Labo Maleeshiyo oo ka wada Tirsan Beesha Biyomaal oo isku
Horfadhiya Deg.JamaameWararka naga soo gaaraya
Degmada Jammaamde ee Gobalka jubada hoose ayaa sheegayaa in ay isku
horfadhiyaan labo maleeshiyo oo isla degaanka ah kana wada tirsan Beesha
Biyo maal kuwaasoo isku haysta gacan ku haynta maamulka Degmada iyo waliba
hub tikniko ah oo qolo waliba rabto inay iyadu maamusho,waxaana maanta
magaalada laga maqlayay dhawaaqa xabadaha la isku ridayo.
Ilaa iyo hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay isku dhaca
labada maleeshiyo,balse wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in waxgarad
iyo odayaal ka tirsan beesha biyo maal ay ukala dabqaadayaan maleeshiyada
is hurfadhida,waxaana si caadiya ushaqaynayaa isgaarsiinta lagula xiriiri
jiray degmadda Jammaame,howlihii ganacsiguna ay sidoodii usocdaan walow dad
badani ay ka argagaxeen isku dhaca labada maleeshiyo oo ah markii u
horaysay oo ay kala jabaan labada maleeshiyo oo isku beela ah.
Filimada
anshaxa xun, ruugidda Qaadka
iyo isticmaalka Daroogada
Beeralayda Muuska oo dib ujafjafaya Dhul waa hore
Angagay
gabar
codsatay codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa waxay noo sheegtay
in bishii November iyo December in ayadu ay beeratay daroogada waxaana
iiga soogay ayay tiri sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in
aysan jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u
taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen
dhinaca degmada janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan
daroogada...
Guji...
Mukhaadaraadka Lagu Beero
Dhul-Beeraadka Soomaaliya
|
Ka dib markii uu istaagay iib gayntii Muuska Soomaaliya
sanadkii 1994tii waxaa dhaqaalo xumo xoog lihi soo gaareen beeralay badan
oo ku tiirsanaa tacabka Muuska,taasoo keentay in dhul balaaran ay isku
bedelaan jiq iyo dhul angagan,kadib markii loo waayay dhaqaalo lagu jeexo
kelyihii iyo matooradii lagu warabin jiray dalagga Muuska,qalab badan oo ay
ka mid yihiin cagafcagafyada, baabuurta waawayn ee qaada Muuskana ay meel
iskaga dedeen dayactir la,aan dartood.
Balse maalmahan waxaa beeralayda muuska niyadooda soo
kiciyay shirkada lagu magacaabo Shabele Fruit oo suuq gayn u heshay Muuska
dalka Soomaaliya,in ka yar saddex asbuucna markabkii labaad oo ku soo xirto
dekada magaalada Marka kaasoo rari doona shixnadii labaad ee Muus loo iib
geeyo wadamada Dibadda.waxaana durbadiiba shaqo ka helay dad ka badan
10,000 qof nolo maalmeedkooda ka soo saaranaya.
Cali Kadiye oo loo yaqaan(Cali ilay)oo beer wayn oo muusa
ku leh agagaarka Golwayn ayaa ii sheegay in kastoo ay niyadooda kor usoo
qaadayso inay dib ufaagaan Hektaro mar hore cows iyo bacaad ka buuxsamay
haddana baahida jirta ma dabooli karto markab iyo labo loo raro dibadda
waayo buu yiri aad iyo aad bay u yar yihiin inta kusoo aadamaysa beer
waliba inta kartoon oo saamiga loo siiyay,waxuuna yiri tusaale ahaan waagii
hore ee beri samaadkii waxaa beertayda laga rari jiray ilaa iyo 4000
kartoon maantana waxaa saami la iisiiyay in ka yar 200 kartoon marka
kharashka ku baxaya bacriminta,shaqaalaha iyo qalabka ma dabooli karaan 200
kartoon dakhliga ka soo baxa.
Waxuuse Cali kadiye rajo ka muujiyay mustaqbalka inay
dhiiri galinayso inay hore usii mariyaan beeritaankii tacabka Muuska
Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdsho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2004