WARARKII MAANTA: APRIL 26
- Baaq kasoo baxay Hay’adda Mu’atamarka Caalamka
Islaamka ee Somalia
- Hoggaamiyalaal Soomaaliyeed oo Taageeray go'aankii
Kenya
- Ergooyinka shirka Soomaalida oo Meel kale loo
qoondeeyey
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com garyare@msn.com garyare20@yahoo.com
Hay’adda Mu’atamarka Caalamka Islaamka ee Somalia,
ayaa soo saartay Baaq ku wajahan sidii Shirka Soomaalida uu ugu tallaabsan
lahaa Horumar isla markaana ugu bad baadi lahaa Caqabada adag ee soo
wajahay Mudadii uu hakadka ku jiray.
Wakiilka Hay’adda Mu’atamarka Caalamka Islaamka ee
Somalia, Cismaan Buube Yuusuf Rooble, oo qadka Taleefoonka kula hadlay
Shabakaddan isaga oo jooga Magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda Sucuudi
Carabiya isla markaana ka warbixinayay Baaqa ay soo saartay Hay’addaasi
ayaa sheegay in Baaqoodu uu si gaar ah ugu wajahan yahay Dawladda Ku Meel
Gaarka ah, Kooxaha Kale ee SIyaasadda, iyo Hogaamiye Dhaqameedyadda,
Wuxuuna waydiistay dhinacyadaas inay dib ugu laabtaan Madasha Shirka Kenya
si loo soo afjaro Khilaafaadka siyaasadeed ee Somalia.
Buube waxa uu sidoo kale ugu baaqay Soomaalida inay ka
dhabeeyaan heshiiskii Xabad Joojinta ay ee ay dhinacyadda Siyaasadda
Soomaalidu Sannadkii hore ku saxiixeen Kenya, Wuxuuna ka codsaday Dalalka
Xuduudaha la leh Somalia inay dhawraan Qaraarkii Cunaqabataynta Hubka
Somalia ee uu billawgii Sagaashameeyadii soo saaray Golaha Ammaanka ee
Qaramadda Midoobay, iyadoo Beesha Caalamka, Urur Gobaleedka IGAD, iyo cidii
danaynaysa Arrinta Somalia uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii Somalia
ay uga dhismi lahayd Dawlad Wadaag ah oo ay Kooxaha Soomaalidu u dhan
yihiin.
Hay’adda Mu’atamarka Caalamka Islaamka waxay walaac ka
muujisay Joojinta Baasaboorka Soomaaliga oo ay sheegtay in laga yaabo inuu
caqabad ku noqon karo habka Socodsiinta Shirka, Waxayna Hay’addu Hoosta ka
xariiqday inay door muuqda ka ciyaari doonto Dib u Heshiisiinta iyo dib u
dhiska Somalia.
Somalia oo Xubin ka ah Ururka Islaamka ayaa tan iyo wixii
ka dambeeyay markii ay bur burtay Dawladii Milatariga ee Somalia waxay
hay’adaha Islaamku kaalin fir fircoon ka qaadanayeen Samafalka Shacabka
Soomaaliyeed ee dhibaataysan, iyadoo Baaqana uu soo baxay Maalmo yar kadib
markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya uu soo saaray Qoraal uu ka faah
faahinayo Qaabka uu u soconayo Wajiga Saddexaad ee Shirka iyo goorta uu
billaabanayo.
<><><>
Qaar ka mida Kooxaha Soomaalida ee ka qayb galaya
Shirka Dib U Heshiisiinta Kenya ayaa taageeray Qoraalkii uu dhawaan soo
saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, kaasoo qeexayay in Wajiga
Saddexaad ee Shirka la billaabo 6 May, isla markaana 1-da Luulyo lagu soo
afjaro Shirka Caleemo Saarka Dawlad Soomaaliyeed.
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Golaha Samata
Bixinta Qaranka, G-8, Bulshadda Rayidka iyo Koox ka mida SRRC ayaa ka soo
saaray Nairobi qoraal wadajir ah oo ay ku taageerayaan Hindisaha Kenya ee
hab socod siinta Wajiga Saddexaad ee Shirka, Waxayna sheegeen inay diyaar u
yihiin dhinacooda fulinta iyo meel marinta dhamaan qodobadii qoraalka
Kolonzo Mosiyooko ku qeexnaa.
Kooxahan soo saaray Qoraalka Taageeradda ah waxay
waydiisteen IGAD inay dhinaceeda meel mariso Qodobadda ku xusan Qoraalka ka
soo baxay Wasiirka, Waxayna sheegeen in haddii qodobadaas la dhaqan galiyo
isla markaana laga illaaliyo in mar kale uu shirka Dib u dhac ku yimaado ay
xaqiiqo tahay in shirku uu ku tallaabsan doono Horumar Siyaasadeed.
Qoraalkan waxaa ku saxiixnaa, Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah, Maxamed Cabdi Yuusuf, Guddoomiye Ku Xigeenka
Golaha Samatabixinta, Cusmaan Caato, Guddoomiyaha G-8, Maxamed Qanyare, La
Guddoomiyaha SRRC-da, Col Xasan Shaatigaduud, iyo Caasha Xaaji Cilmi oo ku
saxiixday Magaca Ururada Bulshadda Rayidka ah, Waxaana qoraalkaasi
Taageeradda ah Nuqul ka mida la soo gaarsiiyay Xafiiska Shabakaddan ee
Nairobi loo gubiyay Dawlada Kenya, Guddiga Fududaynta IGAD, Wakiiladda
Beesha Caalamka, iyo Ergooyinka Soomaalida ah ee ku sugan Madasha Shirka.
Kooxaha Soomaalida ayaa u muuqda inay ku kala qaybsan
yihiin qoraalkii Wasiirka Arrimaha DIbada ee Kenya uu soo saaray, iyadoo
shalay ay Kooxaha Qaarkood ku tilmaameen Qoraalkaasi mid shirka Fashil sii
galinaya.
<><><>
Ergooyinka Soomaalida ah ee sida Rasmiga ah uga qayb
qaadanaysa Shirka Kenya ayaa loo qorsheeyay in la dajiyo Meel Gaar ah oo ka
baxsan Goobta ay hadda degan yihiin ergooyinku ee Mbagathi.
Xubno ka tirsan Guddiga Hawl Fududaynta IGAD ayaa u
sheegay Shabakaddan in Hoteeladda ay degan yihiin Ergooyinka Soomaalida ah
intooda badan la faarujin doono oo aysan IGAD masuul ka noqon doonin
Qarashaadka ku baxaya Ergooyinka Hoteeladda iska dagay, Wuxuuna sheegay in
la dajin doono Ergooyinka Rasmiga ah ee ka qayb qaadanaysa Wajiga Saddexaad
ee shirka oo Tiradoodu gaarayso 203 qof goob gaar ah.
Xubnahan oo codsaday inaan magacyadooda la adeegsan ayaa
sheegay inay ku wareereen Soomaalida oo mid kastaa uu doonayo in loo
aqoonsado inuu ka mid yahay Ergadda, Halka qaarkoodna ayba ku doodayaan
inay yihiin Hogaamiyayaal Awood ku leh Somalia, Waxayna sheegeen si
jahwareerkaas looga badbaado inay u qorsheeyeen inta ay casuumeen inay
dajiyaan Goob gaar ah.
<><><>
Madaxwaynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa markii ugu
horsaysay si adag u weeraray Siyaasadda Madaxwaynaha Maraykanka, George W.
Bush ee ku aadan Bariga Dhexe.
Mubaarak waxa uu ka hadlay Taageeradda Bush uu siiyay
Siyaasadda Sharon uu ku doonayo inuu qaybo ka mida Dhulka Falastiin uga
baxo, Wuxuuna sheegay in Taageeradda Maraykanka ee Sharon ay muujinayso
inuusan dhex dhexaad ka ahayn arrinta Gobalka Bariga Dhexe.
Mubaarak waxa uu sidoo kale sheegay in ka bixitaanka
qaybo ka mida dhulka Falastiin ee Isreal ay xadgudub ku tahay Xeerarka
Qaramadda Midoobay, sidaas darteedna waxa uu sheegay in loo baahan yahay in
Isreal ay ka baxdo dhamaan dhulalka ay Haysato ee Falastiiniyiinta.
<><><>
Hay’adda Sare ee Culumadda Dalka Ciraaq ayaa ka digay
qorshe ay sheegeen in Maraykanku uu ku weerarayo Magaaladda go’doonsan ee
Fulluujah.
Bayaan ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in Xabad
Joojinta lagu ballamay inay billaabato Tallaadada uu Maraykanku uga gol
leeyahay inuu waqtiga ku dheeraysto, waxayna waydiisteen Saraakiisha
Hogaaminaysa Hawlgalka Maraykanka inay damaanad qaad buuxa ka bixiyaaan
inaysan weerarayn Fulluujah haddii hubka Culus laga uruuriyo
Dagaalyahanadda u jilib dhigay Duulaanka Maraykanka oo ku fashilmay ee
Fullujah.
Xaaladda Magaaladda Fulluujah ayaa wali ah mid kacsan,
iyadoo Masuuliyiinta Maraykanka oo uu ugu sareeyo Madaxwayne Bush-na ay ka
fiirsanayaan sidii ay Magaaladaasi ka yeeli lahaayeen.
Bush ayaa lagu waddaa inuu Taleefoonka la iska arko kula
hadlo Saraakiisha Hogaaminaysa Hawlgalka Fullujah, Waxaana uu soo saari
doonaa Go’aanka ugu dambeeya ee aqalka Cad, inkastoo uusan Bush ahayn
khabiir Milatari haddana iyada oo aan looga maarmin xaaladda taagan ayaa
keentay inuu soo faragashadda Arrinta Fullujah, kadib markii lagu dhaliilay
inuusan dan ka lahayn Askarta Maraykanka ku la’anaysa CIraaq, isla markaana
uu isaga damaashaadayo Beerta lagu Nasto ee Camp David.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com garyare@msn.com
garyare20@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2004