SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 4, 2004

Dalladda ASOJ oo Saxaafadda Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka hadlaan Xadgudubyadda Qatarta Xambarsan ee shacabkoodda lagu hayo 14ka sano.

Saxaafiyiinta Isu taga ASOJ ayaa saxaafadda Soomaaliyeed ugu baaqday inaysan indhaha ka laaban Xadgudubyadda Qatarta Xambaarsan ee Shacabka Soomaaliyeed Lagu hayo 14ka sano.

Saxaafiyiinta isu Taga ASOJ waxaa ay Saxaafadda ugu baaqeen inay ka hadlaan Xadgudubyadda Maraakiibta Shisheeyaha ee sidda joogtadda ah uga socdo badda Soomaaliya.

Sunta ku duugan Somaaliya... Cilmi Baaris

Dalladda Associates of Somali Journalists (ASOJ) waxaa ay si gaar ah u Xustay haraaga Sunta Nugleerka ah ee Maraakiibta Shisheeyaha ay ku Shubeen badaha Soomaaliya taas oo dhibaato baaxadweyn u geeysatay Haweenka Uurka Leh Caruurta da,da yar iyo Qeeyraadka badda Soomaaliya,waxaa kale oo intaas sii dheer dhoowrka kun ee Maraakiibta Shisheeyaha ee sidda Joogtadda ah uga jalaabto Badda Soomaaliya iyagoo aanan la kulmin dowlad la Xisaabtanta ama ka hadasha kheeyraadka ay sharci darradda ku daabulanayaan.

ASOJ waxaa kale oo ay saxaafiyiinta ugu baaqeen Inaysan sax u buun buunin Qaladaadka iyo joowrfalka Hogaamiyayaasha dalka Somaliya ee 14ka Sano caadeeystay inay Caqabad ku Noqdaan shirkasto oo Somali loo qabto ,iyagoo eeganayo danahoodda gaarkaa.

Gudoomiyaha dalladda ASOJ Dahir Abdulle ALasow oo Warsaxaafadeed ka soo Saaray Magaaladda Nairobi ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusan Laheyn Dowlad dhexe oo ilaalisaa Xadgudubyadda aan loo aaba yeelin ee Shacabka Tabaaleeysan loo geeysto sidaas darteedna waxaa Muhiim ah in dhibaatooyinka Ceeynkaas ah ay ka hadashaa Saxaafadda madaxa banaan maxaa yeelay ayuu yiri Gudoomiyaha dal walba waxaa uu ka dhismi karaa dhinaca Saxaafadda.

Saxaafadda waxaa loo baahan yahay inaysan la kala safan hogaamiyayaasha ay isku heeybta yihiin mar hadeey diiwaanka ku qorteen madax banaani ayuu warsaxaafadeedkaasi ku yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir yare oo Saxaafadda Soomaaliyeed ugu Baaqay isku Duubni iyo ka Run sheegidda Arrimaha Soomaaliya.

Xoghaayaha Xafiiska ASOJ ee Nairobi
Max,ed Xersi Kaahiye (Macquul) Nairobi kenya
asoj@hotmail.com
Associated of Somali Journalists
Tell; 254 721 262608

<><><>

Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan



»
MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD