April 3, 2004
WARARKII MAANTA: APRIL 3, 2004
- Maxamed Dheere oo sheegay in duulaan
uu ku soo wajahanyahay,
- Gabdhaha Indho shareerka wata oo
billaabay inay ka Hayaamaan Jawhar,
- Dadwaynaha Muqdisho oo Taakulayn u
fidiyay Agoonta iyo dadka Waalan,
- Dawladda Belgium oo kulan la yeelatay
Jaaliyadaha Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda,
- Maraykanka oo sheegay inay sii
daynayaan Qaar ka mida Maxaabiista Guantanama Bay,
- Telefeshinka Al-Arabia oo Maraykanka
soo xasuusiyay wixii ka qabsaday Somalia,
W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com ,
Garyare@msn.com,
Garyare20@yahoo.com
Maxamed Dheere oo sheegay in duulaan uu ku
soo wajahanyahay,
Hogaamiye kooxeedkii loogu hadal haynta
badnaa Toddobaadyadii la soo dhaafay, Maxamed Cumar Xabeed "Maxamed Dheere"
ayaa mar kale eedayn dusha uga tuuray Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia,
Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, Maamulka Gobalka Shabeeladda Hoose,
Ganacsato Caan ah iyo Jaamacadda Carabta,
Maxamed Dheere oo Warsaxaafadeed ka soo
saaray Jawhar ayaa sheegay in Shiiq Yuusuf Indhacade oo Madax ka ah Gobalka
Shabeeladda Hoose uu abaabulayo Ciidamo ay kala leeyihiin Dawladda Ku Meel
Gaarka ah, Maxkamadaha Islaamiga ah, Ganacsato ay ka mid Yihiin Siciid Coloow
oo madax ka ah Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia, iyo Siciid Nuur
Gariish oo Madax ka ah Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways, Wuxuuna sheegay
in Qaybihii ugu horeeyay ee Tiknikadaasi lagu soo weerarayo oo uu leeyahay
Ganacsade Siciid Coloow ay gaareen Deegaanka Wanlawayn oo uu ka socdo Abaabul
dagaal oo asaga lagu soo weerarayo, Waa sida uu hadalka u dhigayee,
Maxamed Dheere waxa uu sheegay in Kooxahan
isi soo bahaystay oo sida uu sheegay kula coloobay dagaalka uu kula jiro
Argagixisaddu ay taageero dhaqaale ka heleen qaar ka mida dalalka ku jira
Jaamacadda Carabta, Wuxuuna Hogaamiye Kooxeedkan sheegay in dalalkaasi uu C/qaasim
ka dhaadhiciyay in Somalia uu ka billawday dagaal diimeed,
Maxamed Dheere oo ka taliyo Magaaladda
Jawhar iyo deegaanadda u dhaw dhaw ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu
si isdaba joog ah u soo saarayay Warsaxaafadeedyo inta badan uu ku eedaynayo
Hogaamiyayaasha Soomaalida Qaarkood, Waxaana uu noqday ninka loogu hadal
haynta badan yahay Somalia, iyadoo dadka intiisa badana ay la yaaban yihiin
Diblomaasiyadda uu la yimid Maxamed Dheere oo ah hab dhaqan aan horay looga
baran Kooxaha Soomaalida,
Taliyihii Ciidanka Muuse Suudi
oo Lagu
Diley Muqdisho
<><><>
Gabdhaha Indho shareerka wata oo billaabay
inay ka Hayaamaan Jawhar,
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee
xarunta gobalka Sh/hoose ayaa sheegaya in dumarka xirta Indhashareerka ay
halkaasi ka haajirayaan, ka dib markii uu maamulka Maxamed Dheere mamnuucay
in lagu xirto Indhoshareerka deegaanada maamulkiisa uu xukumo, iyadoo
talaabadaasina uu Maxamed Dheere ku sheegay inuu amaanka ku sugayo.
Ilaa markii Maxamed Dheere uu soo saaray
wareegto mamnuucaysa in deegaanada gobolkaasi lagu xirto Indhoshareerka,
waxaa soo Baxaysay in dumarka ay ku culus tahay inay furaan Indhoshareerka,
iyagoo dhinaca kalana aan awoodin inay bixinayaan Ganaac Lacageed oo gaaraya
lix milyan oo shilin Soomaali ah lagana rabo haweenaydii lagu helo iyadoo
xiran indhashareer,
Goobjoogayaal ku sugan Jawhar ayaa u sheegay
Saxaafada in haween badan ay ka haajireen Jawhar kadib markii ay u cuntami
waysay inay u hogaansamaan Go’aanka Maxamed Dheere, Waxaase la sheegay inay
jiraan tiro yar oo haween ah isla markaana u hoggaansamay inay oggolaaadaan
Amarka lagu mamnuucay Indhashareerka,
Go’aanka uu Maxamed Dheere ku mamnuucay
Indhashareerka ayaa ah kii ugu hadal haynta badnaa 14 sanno kadib riditaankii
Maamulkii Maxamed Siyaad ee uu soo saaro Qabqable Dagaal, Waxaana tan iyo
markii ay soo baxay wareegtadaasi isi soo tarayay cabashooyin laga muujinayo,
Iyadoo Culumadda Soomaaliyeed intooda badana ay isku raaceen in Maxamed
Dheere uu diinta uga baxayo Wareegtadda uu ku mamnuucay Indhashareerka iyo
Cimaamadda ay xirtaan Ragga Muslimiinta ah haddii uusan deg deg uga laaban,
Maxamed Dheere
oo mamnuucay Indha Shareerka.
<><><>
Dadwaynaha Muqdisho oo Taakulayn u fidiyay
Agoonta iyo dadka Waalan,
Dadwaynaha Muqdisho ayaa billaabay inay
Taakulayn dhaqaale u fidiyaan Caruurta Agoonta ah ee ay xanaanayn jirtay
Hay’adda Al-Xaramayn iyo dadka Waalan ee Muqdisho ku tabaalaysan,
Dadwaynaha Muqdisho ayaa billaabay inay u
dib u jaleecaan dhibaatadda dadka taagta darran Muqdisho ku haysata, kuwaasoo
14 sanno ka hor la hilmaamay, Waxaana Waddooyinka Waawayn ee Magaaladda
Muqdisho iyo Goobaha ay dadka isugu yimaadaan la dhigay Sanaadiiq Kaalmo
loogu aruurinayo dadka Waalan iyo Agoonta,
Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa iyaguna
door muuqda ka ciyaaray hawlaha loogu gurmanayo Agoonta iyo Dadka Waalan,
Waxaana lagu arkayay maalmihii la soo dhaafay Waddooyinka Waawayn ee Muqdisho
Culumaa,udiin wata Codbaahiyayaal isla markaana bulshadda ku wacyi galinay
inay gacan ka gaystaan Gurmadka loo fidinayo dadka Waalan iyo Agoonta aan
haysan Daryeelka,
Hawlahan Gurmadka ah ayaa ku soo beegmay
xilli markii ugu horaysay Muqdisho laga hirgaliyay Xarun wayn oo ka kooban
labo qaybood oo lagu kala xanaaneeyo dadka Waalan iyo Agoonta,
Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho
<><><>
Dawladda Belgium oo kulan la yeelatay
Jaaliyadaha Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda,
Dowladda Belgium ayaa shalay shir la
qaadatay jaaliyadaha dibadda ee ku nool waddankan oo ay ka mid tahay
jaaliyadda Soomaalida.
Shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen
Jaaliyadaha Ciraaq, Iiraan, Niger, Argentine, Columbia, Armenia, Marooko,
Kosovo, Syria, Chechnia, Rwanda, Congo iyo Somalia ayaa looga hadlayay
dhibaatooyinka dadka soo haajiray ay ku qabaan sharciga, caafimaadka, guryaha
iyo luuqadda, iyadoo Belgium-na sida sharciga ah looga hadlo labo luuqadood,
Dhinaca Dawladda Belgium waxaa kulankaasi uga qayb galay Wasiirka Arrimaha
Gudaha Jacques Dowine, xildhibaanno ka socday xisbiga Social Party iyo wakiil
ka socday Duqa Magaalada Brussels.
Bashiir Xasan Cabdi oo dhinaca Somalia
kulankaasi uga qayb galay ayaa sheegay in Soomaalida ay dhibaatadda ugu wayn
ka haysato dhinaca Luuqadda,
Jaaliyadihii ka qayb galay Kulankaasi Waxa
ay ka cawdeen in sababaha ugu weyn ee hor taagan inay dadka dhex galaan ay
tahay dhibaatooyinka guryaha iyo shaqo helitaanka oo lagu xiro luuqadda.
Dhibaatooyinka ay xuseen waxaa ka mid ah qofka aan sharciga lahayn oon u xaq
u lahayn kaalmada dowladda iyo caafimaadka, taasoo qasab ka dhigtay in qofku
uu raadsado shaqooyin suuqa madow ah,
Madaxdii Ka socotay Dawladda Belgium oo ka
hadlay iyaguna kulankaasi ayaa ballan qaaday in la siinayo Sharci dadka ka
soo haajiray Somalia iyo Kosovo oo aan lahayn meel ay ku noqdaan,
Kulankan oo si heer sare ah loo soo
agaasimay isla markaana ka dhacay Degmadda Molembeek ee Caasimadda Brussels
oo ka mida degmooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin ayaa intii uu socday
waxaa lagu soo bandhigay Filim ka tarjumaya Dhibaatooyinka ay qabaan dadka
Qaxootiga ah, Sida uu soo sheegayo Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah Suxufi
Soomaaliyeed oo degan Brussels,
AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER
SAARAN!
<><><>
Telefeshinka Al-Arabia oo Maraykanka soo
xasuusiyay wixii ka qabsaday Somalia,
Telefeshinka Sattelite-ka ah ee Al-Carabiya
ayaa dib u soo xusuusiyay Shacabka Maraykanka dhacdo xanuun leh oo Sannadkii
1993-dii ka dhacday Muqdisho,
Telefeshinka Al-Carabiya oo ka mida
Telefeshinadda Carbeed ee sida wayn loo daawado ayaa soo bandhigay dhacdadii
3 October ka dhacday Muqdisho, kadib markii ay dagaal Qaraar Bartamaha
Muqdisho Maalin cad isaga hor yimaadeen Taageerayaashii Janaraal Maxamed
Faarax Caydiid iyo Ciidamadda Maraykanka ee Rangers-ka,
Dagaalkan oo socday Hal Maalin ayaa sababay
in la dilo qaar ka mida Askarta Maraykanka isla markaana la soo rido
Diyaarado Helikobtaro ah oo ay askartaasi isticmaalayeen,
Telefeshinka Al-Carabiya ayaa laga daawaday
11 sanno kadib dhacdadaasi oo keentay in maydadka Askar Maraykan ah lagu
jiido Waddooyinka Muqdisho, iyadoo ugu dambayntiina ay Maydadkaasi dab
qabadsiiyeen Taageerayaashii Caydiid,
Soo bandhigidda dhacdadan ee Telefeshinka
Al-Arabia ayaa ku soo beegantay wax yar kadib markii afar qof oo Maraykan ah
lagu dilay Magaaladda Fuluuja ee dalka Ciraaq, Waxaana maydadka dadkaasi lagu
jiiday Waddooyinka Waawayn ee magaaladaas, iyadoo ugu dambayntiina la suray
Hilbaha afartaasi qof Buundo wayn oo ku taala Fuluuja,
WARGEYSYADUA
CAALAMKU MAXAY KA QOREEN SOMALIA
<><><>
Maraykanka oo sheegay inay sii daynayaan
Qaar ka mida Maxaabiista Guantanama Bay,
Maraykanka ayaa sheegay inay sii daynayaan
illaa iyo shan iyo toban qof oo ka mida Maxaabiista ku xiran Saldhiga ay
Ciidamadda Maraykanku ku leeyihiin Gacanka Guantanama Bay ee Dalka Kuuba,
Dadkan la sii daynayo ayaa la sheegay in
badankood ay u dhasheen dalalka Jordan, Ciraaq, Suudaan, iyo kuwo kale,
waxaana la sheegay in sii daynta dadkan ay timid kadib markii lagu waayay wax
dambi ah,
Maxaabiistan la sii daynayo waxay qayb ka
ahaayeen dagaal yahanaddii carbeed ee uu maraykanku ku soo qabtay dagaalkii
uu ku qaaday Afghanistan dabayaaqadii 2001-da, goortaasoo ay ka taqulaseen
Nidaamkii Islaamiga ah ee dalkaasi ka talinayay,
Ma ahan markii ugu horaysay ee Maxaabiis
laga sii daayo Guantanama Bay, iyadoo dhawaana la sii daayay shan qof oo
Ingiriis ah, Laakiin waxaa isa soo taraya qayla dhaanta laga keenayo Nolosha
Xabsiga Guantanama Bay oo ay Maxaabiista laga soo daayo qaarkood ku
tilmaameeen inay tahay goob si arxan darro ah loola dhaqmo dadka ku xiran,
<><><>
Maamulka Bush oo eedayn u jeediyay Shirkado
uu sheegay inay farsamadda Hubka Nugliyeerka u gudbiyaan Iiraan,
Maraykanka ayaa sheegay inay ugaarsan
doonaan Shirkaddo ay ku eedeeyeen inay farsamadda Hubka Nugliyeerka u
gudbiyeeen Iiraan,
Maraykanku waxa uu ku hanjabay inuu xayiraad
ku soo rogi doono shirkadaha lagu helo inay u gudbinayeen Iiraan
Tiknoolajiyadda Samaysashadda Hubka Nugliyeerka, Waxaana hadalkan lagu
sheegay inuu socdo dabagal la doonayo in lagu xaqiijiyo doorka qaar ka mida
shirkadaha caalamku ay ka ciyaaraan faafinta farsamooyinka Nugliyeerka,
Hadalkan ayaa la sheegay inuu si gaar ah
saamayn ugu yeelan karo qaar ka mida Shirkadaha Ruushka oo la aaminsan yahay
inay yihin kuwo ugu badan ee kala gudbiyo Farsamooyinka Nugliyeerka,
Maamulayaasha Mosco ayaa horay u sheegay
inay ka caawinayaan Iiraan Samaysashadda Nugliyeerka sida Nabadgalyadda leh
loo isticmaali karo,
<><><><><>
Qaamuus Af soomaali ah oo lagu soo bandhigay
Jabuuti,
Jaamacadda Dalka Jabuuti ayaa dhawaan lagu
soo bandhigay Qaamuus cusub oo Afsoomaali ah oo uu Qoray Saalax Xaashi Carab
oo ah Aqoonyahan iyo Hal Abuure Soomaaliyeed.
Qaamuuskan oo ka kooban 40,000 oo eray iyo
600 oo sawiro Naqshadaysan ah ayaa nuqul ka mida oo la soo gaarsiiyay qaar ka
mid ah Warbaahinta waxaa ka muuqatay inuu u diyaarsan yahay Buugaasi hanaan
casri ah oo la jaan qaadi kara Hababka loo qoro Qaamuusyadda Caalamiga ah,
Qoraaga Buugaasi Saalax Xaashi Carab ayaa
sheegay in diyaarinta buugan ay ku qaadatay 8 sanno, Wuxuuna sheegay in
Qaamuskan cusub uu ku yimid daraaseed dheer oo uu ka soo billaabay Koonfurta
Somalia kuna soo gabagaveeyay Jabuuti,
Soo saarista Qaamuuskan ayaa waxaa gacan ka
gaysatay Xarunta Cilmi Baarista Luuqadaha ee Jabuuti,
W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com ,
Garyare@msn.com ,
Garyare20@yahoo.com ,
###
<><><>
Marxuum Cali Axmed Max'ed "Beereey"
INAA LILLAAHI WA'INAA ILEYHI RAAJICUUN
Anaga
oo isugu jirna qeybaha bulshada Soomaaliyeed, kana kooban Siyaasiyiin,
Aqoonyahano, Waxgarad iyo Haween waxaan halkan Tacsi uga direynaa dhamaan
Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo ehelladaii uu ka geeriyooday
Marxuum Cali Axmed Max'ed "Beereey" oo ahaa kusimaha Guddoomiyaha Ururka
USC/SSA ahna Guddoomiyaha Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed oo ku
geeriyooday maantana lagu aasay magaalada Muqdisho Naxariistii janno Allaha
siiyo.
1- Dr. Hussein Haji Bood
2- Dr. Hussein Ali Ahmed
3- Dr. Muse Ali Omar
4- Md. Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
5- Md. Ali Moh'ed Adow "Ali Jarmal"
6- Md. Shiikha Muudey Gacal
7- Drsa. Habiba Hagi Gacal
8- Mrs. Baarliin Moh'ud Adawe
9- Drsa. Suldano Moh'ud Adow
10. Hassan Moh'ed Ali "Hassan Diritoor"
Aamiin.
Tacsidan Kala xiriir: C/casiis Cali Ibrahim
xildhiban@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com April 3, 2004
WARARKII SHALAY
Dagaal ka Dhacay
Baladwayne: April 2
.DKMG oo ku hanjabtay inay tallaabi ka qaadi doonto SL
.Dadaalo la doonayo in lagu bad baadiyo Shirka Kenya oo socda
.MGPL oo ay hareeysay Dood dhinaca Sharciga
.Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo u xuub siibanay Maamul Gobaleed
.Somalia: dal dhinac ka bur bursan dhinacna Caalamka kula tartamaya
.Yuweeri Musafini: Masar waxay isku koobtay ka faa’iidaysiga Niil
Ka akhri halkan... April 2
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|