigaan xal la
aqbali karo oo astaynaya mustaqbalka Woqooyi Galbeed.
23.04.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso warkan oo Cod ah
...HALKAN
KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA
WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u
tahay Radio Xoriyo, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk