SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 27, 2004

WARARKII MAANTA:

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com 

MAGACYADA DAD SOOMAALI AH OO LAGU XIR XIRAY XUDUUDA LIBYA.

waxaa shalay subax lagu qabtay magaalada Kufra ee ku taala xadka libya ee suudaan Soomaali tahriibayaal ah oo doonayey in ay si sharcidaro ku galaan dalka Libya.

Dadkaasi soomaalida ah ayaa waxaa ay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku jireen socdaal ay ku dhexmarayeen saxaraha Suudaan iyo Libya iyagoo baabuur kaga safray dalka suudaan sida uu soo sheegay wariyaha shabele times ee dalka Suudaan Jacfar Kuukaay.  

Dadkaan soomaalida ayaa waxaa shalay gacanta ku dhigay ciidanka ilaalada amaanka ee dalka libya iyagoo isku dayey in ay ka xadka usii dhaafaan dhinaca dalka libya.

Dadkaasi la xiray ayaa waxaa inoo suurto gashay in aan magacyadooda helno waxaana ay kala yihiin: -

  • 1-C/fataax Faarax Cali
  • 2-Qadra xaaji Maxamed
  • 3-Cali Cabdi JImcaale
  • 4-Ubax Maxamed Jeelle
  • 5-Salaad Maxamuud Gaaboow
  • 6-Fartuun Ciise
  • 7-Maxamed Calasoow Cali
  • 8-Ruqiyo Maxamed Xaashi
  • 9-Cumar Faarax Nuur
  • 10-Sahra Maxamed xirsi
  • 11-C/laahi Warsame
  • 12-Dahabo Axmed
  • 13-Axmed siciid
  • 14-Nimco Cumar Maxamed
  • 15-Cabdalle Carab
  • 16-Xasan cabdi Muuse
  • 17-Faadumo Axmed

Waxaana qab qabashadda dadkan ay timid wax yar kadib markii Soomaali Tahriibayaal ah oo laga keenay Libya lagu soo celiyay Somalia, Iyadoo qaarkoodna ay ku soo naafoobeen Jirdil ay u gaysteen Ciidamadda Libya.

<><><> 

Boqollaal qof oo asalkoodu Ethiopian yihiin ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhibaataysan yihiin xeebta halka loo yaqanno Durduri oo u dhow Laas Qaray, kadib markii ay ka dhuunteen Kooxo Muqalasiin ah oo halkaasi u keenay inay uga Tahriibayaan Yemen.

Dadkan oo Safar Dhinaca Dhulka ah ku yimid Laas Qoray ayaa laga keenay Ethiopia waxaana la Soo Marsiiyay Magaaladda Burco, sida lagu sheegay Warbixin ay soo saartay Hay’ad la yiraahdo Horn Relief.

Faadumo Jaamac Jibriil oo ka tirsan Hay’adaasi isla markaana booqatay dadkaasi Ethiopian-ka ayaa sheegtay iney indheheeda ku soo aragtay dhibaatadda dadkaasi haysata, waxanay sheegtay iney dadkaasi isugu jireen kuwo da’ ah iyo dhallinyaro intaba.

Dadkaasi ayaa Faadumo Jibriil u sheegay iney halkaasi u tageen si looga tahriibiyo. Laakiin waxay sheegeen in Mukhalisiintii Keenay deegaankaasi ay ka dhuuntee, Waxayna sheegeen inay soo iibiyeen Beerahoodii iyo Guryahoodii kadib markii loo sheegay in loo Tahriibanayo Yemen, halkaasoo ay uga sii gudbi Lahaayeen Boqortooyadda Sucuudi Carabiya.

Faadumo Jibriil, waxay sheegtay inay dadkaasi aad u dac daraysan yihiin oo ay la soo deristay Dhibaato dhinaca Nolosha ah, Waxayna sheegtay in haddii aysan helin dadkaasi Gurmad Bini’aadanimo oo deg deg ah ay suuragal tahay inay dhibaataddu inta hadda ay le’egtahay ay ka sii baaxad waynaato.

Ethiopia oo ka mida Dalalka Saboolka ah ee Dunida Saddexaad ayaaa waxay Muwaadiniinteedu isku dayaan inay u tahriibaan Wadamada Horumarsan, taasoo keenta inay mar kasta u bareeraan Qatar laga yaabo in mararka qaarkood ay sababto inay ku idlaato Noloshoodu.

<><><>

Cudurka Daacuun Caloolaha oo Maalmihii la soo dhaafay Si xawliya ugu Faafayay Muqdisho ayaa imminka waxaa la xaqiijiyay inuu hoos u dhac ku yimid Tiradda Bukaanadda uu soo ritay Cudurkaasi,

Agaasime Ku Xigeenka Isbitaalka Xayaat ee Magaaladda Muqdisho, C/Samad Abiikar ayaa sheegay in Isbuucan uu hoos u dhacay Xawligii uu Cudurka ku socday, Wuxuuna sheegay in Isitaalkooda Usbuucan oo dhan la jiifiyay 31 qof taasoo muujinaysa inay yaraadeen Bukaanadda Cudurku uu haleelay,

Dr C/samad waxa uu ku macneeyay sababta keentay inuu hoos u dhac ku yimaado Xawligii uu ku socday Cudurka iyadoo ay dadku fahmeen Waxyaabaha Keena Daacuunka oo ah Nadaafad Xumadda, Wuxuuna sheegay in ka dhaqaatiir ahaan ay ku guulaysteen inay ka dhaadhiciyaan Bulshadda Soomaaliyeed inay feejignaan Dheeriya ka muujiyaan ka hortagga Cudurkan,

Dr C/samad waxa uu sidoo kale sheegay in Isbitaalkooda ay Maalin kasta ka bixin jireen Casharo ku aadan Nadaafadda iyo Siyaabaha uu ku faafo Cudurka Daacuunka, Wuxuuna sheegay in ugu dambayntii ay ku guulaysteen inay ku qanacdo Hooyo Kasta inay ugu yaraan kar kariso Biyaha ay siinayo Caruurteeda,

Cudurka Daacuun Caloolaha oo Sannad kasta xilliga uu Billawga yahay Roobku ka dillaaca Somalia ayaa sababa Dhimashadda Boqolaal dhalaan Soomaaliyeeed oo aan helin Daryeelkii Caafimaad ee ay xaqa u lahaayeen, Iyadoo Qoysaskooduna aysan dhaqaalo ahaan awoodin inay ka taxadaraan Caafimaadkooda 

<><><>

3 Qof ayaa lagu soo waramayaa inay Gaajo iyo Haraad ugu dhinteen deegaano ku dhaw dhaw Magaaladda Garoowe ee Caasimadda u ah Maamul Gobaleedka Punt Land.

Duqa degmada Garoowe, Daahir Cali Ciise oo La hadlay Warbaahinta Punt Land ayaa sheegay in meel 90km koonfurta kaga aaddan magaalada Garoowe ay ku dhinteen 3 qof oo laba ka mid ahi ay dumar yihiin. Wuxuuna dhibaatadda dadkaasi soo wajahday sheegay inay qayb ka tahay Abaaraha ka jira Deegaanadaasi oo sababay Biyo La’aan.

Daahir waxa uu sheegay in dadku iyaga oo awalba ay Abaartu saamaysay ay haddana dhibaataddu ka sii dartay markii Roob yar oo da’ay ay u soo naq raaceen, taasina ay keentay inay u la’adaan Kulaylkii darnaa ee jiray oo ay u wehlisay Biyo iyo Maciishad la’aan, Wuxuuna sheegay inay jiraan dad kale oo iyaguna halis ugu jira inay u dhintaan Oon iyo Gaajo, sidaas darteedna waxa uu ku baaqay Daahir in Gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi si looga hortaggo in inta ka hartay dadkaasi ay u la’adaan Oon iyo Gaajo.

 <><><> 

Ganacsatadda Gobalka Banaadir ayaa Markii ugu horaysay Ballan qaaday inay Miisaaniyad Dhaqaale u qoondayn doonaan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Ciidamadda Madaniga ee Gobalka Banaadir,

Shir ay shalay ku yeesheen Hoteelka Ramadaan ee Magaaladda Muqdisho Ganacsatadda Gobalka Banaadir ayeey iskula garteen in la sameeyo Santuuq dhaqaale oo ay Ganacsataddu ku taageerayaan Hawlaha lagu sugayo Ammaanka gobalka Banaadir, Waxayna ballan qaadeen inay bixin doonaan Bil kasta Qayb ka midaMiisaaniyadda dhaqaale ee ay ku hawlgalaan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Ciidamadda Madaniga oo inta badan ay wada shaqaynu ka dhaxayso,

Ganacsataddu waxay sheegeen in dhaqaalaha ay bixinayaan ay gacanta u galin doonaan Dallada Culumadda Soomaaliyeed oo iyaduna gaarsiin Doonta Kaalmadaasi dhaqaale Maxaakiimta Islaamiga ah, Waxaana ay ka codsadeen Maxkamadaha Islaamiga ah inay samaystaan Hogaan mid ah oo suuragalin kara inay sahlanaato Hanaan lagula shaqayn Karo Maxkamadaha Islaamka,

Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa tan iyo markii ay ka hawl billaabeen Muqdisho waxay wax wayn ka qabteen Ammaanka Caasimadda, Waxaana inta badan ay Gacan ka helaan Ciidamadda Madaniga ee ay samaysteen Xaafadaha Muqdisho,

<><><>

<><><>

Isbahaysiga la baxay Golaha Abaabul Qarameedka ee Saldhigiisu yahay Jawhar ayaa sheegay inay dhawaan Billaabi doonaan soo daad guraynta Ergadda Soomaalida ah ee ku sugan Kenya si ay uga qayb qaataan Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida oo ay kol hore ku baaqeen in lagu qabto Gudaha Somalia.

Maxamuud Sayid Aadan oo Madax u ah Guddi uu Isbahaysigaasi u magacaabay Qaban qaabadda Wajiga Saddexaad ee Shirka ayaa ka sheegay Jawhar inay illaa iyo hadda diiwaan galiyeen 237 Ergo ah kuwaasoo sida uu sheegay diyaar u ah inay Jawhar u yimaadaan Maslaxadda Somalia, Wuxuuna sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha Badan ergooyinkaasi ku keeni doonaan Gudaha Somalia.

Golaha Abaabul Qarameedka ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Dheere waxay dhawaan cambaareeyeen Go’aankii uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Stephan Kolonzo Mosiyooko oo ay ku sheegeen inuu yahay mid maskaxdiisa ay ka dambeeyaan Madaxda Dawladii Lagu soo dhisay Carta ee Soomaaliyeed, Waxaana ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaadhicinayeen Ganacsatadda Taageersan inay bixiyaan Dhaqaalihii lagu socod siin lahaa shir lagu qabto Gudaha Somalia. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD