SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GANACSIGA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 4, 2004

Suuqyada Lacagaha iyo Siyaabaha ay u Shaqeeyaan

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gävle- Sweden
habdirisak@hotmail.com 

Kolkii lacagaha aduunka la is garabdhigayo, waxaan in badan maqalaa arimo ay ka mid yihiin: Lacagtii Yenka ee jaban intaas ayey dollarka hoos uga dhacday, ama lacagtii euroda intaas ayey tan ingiriiska ka hor martay, IWM. Balse weli ma isweydiisey siyaabaha ay u shaqeeyaan suuqyada lacagaha lagu kala bedesho.Wax xiriir ah miyaase ka dhexeeya suuqan iyo kan badeecadaha caadiga ah lagu kala iibsado? Inta aynaan ka hadlin suuqa lacagta iyo sida uu u shaqeeyo, waxaan wax yar ka taataaban doonaa siyaabaha ay u shaqeeyaan suuqyada badeecadaha caadiga ah. Taasi waxaa ay inoo sahli doontaa inaan si wacan u fahamno dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan suuqyada lacaguhu.

                  Suuqa badeecadaha

Suuqa badeecadaha waxaa loola jeedaa dhamaan suuqyada lagu kala iibsado alaabaha kala duwan. Alaabahaas waxaa ka mid ah baabuurta, computerada, raashinka, alaabta dhismaha iyo kuwo kale oo badan. Qiimaha lagu kala iibsado alaabahaas kala duwan, waxaa ay ku xiran tahay laba arimood oo aad muhiim u ah. a) Cadadka alaabada suuqa la keenay inta ay leègtahay.
b) Dadka diyaarka u ah iney alaabadaas iibsadaan inta ay leègyihiin.

Si aan arintan si wanaagsan ugu fahamno, waxaan tusaale u qaadaneynaa suuqa computerada dadku isticmaalaan.( PC market). Haddii computeradaas suuqa ooda looga soo qaado( laga soo buuxiyo), balse dadka diyaarka u ah iney iibsadaan ay aad u yar yihiin. Kolkaas waxaa dhacaya in la waayo dad iibsada computeradii, taasina ay dhaliso in qiimihii computeradaas ay hoos u dhacaan.  Arintan waxaa jira shuruud muhiim ah oo ay ku xiran tahay, taasoo ah in suuqu yahay mid xor ah.

Suuq xor ah waxaa loola jeedaa in aan dowladu shaqo ku lahayn dhaqdhaqaaqa suuqa. Balse sheyga keliya ee suuqa saameyn ku yeelan karaa uu yahay alaabada la keeno iyo baahida loo qabaa inta ay leègtahay.( Supply and demand mechanism). Haddii xaaladdu ay dhinaca kale tahay oo ay computeradu yar yihiin, baahiduna badan tahay, waxaa dhacaya in qiimihii computerada ay kor u kacaan. Haddii computerada suuqa la keenay iyo dadka baahida u qabaa ay is leèg yhiina waxaa dhaceysa in aan qiimihii computerada  wax isbedel ah oo weyni aanu ku dhicin. Mar haddaad fahamtey sida uu u shaqeeyo suuqan badeecaduhu waxaa aad u sahlanaan doonta inaad fahamto sida uu u shaqeeyo suuqa lacagaha. Farqiga kaliya ee u dhexeeyaa waxaa weeyaan iyadoo suuqaan lagu kala iibsanayo lacag halkii kii hore la kala gadanaayey computer.

Suuqa lacagaha

Suuqa lacaguhu waa mid run ahaantii aad u weyn, walow uu badanaaba yahay suuq dahsoon oo aan u muuqan sida suuqii kale ee aan kor kaga soo hadalay. Arinta ay labadan suuq iskaga mid yihiin waxaa weeyaan, in qiimaha sheyga la kala iibsanayo ay ku xiran tahay, hadba baahida loo qabo iyo cadadka suuqa yaali inta ay leèg yihiin. Bal aan mar kale qaadano tusaalihii aan kor ku soo sharaxnay, kolkaan sheyga la kala iibsanayaa waa dollarka mareykanka halka uu tusaalihii hore ahaa computerka. Haddii dollar badan suuqa la soo geliyo balse dadka doonayaa ay yar yihiin, waxaa dhacaysa in qiimihii dollarku uu hoos u dhaco. Baahida loo qabo dollarka waxaa ay ku xiran tahay waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin: Badeecadaha uu mareykanku soo saaro sida looga doonayo dunida kale, dadka dalxiiska ku imanaya mareykanka, iyo weliba maalgelinta lagu sameeyo suuqyada saamiyada ee wadanka mareykanka. Dhinaca kale haddii dadka dollarka doonayaa ay aad u badan yihiin,waxaa ay noqoneysaa in qiimaha dollarku uu aad kor ugu kaco.

Arrimahaas aan kor ku soo sheegnay ayaa badanaaba keena in lacagaha aduunku ay yeeshaan qiime ( price) kala duwan. Sheyga ugu muhiimsan ee qoraalkan laga faaìidi karaa waxaa weeyaan inad fahamto in suuqa lacagtu u shaqeeyo si la mid ah kan badeecada. Waxaa jira dariiqooyin xisaabeed  iyo weliba garafyo arintan lagu sharixi karo. Balse waa ku adag tahay inuu fahmo qof aan dhaqaalaha ama suuqyada lacagugu sida ay u shaqeeyan aqoon. Sidaas darteed intaas ayaan ku soo koobayaa qormadan. Qofkii wax suàalo ah qaba ama doonaya in si dheeraad ah oo qoto dheer wax loogu faahfaahiyo, waxaa uu igala soo xiriiri karaa e-mailkeyga hoos ku xusan.

MAHADSANIDIN

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gävle- Sweden
habdirisak@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2004

. Dhaqaalaha»Maxaa muhiim u ah sameynta shirkad ganacsi? 3aad
. Dhaqaalaha: Maxaa Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi?
2aad
. Dhaqaalaha: Waxyaalo Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi
1aad
»AAYAHA DAMBEE JIRITAANKA AF SOOMAALIGA
»Ganacsiga iyo islaamka/Somalia ( Dr.Taqi) [Qaybtii 3aad]
»MA-OGTAHAY CIDDII UGU HOREYSEY EE....
»Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga  [Abdimahdi]
»Gabaygii Wuu Dhintay! [Daraasadii Ibrahim Y.]
»Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay? [C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY? [Boqor]
»Qaabka aad maal gallinta u samayn karto [Luqmaan]
. Taariikhdii Imaamul Bukhaari (Raximahu laah)
»Taariikh-dii Imaamul Muslim (Raximahu laah)
. Diinta: Qisadii Nabi Yuusuf (CS)
CAAFIMAADKA: JABTADA | AIDS | CHOLERA | SOKOROW

SAYNIS: DHARKII MUSTAQBALKA [C/Fataax]
SHEEKO:
Inaad isoo booqato ayaan rabaa.. [Hasani]


Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD