SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 5, 2004

Cod La Baxshaa, Dan La Gaaraa

Soomaalida Minnesota oo ku dhawaaqay daladdii mudada dheer la sugayay “Somali Action Alliance”.

Maan deeq u curatay reer Minnesota!


Qolka xaflada oo lasoo camiray

Xasan Jaamici oo wacdi jeedinaya

C/Risaaq Xaaji Xuseen oo madasha ka hadlayey

Minnesota Senator Mee Moua oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo madasha ka hadlaysey

Dan William oo akhrinaya warqad ka timid Senator Coleman oo ka tirsan xisbiga Republican-ka

Siciid saalax Axmed oo tilmaamaya tabeelaha ururka cusub

Martida ka socotey waxbarashada Minnesota

Abwaan Cusmaan Daahir oo gabay ka soo jeediyey madasha.

Sakariye Aadan: Somalishowtv oo kamid ah telefishanada kasoo qayb galay madasha.
Sawirada waxaa qaaday: Maxamed Cali (SomaliTalk.com)

Dad Soomaaliyeed iyo marti kor u dhaaftay 300 oo qof oo ka kala yimid magaalooyin badan oo ka tirsan Minnesota ayaa bisha April labadeeda isugu yimid goobta la yiraahdo International Institute of Minnesota. Maqribka markii la tukaday ayaa cashadii ay soo diyaarisay maqaayadda Soomaaliyeed ee cuntadeeda loo bogay ee Safaari loo fariistay. Wax yar ka dib barnaamijka ayaa bilowday. Waxaa shirka daadihinayay Maxamed Allabari iyo gabadha la yiraahdo Amiira. Sheekh Xasan Jaamici ayaa quraan aqris iyo wacdi ku furay asagoo dadka kala dar daarmay inaysan gaalnimo ku dhiman iyo inay midnimada iyo wada jirka ku dadaalaan.

Waxaa ku xigay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo asagana ku dheeraaday in Soomaalida Minnesota halkan wax ka qabsadaan oo waxna ka noqdaan oo maanta ay Minnesota gurigooda tahay.

Waxaa ku xigay Zainab Hassan oo ka hadashay ujeedada Somali Action Alliance laga leeyahay iyo taariikhdii uu soo maray iyo waxa uu damacsan yahay. Zainab waxay sheegtay in ururkan loogu talo galay qofkasta oo Soomaali ah, mana aha wax ay dad gaar ah gooni u leeyihiin waxaa kale oo ay tiri qofkasta oo Soomaali ah waa u furan tahay inuu xubin ka noqdo. Ururkan waxaa uu rajaynayaa inuu wax ka qabto danta guud ee Soomaalida Minnesota iyo danta guud ee Somalida iyo dalkii hooyoba wixii la awoodo.

Ururkan hore waxaa uu uga soo qayb qaatay u dagaalanka iskuulada la xiri rabay iyo inuu qoro dad badan oo Soomaali ah si ay codkooda u dhiibtaan. Waxaa kale oo ururkan uu la kulmay murashixiin iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dawladda maraykanka kalana hadlay arrimo quseeya Soomaalida.

Waxaa ku xigay in Xuseen Samatar (GarabYare) oo aad u sharxay muhimadda ururkan leeyahay iyo muhimada wada jirka iyo wada shaqaynta.

Waxaa ku xigay oo ayaduna meesha qudbad dheer ka jeedisay gabadha la yiraahdo Mee Moua oo ah Minnesota senator degmada 67aad kana soo jeeda reer soo galooti ah oo ka yimid Laos, waxayna u dhalatay dadka la yiraahdo Hmong oo aad ugu badan Minnesota. Gabadhaasi waxay aad u dhiiri gelisay dadka Soomaaliyeed inaysan iska dhigin dad marti ah oo dalka laga xigo ee ay u tartamaan xataa ka qayb qaadashada siyaasadda. Gabadhaasi oo mar ku noolayd xero qaxooti dalka Thailand waxa ay si cajiib ah isula mid dhigtay dadka Soomaaliyeed oo ayba tiri waaba dadkayga ayadoo arrintaas ku mutaysatay sacab fara badan.

Waxaa asagana meesha ka hadlay nin African American ah oo ka wakiil ahaa US Senator Norm Coleman ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Rev. Dan Williams oo asaga naftiisa 1998kii u tartamay kuxigeenka Governorka Minnesota waxaa kale oo uu wakiil uga yahay Minnesota xafiiska diimaha (faith based) ee aqalka cad ee maraykanka.

Dan Williams asagana waxaa uu helay meel uu uga egyahay dadka Soomaalida - waa midabka ee waxaa uu ka sheekeeyay dhibtii ay soo mareen dadka madow ee maraykanka gaar ahaan xuquuqda codeynta iyo adoonsigii iyo faquuqii taas oo uu asagan sacab badan ku mutaystay ka dibna waxa uu dadka Soomaalida ku guubaabiyay in aanay qolona ka dhegaysan inay u shegaan cidii ay codka siin lahaayeen waayo idinkaa garanaya dantiina ayuu yiri.

Dan William waxaa uu bilaabay inuu aqriyo qoraalkii Senatoor Coleman kaasoo uu ku sheegay in uu labo goor hore la kulmay Somali Action alliance intii aanay isa soo caan bixin iyo inuu u rjaynayo ururkan mid Soomaalida iyo guud ahaan reer Minnesotaba wax weyn ku soo kordhin doono. Waxaa kale oo senatoorku sheegay in imaanshaha Soomaalida ku soo kordhisay Minnesota wax aad u weyn.

Waxaa kal e oo si marqaati ahaan ah uga hadlay haweenay maamule ka ah dugsiga Sanford oo hore ula soo shaqaysay Somali Action Alliance iyo mid ka mid ah Minneapolis School Board. Waxaa asaguna halkaas ka hadlay arday Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo C/laahi C/Qaadir Faarax oo metelayey dhallinyarada Soomaaliyeed, asaga oo sheegay in dhallinyaradu ay yihiin mustaqbalka mujtamaca, waxana uu ku maahmaahay: Soomalidu been ma maahmaahdo, hadal waa hadalkii hore ragna waa raggii hore, waxase uu raaciyey asagoo yiri: waxaan taas ku dari lahaa: ragga dambena yaan la ilaawin.


Dr. Eric J. Jolly,
Madaxa Minnesota Science Museum

Martida kale ee ka soo qayb gashay shirka waxaa ka mid ahaa madax Minnesota Science Museum iyo madaxa Jaamacadda Minnesota qaybta daraasaadka xasuuqyada oo labaduba balan qaadeen in sanadkan ka qayb qaadan doonaan Somali Education Night oo la qaban doona bisha May, 2004 iyo gudoomiyaha bulshada Hmong ee ku nool Minneapolis.

Waxaa xiisa badnaa hadal dheer oo xigmad ahaa oo uu soo jeediyey Siciid Saalax kaas oo uu ku muujinayey guusha la gaari karo marka la is kaashado. Sidaas oo kale waxaa gaban aad qoto dheeraa madasha ka tiriyey abwaan Cusmaan Daahir oo had io jeer Soomaalida ku guubaabiya in ay is gacan qabtaan midoobaana.

Dadka Soomaaliyeed ee reer Minnesota waxa ay dhowraanba waa wax qabad buuxa iyo kaalin libaax waxaanan ilaah ka rajaynaynaa inuu ururkan noqdo mid iskuduubni iyo guulo dhaliya.

Soomaalida Minnesota ayaa in badan lagu xaman jiray in ay ku horeeyaan dhinaca siyaasadda, ganacsiga, shaqada, iyo waxbarashada hase yeeshee ay ku liitaan dhinaca abaabulka iyo is-habaynta (organizing) iyo isku duubnida arrintaasi maanta ayay beenowday ayaa la dhihi karaa. Baal cusub ayaa u bilowday Soomaalida reer Minnesota oo markii horeba ahaa dad aad isu jecel.

Far keliya fool ma dhaqdo. Isku duubni waa xoog kala faraaruq waa tabar daro. Dhurwaagu neefka gooni u daaqa ayuu jecel yahay. 

Cod La Baxshaa, Dan La Gaaraa: waa hal ku dhegii madasha

wardheere

Maxamuud nuur wardheere

mnwardere@yahoo.com 

 
Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2004

Minnesota: Macallimiin iyo arday Soomaaliyeed oo xusay Taariikhda Bisha Dadka Madow “Black History Month” markii u horeysay

Booqasho isugu jirta dalxiis iyo waxbarasho oo ay arday Soomaaliyeed ku tageen xarunta gobolka Minnesota (State Capitol) Guji...

Ardayda Dugsiga Sare ee Edison oo ka Qalin-Jebiyey Guji..

Ardayda Soomaaliyeed ee Ka Qalin Jebinaya Dugsiga Sare ee Edison oo Buuxiyey Derejooyinka ugu Sareeya Guji...

Xubno Soomaaliyeed oo ka Qayb Qaatay Maamuuska Dhalashada Hogaamiyahii dadka madaw ee Maraykanka Dr. Martin Luther King Jr. Guji.....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Sawirada lala galay C/Risaaq Xaaji xuseen dhammaadka xaflada kadib






Maxamed Keynaan oo ah madaxa suuqa Alkarama oo kasoo qayb galay madashii shirka



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD