WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 7, 2004
Wararka kusoo Kordhay Dacwada ka Socota UK ee Kusaabsan
Dilkii Suldaan Hurre
War Dag dag ah oo naga soo
Gaaray London
Maxamuud Siciid Hirsi
London UK
ibnusaciid@hotmail.com
Waxaa sida aan lawada socono Col C/laahi
Yuusuf loo haystaa dilkii Magaalada kalabayr taariikhdu markay ahayd 17/8/02
Suldaan Axmed Maxamud Maxamed (Hurre) Alle ha u naxariistee isaga iyo inta
kale oo faraha badan ee uu laayey Col-ku.
Hadaba waxaa sida in badan lagu soo qoray
bogaga ladaalacdo in reerkii suldaanku (Ciyaalkiisii) ka fureen Dacwad ka
dhana Col-ka Magaalada London ee wadanka Ingiriiska halkaas oo ay daganyihiin
taas oo ay ku dal banayeen in Maxkamad lasoo taago Gacan ku dhiigle C/laahi
Yuusuf oo ay aaba hood u haystaan loona aqoon sado inuu yahay Criminal, taas
oo uu C/laahi isna dhinaciisa ka qabsaday Lawyer-ed ka difaacda Kiis kan loo
haysto uguna doodaysay kiis-kiisu inuusan ahayn Criminal ee uu yahay Civil,
taas oo uu aad uga dooday Lawyer-ka Caruurta Suladaanku tiisana ay noqotay
maanta.
waxaa nasoo wacay Maanta Lawyer-kii Caruurta
oo yiri “waxaan ku guulaystay Kiiska intii ugu adkayd oo ahayd inuu ka
gudbo wajigii Civil-ka oo uu noqdo Criminal case taas oo Maanta Maxkamadii
xukuntay in Kiiskii loo aqoon saday Criminal C/laahi na uu yahay Gacan ku
dhiigle lana soo taagi doono Maxkamad si dhakhso ah lana marin doono waxii uu
mutaysto oo ciqaab ah”, saas waxaa Maanta u sheegay Caruurtii suldaanka
Lawyer-koodii oo isagu Gacanta ku hayey kiis kan Sadexdaa sano ee lasoo
dhaafay”.
Waxii intaa dheer oo faah faahina dib ayaan
ka soo sheegi doonaa iyo walibana cadaymihii arintaas laxariiray.
Maxamuud Siciid Hirsi
London UK
ibnusaciid@hotmail.com
Qoraalkii
hore ee Maxamuud Siciid Xirsi...
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE LAGA QORAY HURRE
Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|