Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile:
00-92-300-2600907
Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 6 april sannadka 2004, waxaa beesha
caalamku u baroor diiqaysa 800,000 oo qof (sideed boqol oo kun oo qof) oo
saacado gudahood lagu xasuuqay dalalka Rwanda iyo Burundi sannadkii 1994-kii,
ka dib markii falaagooyin asal raac ah oo ka mid ah qabiilka Hutuga ee ku
tirada badan dalka Rwanda ay weerar ba'an ku qaadeen Mujtamaca kale ee ay
wada degaan ee Tut-siga ee ay ka tirada badanyahiin.
Hadaba waxaan jecelahay inaan qoraalkani guud mar yar oo kooban ku sameeyo
sidii uu xasuuqaasi u dhacay iyo sida ay beesha caalamku uga gaabisay inay ka
hortagto inaanu dhaceen xasuuqaasi.
Inkasta oo mujtamacyada ama qabaa'ilka Hutu-ga iyo Tut-sigu ay wadaagan
luuqad keliya oo ay isku fahmaan, hadana waxaa labada qoomiyadood soo dhex
yaallay dagaalo sokeeye oo qarni jirsaday, dalka Rwanda oo lagu tiriyo in ay
iskaga danbeeyen laba maxmiyadood oo kala ahaa Germany iyo Belgium, ayaa lagu
tiriya in labada qoomiyadood ay waagaasi muran badan ka dhex aloosna iyaga oo
qabiilka Tut-sigu ahaayeen xoolo dhaqato, xagga kuwa Hut-guna ahaayeen
beeralay.
"Xasuuqa dalka Rwanda wuxuu noqday mid aan weligii ka bixin
maskaxda beesha caalamka jiritaanka dunidana aan soo marin xasuuqa intaa
le,eg"
Xasuuqu wuxuu bilaabmay 4-tii april sannadkii 1994kii ka dib markii dhulka
la soo dhigay diyaarad ay la socdeen madaxweynahii waddanka Rwanda Juvenal
Habyarimana, iyo Madaxweynahii waddanka Burundi Cyprien Ntaryamira, oo
labadooduba ka soo jeeday qabiilka Hutu-ga, Hutu-gkii asal raaca ahaa ayaa
iyaga oo adeegsanaya idaacado gudaha dalka Rwanda ku yaalla waxay baraarujin
iyo dhiiri gelin badan ku sameeyen dadka iyagu asalkoogu Hutu-ga ka soo jeedo
sidii loo gumaadi lahaa dadka Tutsiga ah, waxaa ciidamo iyagu ahaa qabiilka
Hutu-ga iyo maleeshiyooyin taabacsana ay weeraro ku qaadeen goobahii ay
degenayeen Tut-siga laga tirada badanyahay, xasuuqu wuxuu bilaabmay 7:00
subaxnimo 4 april 1994-kii iyaga oo Tut-siga loogu tegay guryahooda, goobaha
ganacsiga, waxaa weliba loogu gallay meelaha lagu cibaadaysto sida
kiniisadaha, iyaga oo loo gawracay raxan raxan, muddo saacado gudahood ah
ayaa waxaa lagu xasuuqay dad tiradoodu kor u dhaafayso 800,000, oo qof,
xasuuqu ha u badnaado xarunta waddanka Rwanda ee Kigali, koonfurta beri ilaa
koonfur galbeed ee waddanka Rwanda.
Xasuuqaasi kuma uu ekayn oo qudha dadka Tutsiga ah balse waxaa la gumaaday
oo kale dad mutacalimiin iyo siyaasiyiin iyo ganacsato iskugu jiray oo
asalkoogu kasoo jeeday isla qabiilka Hutuga ee wax gumaadayey, muddo yar ka
dib ayaa xarunta qaramada midoobay ee New york waxaa iskugu yimid golaha
amaanka oo go'aan ku gaadhay in dalka Rwanda loo diro nabad ilaaliyeen iskugu
jira France, Germany, belgium iyo maraykan ah.
Theoneste Bagorosa oo ahaa Madaxii ciidamada dalka Rwanda ahaana ninka
isagu ka danbeeya xasuuqa loo gaystay dadka aan waxba galabsan ayaa henjabaad
u diray dadka Tutsiga ah ee degen waddanka Burundi in sidaa iyo si ka daran
loo gumaadi doono, waxaa kale oo uu ninkaasi henjabaad u diray Hutuga ka soo
horjeesta hawgaladiisa inaan loo midaan dayi doonin.
TOBAN SANNO KA DIB MAXAA IS BEDELAY
Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kegame ayaa wuxuu cambarayn ba'an dhawaan
usoo jeediyey beesha caalamka oo uu ku eedeyey inay ka caga jiideen sidii ay
uga hortagi lahaayeen 800,000 ee qof ee markeliya lagu xasuuqay waddankiisa,
Paul Kegame oo ka hadlaayey meel loogu baroordiiqaayey dadkii ku dhintay
xasuuqaasi oo ay ka soo qayb galeen qarabadoodi iyo weliba dadkii iyagu ka
bad baaday xasuuqaasi ee qabiilka Tutsiga ahaa ayaa wuxuu yidhi "Beesha
caalamku ma waxay tahli kari wayday in ay ka hortagto 800,000 oo qof oo
markeliya lagu xasuuqay dalka Rwanda miyaanay taasi ahayn ceeb weyn oo beesha
caalamku dhabarka ay saaranayso, mise waxaa loola jeeda midab takoor ay
beesha caalamku u badheedhay".
Madaxweyne Paul kegame
President Kegame wuxuu ka codsanaya beesha caalamka in la dar dar geliyo
sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa kuwii ka danbeeyey xasuuqi ka dhacay
waddankiisa.
Raaqiya Cabdilaahi Omaar oo ah haweenayda madaxda ka ah ururka xuquuqda
aadamaha u dooda ee lagu magacaabo "African Human right watch" ayaa iyada oo
u waramaysa idaacadda B.B.C da qaybta adduunka la hadasha waxay dhaleecayn
ba'an dhabarka u saartay beesha caalamka Mrs. Omaar waxay tidhi "Beesha
caalamku hadda iyo markii horaba waa ka gaabisay inay wax la qabato dadka
reer Rwanda, kuwii dambiilayaasha ee ka danbeeyey xasuuqa binaa-aadnimada ka
baxsan waxaa ay ku dhumalaysanayaan hadda waddanka Rwanda" Mrs. Omaar oo
hadda ku sugan xarunta waddanka Rwanda ee kigali waxay beesha caalamka usoo
jeedisay in Waddanka Rwanda u baahanyahay taageerada beesha caalamka
xogahaya guud ee qaramada midoobay Kofi Anan ayaa ku dhawaaqay maalin
baroor diiq ah in looga samaynaayo xasuuqaasi xarunta qaramada Midoobay ee
New-york, isaga oo ka hadlaya fadhi ay xubanaha qaramada midoobay ka yeeshen
xasuuqaasi wuxuu Anan usoo jeediyey xubnahaasi canaan wuxuuna kula dardaarmay
sidii loo taakulayn lahaa dadka reer Rwanda.
"Seddex meeloodo laba meelood macalimiintii waddanka Rwanda waxay
noqdeen qaar la xasuuqay iyo qaar waddanka laga musaafuriyey ardayda reer
Rwanda Toban sanno ka dib"
Isku soo duubo toban sanno ka dib xasuuqaasi waxaa lagu xasuusan kara in
uu ahaa xasuuqii ugu weyna ee dunida aynu ku noolahay ka dhaca abadan
jiritaankeeda.
Faaladii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan
Freelance Writter
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com