WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 8, 2004
WARARKII APRIL 8, 2004
- Xeebaha Soomaaliya oo ay Lagu Arkay Haamo
sabaynaya
- Hiiraan oo Laga Dhawaaqi Doono Dawlad
Goboleed
- Maxamed Dheere oo Ballaarinaya Awoodiisa
Sh/Dhexe
- Soomaaliya oo Loo Diyaar garoobayo Tacabka Beeraha
- MDGPL oo Ka Hadlay Nabadgelyada
Xeraale
-
Shirkii IGAD oo mar kale Dib loo dhiga
- Wakiiladii Xawaaladaha ee Kuxiraa
Jawhar oo Lasoo Daayey kaddib markii....
W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com
garyare20@yahoo.com
Xeebaha Soomaaliya oo Lagu Arkay Haamo loo
malaynayo sun
Hay'adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Dr
Ismaaciil Jimcaale ayaa walaac ka muujisay Haamo loogu shakiyay inay Sun ku
jiraan oo sannadkii hore ku soo caariyay Xeebta Cige ee Gobalka Galgaduud,
Hadal qoraal ah oo ay shalay hay'addu ka soo
saartay Muqdisho ayeey ku sheegtay in Haamahaasi oo loo maleeyay inay ku
jiraan waxyaabo sun ah ay cabsi wayn ku hayaan dadka deegaanadaasi ku nool
kadib markii ay Mirireen Haamahaasi, Waxaana haddii ay dilaacaan laga yaabaa
inay Qatar wayn ku keenaan dadka iyo duunyadda ku nool deegaanadda u dhaw
dhaw halka ay haamahaasi yaalaan,
Hay'addu waxay sidoo kale wallaac ka
muujisay Maraakiibta sida joogtadda ah Badaha Somalia ugu daadiya Qashinka ka
soo hara Warshadaha Waawayn iyo sunta Nugliyeerka, Waxaana ay sheegtay
hay'addu in Qatar wayn ay ku soo fool leedahay Somalia haddii aan si deg deg
ah looga hortagin u adeegsiga Xeebaha Somalia goob qashinka caalamka laga soo
fogeeyo lagu shubo,
Hay'addu waxay wax laga naxo ku tilmaantay
in dalalka qaarkood ay ku fakaraan in qashin ay shacabkooda qatartiisa ka soo
fogeeyeen inay shacab kale oo dandaraysan ku waxyeeleeyaan. Waxayna ka
dalbatay Beesha Caalamka inay gacan ka gaysato sidii loo bad baadin lahaa
Xeebaha Somalia oo baylah u ah Maafiyadda Xeebaha Qashinka ku shubo,
Xeebaha Somalia oo aan 14 kii sanno ee la
soo dhaafay lahayn Ciidamo illaaliya ayaa waxaa si joogto ah loogu shubayay
Qashinka ka soo hara Warshadaha Nugliyeerka, Waxaana kol hore Fadeexad
muujinaysa in arrintaasi ay lug ku leeyihiin Qaar ka mida Hogaamiye
Kooxeedyadda Soomaalida oo lacag yar ku iibsaday Xeebaha Somalia,
Eeg
sunta ku jirta Soomaaliya...Guji
<><><>
Maxamed Dheere oo Ballaarinaya Awoodiisa Sh/Dhexe
Gudoomiyaha maamulka magaalada Jawhar
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa lagu soo waramayaa in uu wado
dadaal uu ku doonayo in uu ku ballaariyo awoodiisa gobolka shabeelaha dhexe
oo ay ka wada arrimiyaan isaga iyo Hogaamiye Kooxeedka kale ee Muuse Suudi
Yalaxow
Wararka naga soo gaarama magaalada Jawhar
ayaa sheegaya in Maxamed dheere uu ku guulaystey inuu hanto taageeradda beel
ka mid beelihii horey xurguftu ugala dhaxaysay Muuse Suudi balse lagu tiirin
jirey Taageerayaashiisa
Kulan looga hadlayo taageerada maxamed
dheere looga hayo deegaanka Gumarow ee Gobolkaasi ayaa lagu wadaa in uui
dhaco iyadoo maxamed dheerana uu qayb ku leeyahay qaban qaabadiisa, waxaana
la sheegay in ay noqon doonto deegaan cusub oo hoos yimaada maxamed dheere ,
Beeshaas oo uu ka soo jeedo Duqii hore ee
magaalada Muqdiso Xuseen Cali Axmed ayaa taageeradeeda siisay maamulka uu
madaxda ka yahay maxamed dheere ee xanuntiisu tahay magaalada Jawhar, laakiin
lama oga halka ay ku dambayn doonto dadaalada uu maamulka maxamed dheere ka
wado gobolka shabeelada dhexe,
<><><>
MDGPL oo Ka Hadlay Nabadgelyada Xeraale
Maamulka Goboleed Puntland ayaa markoodii
ugu horeysay ka hadlay qaabka loo wajihi karo nabadaynta deegaanka Xeraale oo
dhawaan ay ku dagaalamayeen labo beelood oo halkaasi wada dega,
Ku xigeenka Madaxwayanaha maamul goboleedka
Puntland Maxamed Cabdjo Xaashi ayaa sheegay in uu ku dhawaaqi doono dhex
dhexaadin nabadeed oo uu kala dabqaadi doono beelihii dhawaan dagaalka xoogan
ku dhex marey deegaanka Xeraale ee Degmada Cabudwaaq ee ka tirsan gobolka
Galduduud,
Maxamed Cabdhi Xaashi oo soo gaarey
Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Beelihii ku
dagaalay Xeraale ay isaga ka codsadeen in uu soo dhex galo dhex dhexaadina ka
galo arrimaha ay isku hayaan,
Maxamed Cabdi Xaashi oo u waramayey qaar ka
mid ah Saxaafada ayaa sheegay inuu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono
labada dhinac ee isku haya Deegaanka Xeraale, isla markaana xilliga
kulankooda uu ku dhawaaqi doono shir ballaaran oo ay isugu immaan doonaan
labada dhinac ee ay dirirtu dhex martey,
Maxamed Cabdi Xaashi ayaa tilmaamey in isaga
oo tixgalinaya codsiga uu sheegay in uu uga yimid labada dhinac uu billaabayo
sidii loo dhamayn lahaa mashaqadii banayd ee ka dhex dhacday ladada beelood
loo soo afjari lahaa,
Dhinaca kale waxaa degmada Cabudwaaq ee
gobolka Galguduud gaarey xubno dhawr ah oo ka tirsan dowlada KMG ah, isla
markaana ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaadaan nabad
raadinta la doonayo in lagu nabadeeyo beelaha ay dirirtu u dhaxayso,
<><><>
Hiiraan oo Laga Dhawaaqi Doono Dawlad
Goboleed
C/llaahi Cabdhi Koofi oo ah Ku xigeenka
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan Maamul
Goboleed uu yeesho Gobolka Hiiraan, hadii uu miro dhal noqon waayo shirka dib
u heshiisiinta Soomaalida ee la'isku mari la'yahay, hakadna ku jira,
C//llaahi Cabdhi Koofi ayaa isagoo u
waramayey qaar ka mida Saxaafada dalka sheegay inay diyaar u yihiin ku
dhawaaqida Maamul goboleed hadii uu bur buro shirka Soomaalida uga socda
dalka Kenya,
Waxa uu Koofi tilmaamey inay ku guda jiraan
diyaarinta qaabkii loo dhisi lahaa Maamulka Goboleedka ay doonayaan inay u
sameeyaan gobolka Hiiraan, isagoo carabka ku dhuftay in asagu uu ka mid yahay
raga u sharaxan inay madaxka noqdaan maamulkaasi, waxa uuna qiray inay jiraan
siyaasiyiin kale oo iyaguna u sharaxan xilkaasi,
Dhinaca kale goor sii horaysay ayey ahayd
markii guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba Korneel Barre Aadan shirre (Barre
Hiiraale) uu shaaca uga qaaday inay dhisayaan maamul goboleed ka taliya
deegaanadda hoos yimaada Isbahaysigooda,
Waxaana horey deegaanada uu ka taliyo C//laahi
Yuusuf ka jiray Maamul goboleed la magac baxay Puntland, halka gobollada
Waqooyiga ay sheegeen in ay yihiin dowlad madax banaan ayna la baxeen Somali
land, taasi waxay muujinaysaa in dalkii Somalia uu noqdan meelo kala qoqoban
uuna u kala qaybsamay Land iyo Land,
<><><>
Wakiiladii Xawaaladaha ee Kuxiraa Jawhar oo Lasoo
Daayey
72 Milyan ayaa la ganaaxay qaar
kamid ah xawaaladaha
Wakiiladda Shirkadaha Xawaaladaha
Fadhigoodu yahay Jawhar oo u xirnaa Maamulka Maxamed Dheere ayaa shalay galab
la sii daayay kadib markii la bixiyay qayb ka mida lacagihii uu Maxamed
Dheere ku dalbaday in laga siiyo,
Wakiiladdan oo u fadhiyay Jawhar Shirkado ay
ka mid yihiin Amal Express, Towfiiq Nation Bank, Kaah, Shirkadda Isgaarsiinta
Hormuud iyo kuwo kale ayaa lagu ganaaxay midkiiba lacag gaaraysa 72 Milyan oo
Shilin Soomaali ah kadib markii lagu soo eedeeyay inaysan soo marin Maamulka
Shabeeladda Dhexe isla markaana ay si sharci darro ah uga shaqsanayeen Jawhar
iyagoo aan haysan Ruqsad, Waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen Masuuliyiinta
Shirkadahaasi iyo Waxgaradka Gobalku ay ku qanciyeen Maxamed Dheere in
midkiiba laga siiyo Wakiiladaasi 20 Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah uuna
iska sii daayo,
Mid ka mida Wakiiladaasi oo shalay markii la
soo daayay Qadka Taleefoonka kula soo xiriiray STN ayaa sheegay in lacag
Madax Furasho ah laga qaatay, isla markaana uu arko xarigiisa mid ka mida
Afduubyadda Burcaddu ay sameeyaan ee ka dhaca Somalia, Wuxuuna ninkan oo
codsaday inaan magiciisa la shaacin xaqiijiyay inaysan sii wadi Karin
hawlihii ay ka hayeen Jawhar, sidaas darteedna ay ka fiirsanayaan Hanaankii
ay ugu adeegi lahaayeen Macaamiishooda iyaga oo aan fariisin ka samaysan
Jawhar,
<><><>
Soomaaliya oo Loo Diyaar garoobayo Tacabka Beeraha
Iyadoo ay ka curteen Somalia Roobabkii
Xilliga Gu'ga ayaa waxaa meelo badan oo ka mida dalka ka billawday u diyaar
garoowga Tacabka Beeraha,
Gobaladda Shabeelooyinka, iyo Hiiraan oo uu
maro Wabiga stn ayaa waxaa ka billawday diyaar garoow xoogan oo loogu jiro
Tacabka Beeraha, Waxaana deegaanadaasi ay dadku billaabeen inay diyaarsadaan
Abuurkii ay Isticmaali lahaayeen iyo qalabkii ay Beeraha ku falan lahaayeen,
iyadoo Bisha Soo socota si rasmiya ay u billaaban doonto Beeridda tacabka
Sannadkan,
Qiimaha lagu gareeyo Cagaf Cagafyadda
Beeraha Falla ayaa kor u kacay, Waxaana cariiri galay helitaanka Cagaf
Cagafyadda ay isticmaali lahaayeen Beeralaydu, iyadoo sidoo kalana uu kor u
kac ku yimid Qiimaha Shidaalka oo gaaray heerkii ugu sareeyay,
Beeralayda danyarta ah ee xoogooda ku fasha
Beeraha ayeeysan wax saamayn ah ku yeelan kor u kaca ku yimid shidaalka iyo
ciriiriga ay galeen Cagaf Cagafyaddu, Waxayna billaabeen inay Gacmahooda ku
fashaan Beeraha,
Roobabka gu'ga oo xilligoodii ka soo daahay
ayaa yimid waqti ay dalka oo dhan ka jiraan Abaaro xoogan oo saamayn ku
yeeshay nolosha dadka iyo duunyadda ku dhaqan Gobaladda Dalka Somalia,
<><><>
Shirkii IGAD oo mar kale Dib loo dhiga
Shirka wasiirada arimaha dibadda ee
wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD isla markaana looga hadli lahaa
Arrinta Somalia ayaa mar kale dib loo dhigay,
Dublumaasiyiin ku dhowdhow IGAD ayaa
shabakadda warbaahinta Shabele u sheegay in dib loo dhigay Kulankii IGAD ilaa
dhamaadka bishan aynu ku jirno.
Dib u dhaca soo noqnoqanaya ee ku yimid
shirka wasiirada arimaha dibadda ee IGAD ayaa warar aan la xaqiijin ay
sheegayaan in ay ugu wacantahay iyadoo wasiirada Lixda ah ee dalalkaasi aysan
isku mawqif ka ahayn Shirka Soomaalida taasina ay keentay inay qaarkood ka
cudurdaartaan ka qayb galka shirka,
Suudaan ayaa horay uga gaabsatay in ay ka
qeybqaadato shirka IGAD ee inta badan looga hadlo shirka dib u heshiisiinta
Soomaalida ee ka socda Kenya.
