SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 7, 2004

Xildhibaano iyo wasiiro kasoojeeda Deg.C/Waaq oo gaaray G.Galgaduud

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG kana soo jeeda degaanka Caabudwaaq ayaa gaaray Degaankaas,waxaana la sheegayaa inay soo gaarsiiyeen fariin uga timmid Madexwaynaha dowladda KMG.Cabdiqaasim Salaad Xasan taasoo la cadayn waxay ku saabsantahay fariintaasi waxaase la isla dhexmarayaa inay uwadaan beesha degta C/waaq taakulayn dhaqaale oo ay kasoo qalqaaliyeen wafuudaasi Madexweynha DKMG,waxaa sidoo kale meelaan ka fogayn oo ah Balanbal ku sugan saraakiil itoobiyaana oo wada xaajood laleh dadka degaanka kuwaasoo sida la sheegay kala hadalya Dagaalada ka socda aagga Xeraale una dhexeeya Beelaha Mareexaan Iyo Fiqi Muxumed (Dir).iyadoo dadka reer balanbal ku soo dhaweeyeen saraakisha itoobiyaanka mudaharaad iyo cay looga soo horjeedo Dowladda KMG ee madexwaynaha ka yahay Cabidqaasim Salad Xasan.
 
Dagaalka ka socda degaanka Xeraale oo ah dagaal lagu hoobtay ayaa waxaa maalmahan soo baxayay tafaxayd loogu jiro sidii loo kasban lahaa quwad kale oo lala bahaysto dagaalkaasi aan istiraajiyad muhiima lahayn balse qabiil tooxso ku socda.
 
Waxaa maalmahan isku urursanayay culumo gaaraysa ilaa 100 magaalada galkacyo kuwaasoo ka kooban qabiilo kala gedisan,waxayna culumadaasi doonayaan inay isa soo horfariisiyaan beelaha dagaalka qaraari dhexmarayo,ilaa iyo immikana lama caddayn inay ka aqbaleen gogoshaasi beelaha dagaalamaya.
 
Cabdi Xasan  Somalitalk Muqdisho

abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2004

Wararkii hore ee MUQDISHO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD