WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 6, 2004
WAR CAD OO KA SOO BAXAY URURKA USC/PA IYO GUDDIGA SIYAASADDA EE BEESHA
SHIIKHAALEED.
Ururka USC/ PEACE ACTION iyo Guddiga
Siyaasada Beesha Shiikhaaleed markay si qota dheer u derseen, una kuur galeen
xaalada dhabta ah ee colaadeed ee ka taagan Deegaanka Degmada Jilib, waxaa u
soo if baxay sidii horeba uu u cadeeyey arimaha hoos ku qoran:
In dagaalka uu u dhaxeeyo Maleeshiyada
Deegaanada Jubbooyinka Xoogga ku joogta ee isku magacawday Dooxada Jubba
iyo kuwa ay isku hadafka yihiin ee saldhigoodu yahay Degmada Baraawe oo
hal dhinac ah iyo Maleeshiyooyinka Beesha Shiikhaaleed iyo Dadwaynahooda
oo Deegaan koodu ka mid yahay Deegaanada Xooga lagu haysto.
Waa war aan waxba ka jirin oo aan sal
iyo raad toona lahayn in Dagaalku uu u dhaxeeyo laba Beelood oo Deegaanka
wada deggan, taasoo micnaheedu yahay marin habaabin xaalada runta ah ee
halkaas ka jirta.
Waxaa wax lala yaabo noqotay Abaabulka
isku dirka ah ee hada uu ka wado Isbahaysiga isku magacaabay Dooxada
Jubba Tuulada Hoomboy, Abaabulkaas oo ah in la Abuuro Isbahaysi taageera
Maleeshiyada Deegaanka Xooga ku haysata oo ka kooban Beelaha wada dega
Deegaanada Jubbooyinka, taasoo aan u aragno isku dir hor leh oo laga dhex
abuurayo dadka walaalaha ah ee Xoogga iyo Cadaadiska lagu haysto
Dhulkooda, isla markaana cimridheeraysi laga dhiganayo sidii xaqdaro
Deegaanadaas loogu sii joogi lahaa.
Beelaha Deegaanada Jubbooyinka waxay ka
midaysan yihiin, iskana bahaysanayaan sidii ay isaga kicin lahaayeen kuwa
Deegaanadooda Xooga ku haysta doolaaladana ku yimid
Ugu dambayntii waxaan cadaynaynaa in aan
xaqeena ku dirirayno, xaqdarana aanaan doonayn.
WA BILLAAHI TOWFIIQ.
AFHAYEENKA DEEGAANADA JUBBOOYINKA
Md. DAAHIR CALI XASAN (D.CADDE)
<><><>
24/03/2004
KU:- QOWMIYADDA SHIIKHAALEDD EE KU NOOL
WADANKA GUDAHIISA IYO DIBADIISA
UJEEDDO:- BARNAAMIJKA SIYAASADDA URURKA USC/PA BEESHA SHIIKHAAL
WARBIXIN KOOBAN URURKA USC/PA:-
Kaddib markii Urur- weynihii USC oo u kala
baxay garabyo siyaasadeed oo kala duwan mid walibana uu Matalaayo Beel , ayaa
wada tashi dheer kaddib Beesha Shiikhaaleed waxay go’aansatay in ay dhisato
Ururkeeda Siyaasadeed,taariikhdu markay ahayd April 20,1996, Waxaa lagu
dhawaaqay Ururka USC/PA.
Walaalayaal, wax qabadka ururka halkaan kuma
soo koobi karno,waxaase xusid mudan:-
1- In lagu guulaystay baahida loo qabay
midaynta stratijiyada siyaasadeed ee beelaha ku abtirsada Ururkaan.
2- Wuxuu ku guulaystay inuu xaliyo
colaadihii ay reebeen dagaaladii sokeeye ee u dhaxeeyay beesha iyo Beelaha
kale ee Soomaaliyeed.
3- Ururku wuxuu sameeyay xiriiro Caalami ah,
taasoo uu ku kasbaday saaxiibo aan ku tashan karno
4- Ururku wuxuu xiriiriyay wacyi-geliyana
dhammaan Deegaanada Beesha,taasoo ay manta ka dhursugayaan Ururkooda.
5- Ururku wuxuu ka qayb galay dhammaan
Shirarkii dib-u- heshiisiineed ee loo qabtay Ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna u
taagan yahay asagoo madax-banaan inuu qaato xuquuqda uu Qaranka Soomaaliyeed
ku leeyahay.
BARNAAMIJKA GUUD EE SIYAASADDA
Mudanayaal & Marwooyin,
Sidaad ogtihiin beeshaani waxay degtaa dhul
balaadhan oo aad u kala fog oo ka soo bilaawda Kilinka Shanaad ilaa Jubbada
hoose.
Qowmiyadda Shiikhaaleed ee degan degaanadaas
balaadhan aan kor ku soo sheegay,waxay wada degaan Beelo kale ee
Soomaaliyeed,waxaana siyaasad ahaan qabnaa in nabad, walaaltinimo iyo deris
wanaag lagu wada noolaado, loona qaybsado iyadoo mar waliba la tixgelinaayo
sida loogu kala badan yahay Degaanadda la wada degan yahay.
Waxaan ka soo horjeednaa oo diidanahay:
Dagaalada iyo Duulaanka Deegaan qabsiga ah,
sida hadda ka taagan Gobollada Jubbada dhexe, Jubbada Hoose ,iyo Shabeeladda
Hoose, waxaa nasiib darro ah in Shakhsiyaad beesha u dhashay ay heshiis kula
yihiin kooxda xoogga ku haysata Goboladdaas,ayagoo fiirinayaa danahooda
gaarka ah.
Waxaa kale oo aan ka soo horjeednaa in
Deegaanada beesha degto laga sameeyo goobo laga fuliyo baarnaamijyada
Argagaxisada ama Siyaasad liddi ku ah nabadgelyadda Degaanka.
Ururku wuxuu u soo jeedinayaa baaq kama
dambays ah kooxaha xoogga ku jooga Gobollada aan kor ku soo sheegnay in ay si
nabadgelyo ah uga baxaan.
Waxaan u soo jeedinaynaa kana codsanaynaa
Qowmiyadda Shiikhaaleed ee ku nool gudaha iyo dibadaba in aan u wada
howlgalno una hurno naf iyo maalba sidii aan u hanan lahayn degaanadeena aana
u heli lahayn xuquuqda aan ku leenahay Qaranka Soomaaliyeed.
HOGAAMIYAYAASHA URURKA USC/PA
1- C/QAADIR XAAJI MAXAMED(LUGA-DHEERE)_____________
2- MAXAMUUD MAXAMED XUSEEN (SHIIL)_________________
3- SHAAFICI AXMED CALI_______________________________
4- MAXAMED SHEIKH CUSMAAN__________________________
5- BASHIIR MAXAMED AADAN (DHUURA-CASO)_____________
6- XUSEEN BUULLE CALI________________________________
GUDDOOMIYAHA URURKA USC/PA
GUDDOOMIYAHA GUDDIGA SIYAASADDA EE BEESHA
SHIIKHAAL
Md, C/QAADIR XAAJI MAXAMED ( LUGA-DHEERE )
______________________________
<><><>
Waxa uu qoraalkani soo gaarey: abdikarim hussein
abdikarimhussein@hotmail.com
oo jooga Nairbi
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|