Ithiopia ayaa sidoo kale shirarkii ugu
danbeeyay aan ka soo qayb galin, Waxayna u soo dirsanaysay Wakiilo aad u
hooseeya Marka loo eego Hanaanka Shirka oo ah Heer Wasiir, iyadoo Eritrea-na
aysanba soo xaadirin Shirarka IGAD ee looga hadlayo Arrinta Somalia,
Jabuuti iyo Kenya oo shantii bilood ee la
soo dhaafay ku kaliyoobay dhaqaajinta iyo socodsiinta Shirka Soomaalida oo
caqabado waaweyn ay ka horyimaadeen ayaa iyaguna ilaa haatan muujinaya rajo
ay ka qabaan in xal la gaaro lagana gudbo mashaakilka shirka hortaagan.
Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Mr.
Misiyoka ayaa waxa uu wadaa hanaan uu ku doonayo sidii talaabo wax ku ool ah
loo qaadi lahaa isla markaana hogaamiyayaasha shirka ka biyo diidsan loo
qancin lahaa. Laakiin marka loo eego Tanaasul La'aanta Kooxaha Soomaalida iyo
kala jiidashadda IGAD ee Kooxaha Siyaasadda ayaa waxaa muuqata in Dadaaladda
Wasiirku ay noqon doonaan kuwo aan horumar samayn,
Cunsuraha
Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey:
<><><>
46 qof oo Ciraaqiyiin ah ayaa geeriyootay
kadib markii xalay ay duqayn aan naxariis lahayn u gaysteen diyaaradaha
dagaalka ee Maraykanku Masjid ku yaala Magaaladda Fuluuja ee Dalka Ciraaq,
Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa ku dooday
in Masjidkaasi Rasaas looga soo furay Ciidamadooda, Wuxuuna sheegay in
Masjidka ay Gabaad ka dhiganayeen Kooxo Argagixiso ah, Laakiin Iimaamkii
Masjidkaasi ayaa beeniyay sheegashadda Maraykanka, Waxa uuna sheegay in
Diyaaradaha Maraykanku ay si ula kac ah u duqeeyeen Goob lagu cibaadaysanayay,
Magaaladda Fuluuja oo wali godoon ku jirta
ayeey wararka ka imaanayaa sheegayaan in Ciidamadda Maraykanka ay ku
guuldaraysteen inay gudaha u galaan Magaaladaasi, Waxaana dagaal qaraar oo
Wadooyinka la iskula soo baxay ugu dambayntii lagu jabiyay Askarta Maraykanka
oo dib uga soo gurtay Aagaga Dagaalka, Laakiin Maraykanka ayaa illaa iyo
hadda ka gaabsanaya inuu faah faahin ka bixiyo Khasaaraha ka soo gaaray
Fuluuja,
Tan iyo markii ay dagaaladdu ka bilawdeen
Faluuja waxaa ku dhintay in ka badan 100 boqol oo Ciraaqiyiin ah, iyadoo tiro
kalana ay dhaawacmeen, Waxayna wararku ugu dambeeyay sheegayaan in
Diyaaradaha Dagaalka iyo Taankiyadda Maraykanku ay duqayn xoogan ku hayaan
Magaaladda Faluuja,
Dhinaca kale Magaalooyinka Samaawa iyo
Baghdad ayaa xalay laga Maqlayay Qaraxyo Xoogan, iyadoo Qaraxyadda Qaarkoodna
ay ka dhacayeen Meel aan sidaa uga fogayn Saldhiga CIidamadda Japan, Waxaana
heegankii ugu sareeyay la galiyay Ciidamadda Japan si ay uga hortagaan
Weeraro lagu soo qaado,
Afhyeen u hadlay Askarta Maraykanka ayaa
isna sheegay in Baghdad looga dhaawacay labo Askari, Wuxuuna sheegay inay
labadaasi askari ku dhaawacmeen weerar ay ku soo qaadeen Kooxo Argagixiso,
Afhayeen u hadlay isna Wadaadka ugu sareeya
Shiicadda Ciraaq, ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen Askar
Maraykan ah, Wuxuuna sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan Muuqaalka
askartaasi ay qabteen, Laakiin ma jiraan warar Madax banaan oo xaqiijinaya
Sheegashadda Shiicadda,
W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com
garyare@msn.com
garyare20@yahoo.com
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|