SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 29, 2004

Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille ayaa maanta (28/4/4) Siminaar ugu qabatay Hotelka Naaso Hablood ee Magalada Muqdisho 69 ka mid ah Macamiisheeda kaasoo lagu baranayo wax qabadka Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille.

Siminaarkan oo ahaa mid ay soo qaban qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Somalia Telsom Mobille ayaa waxaa Goob joog halkaasi ku ahaa Dhamaan Macaamiishii lagu Casumay iyo Xubno Sar Sare oo ka tirsan Maamulka Telcom Somalia Telsom Mobille.

Siminaarkan oo Bilowday Subaxnimadii maanta ayaa waxaa uu ahaa mid laga faa,iidaystay waxyaabo badan oo la xiriira Isticmaalida wax yabaha ay qabato Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille iyo gabi ahaanba isgaarsiinta dalka iyo dibada ka jirta sida ay u sheqeeyaan.

waxaa halkaasi ka hadlay Madax Sar Sare oo ka tirsan Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille oo sharaxaad ka bixiyay Shirkadda xilikii la aasaasay ilaa iyo hada wax yabihii kala duwana ay qabatay una qabatay dadkeeda iyo Dadkeeda ay dhibatada haysato,waana mida ugu muhiimsana ee Siminaarkaasi loo soo qaban qaabiyay.

Macalimiintii Siminaarkaasi casharada ka bixinaysay waxaa ay gabi ahaanba ahaayeen kuwo ka Tirsan shaqaalaha Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille oo ahaa kuwo ka warbixinayay sida loo isticmaalo isgaarsiinta ay bixiso Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille.

C/laahi Maxamed Xuseen oo ah Xubin Sare oo ka tirsan Maamulka Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille isla markaasina wax ka bixinayay Casharada Siminaarkaasi ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka Isgaarsiinta Dalka uu soo maray Bilow ilaa Xilagan aynu taagan nahay oo run ahaantii dalka uu ku tilaabsaday Hormar dhinaca isgaarsiinta ah,C/laahi Maxamed Xuseen oo halkaasi ka hadlay waxa uu yiri"waxaan ognahay xiliyadii kala duwanaa oo ay so martay isgaarsiinta Dalka Somaliya hadii ay ahaan lahayd xiligii ay Gacanta ugu jirtay Dowladii hore iyo xiliyo aysanba somaliya lahayd oo laga waayay wax isgaarsiin ah oo ahayd intii u dhaxeysay 1991-1993,laakiin waxaa maanta farxad ah oo hormar ah in dalka ay ka jirto hormar dhinaca isgarsiinta,waxaad taasi ka dareemi kartaan wax qabadka Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille oo maanta halkan siminaarka idiinku qabanaysa kasoo lagu baranayo Aalada Isgaarsiinta ee uu iminka dunida ku tilaabsaday" Sidaana waxa yiri C/laahi Maxamed Xuseen oo ku dheeraaday faalada isgaarsiinta Dalka Somalia bilow ilaa iyo dhamaad.

C/laahi Maxamed Xuseen waxa uu sidoo kale sheegay inay ku tala jiran inay qabtaan Siminaaro bilkasto kaasoo uu sheegay in ay uga gonleeyihiin sidii ay Sara ugu qaadi lahaayeen aqoonta Macaamiisha Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille .

Ing.Abdilatiif ayaa waxaa uu ka mid aha Macalimiintii halkaasi Casharada ka bixinaysay,waxana uu sharaxayay faa,iidada Internetka uu u leeyahay hormarka bulshada meel kuwada nool qeybaheeda kala duwan.

Ing.Abdilatiif waxaa uu intabadan ka hadlaayay Dhinaca Website ka ay leedahay Shirkadda Isgaasiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille,isagoo sheegay in uu kuu fududeyn doono shaqo kasta oo aad uga baahan tahay Telcom Somalia Telsom Mobille adiga oo jooga Xafiiskaga,Gurikaaga,iyo meelkasta oo aad dunida ka joogto.

Ing.Abdilatiif waxaa uu sheegay in Somalida aysan fahansaneen Faa,iidada Website ka uu ku dheh leeyahay Bushada,hadaba mar uu ka hadlayay Ing,Abdilatiif arimahasi waxaa uu yiri Website ka waa Aalad aad looga jecel yahay Dunida inteeda kale laakiin Somalida wali ma fahmin waxa uu yahay, laakiin si kasta oo ay tahay Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille ayaa waxaa ay ku guuleysatay inay sameysato Website uu ku idilyahay wax qabadka Shirkadda Telcom Somalia Telsom Mobille,waxaana taasi dareemi kara cidii booqata Websitekeena ee Ciwaankiisu uu yahay www.telcomsomalia.com,waxaana sidoo kale diyar u nahay in aan sii hormarino kaasina waxaa uu ahaa Ing,Abdilatiif oo maanta Hotel Naaso Hablood ka bixinayay Cashar ku saabsan Wax qabadka Website ka.

Dhinaca kale waxa halkaasi Casharo ka bixiyay C/laahi Ciise Cali iyo Ing,Maxamed Cabdinuur (Maxamed Yare) Casharadaas oo ahaa Isticmaalida Teleefoonada iyo Fax ka,iyadoo Casharadasi ay ahaayeen kuwii ugu dheeraa ee halkaasi maanta lagu qaatay.

C/laahi Ciise Cali oo ahaa Macalinkii sharxayay Casharka Teleefoonada waxaa sigoo hadlayaa waxaa uu yiri Casharkan waxan ugu danleenahay sidii ay macaamiisheena u fahmi lahaayeen waxa ay naga isticmaalaan,hadii ay fahman manta Casharkan waxaa dhaceysa in dadka ay Qabsadaan wax yaabaha Daruuriga ah ee uga xayirmi jiray inay tagaan Shirkadda xarunta ugu dhaw,taasina wa mida keentay in aan manta halkan ku bixino Casharadaan kaasina waxaa uu ahaa C/laahi Ciise Cali oo Cashar dhinaca taleefoonka ka bixinayay.

Ing,Maxamed Cabdinuur (Maxamed Yare) ayaa haa Macalinka bixinayay Casharka ku saabsan isticmalida iyo Barashada nuucyada ay u kala qeyb samaan ayaa waxaa uu shegay in dadka ay iminka wax badan ka fahmeen Siminarka ay soo Qaban qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille uuna yahay mid ku dayasho mudan,

Ugu danbeyntii Siminaarkaasi ayaa waxaa shahaado lagu gudoonsiiyay Macaamiisha Shirkadda Isgaarsiinta ee Telcom Somalia Telsom Mobille iyo qaarka mid ah Warbahinta Dalka iyo Dibada,waxaana lagu cadeeynayay inay ka qeyb qaateen Siminar hal maalin ah oo ay soo Qaban qaabisay Shirkadda Wayn ee Telcom Somalia Telsom Mobille

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay shirkaddan ay macaamiisheeda u qabato waxyaabo lagu dhiiri gelinayo,bilowgii sanadkan ayay ahayd markii ay soo qaban qabisay Barnaamij loogu Magacdaray Nadiifi Biilkaaga oo Tijaabi Nasiibkaaga kaasoo lagu helayay Alaabo aad muhiin u ahaa oo ay ku jireen Gaari yar iyo tecket go and back ah,Mobille iyo kuwo kale oo aan halkan kusoo goobi Karin.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD