SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEDO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 2, 2004
Baaq taageero iyo bogaadin ah oo uu soo saaray Golaha Midowga reer Gedo (United Gedo People’s Council) oo ku wajahan maamulka cusub ee Ururka SNF (Somali National Front) oo dhawaan looga dhawaaqay Gal-gaduud.

Anaga oo ku hadleyna magaca Golaha uu magaciisu kor ku xusan yahay ee isbeddel doonka, nabad doonka iyo horumar doonka ah  oo ay ku middoobeen indheer garadka reer Gedo ee ku nool debadda ayaa waxaan si buuxda u taageereynaa isla markaana hambalyo u diraynaa ururka siyaasadeed ee SNF Galgaduud oo looga dhuwaaqay Gobolka Galgaduud.

Talaabadan waa mid horey loo qaaday oo ku dayasho mudan saldhigna u noqon karta xal u helida maamul la’aanta, horumar la’aanta iyo dagaalada sokeeye  ee naafeeyay dadka ku dhaqan gobolkan. Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa shaqsiyaadkii isku soo dubariday, ka soo shaqeeyay, waqtiga geliyay, fekerka iyo maskaxdii curisayna lahaa isla markaana taaba geliyay hergelintiisa, maxaa yeelay ummaddii laga waayaa indheer garad iyo  qolooc tilmaameyaal  calaamad su’aal ayaa saaran mustaqbalkeeda iyo jiritaankeeda? Waxaan idinka rejeynayaa inaad dhaliisha u qaadataan sixitaan.

Walaleyaal, dagaalka ehliga ah wuxuu leeyay labo calaamadood oo aan midna la soo celin Karin:

 1.    Qodobka koowaad waa dadka ku dhinta dagaalada

2.     Iyo qodobka labaad oo ah, ku talaxtaga iyo xaalufinta deegaanka.  Sidaa darted,  waxaan idinka codsanaynaa inaad nabadda siisaan waqti ku filan si ay u qaan gaarto isla markaana qorshehiina dhaw aad ku salaysaan sidii heshiis nabadeed aad kula geli laheydeen beelaha deriskiina ah, maxaa yeelay meel aan nabadi ka jirin waxay la mid tahay meel aan biyo ka jirin, meel aan biyo ka jirina nolol kama jiri karto.

Waxaan idiin rejeynaynaa in maamulkkaan cusub uu noqdo mid wax ka beddela xaladda uu gobolka haatan ku sugun yahay haddii ay ahaan laheyd xagga siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

1. Ali Malaaq Ahmed, Guddoomiye, (United Gedo People’s Council)

2. Aadan Ahmed Colujoog, G/k xigeen arrimaha debedda.

3. Abdulaahi Mohamed Hassan (dhafoor) G/k xigeen arrimaha gudaha

4. Cumar Haashi, Xoghayaha

SOURCE: Allgedo Online...

<><><>

 WARARKA BOOSAASO... GUJI..

WARARKA HARGEYSA.. GUJI..

 Kulaabo bogga hore ee: www.SomaliTalk.com

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...



Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD