Xuska 50 guurada maalintii ardada madow iyo cadaan la
isku daray USA. Muuqaalka qofka maxaa ka micno ah?. Fanaaniinta
Soomaaliyeedna dhib intee la eg ayay gaysteen?
Bisha May 17keeda wadanka maraykanka waxaa laga xusayaa 50 guuradii
sharcigii maxkamadda sare ee aradada cadaanka ah iyo kuwa madow dawladdu
qasab isugu dartay Sharcigan waxaa loo yaqaan. “Brown V. Board of Education
1954”.
Caruurtii madoobay ee ay dawladda damaanad qaaday
ammaankooda iyo waalidkii dhalayba waxay noqdeen geesiyaal taariikhda galay
oo la ixtiraamo waayo qadiyadda awgeed ayay naftooda qatar u geliyeen. Wax
sahlan ma aha in iskuul aan lagaa rabin oo ardada iyo waalidkooda iyo
macalimiintaba ku diidan yihiin in aad geyso ilmahaaga. qiyaas culayska ay
arrintaas ku leedahay ardada yar yar. Arrintan ayaa keentay in miisaan la
saaro oo la falanqeeyo kuwii diiday maxay u diideen, kuwii doonayayse maxay
ka faa’iideen iwm.
Sida aan ogsoonahay diinta islaamka waxay cadaysay in
qofna uusan ka fiicnayn qof kale ay dadku siman yihiin waxa keliya oo lagu
kala sareeyn karaa waa sida loo kala cabsi badan yahay oo qofba qofka kale
inta uu ilaahay cabsidiisa kaga dheereeyo ayuu ilaahay uga dhow yahay.
Haddaba bani’aadamka diintuu rabo ha sheegto ama waxa uu rabo ha
aaminsanaado waa la isku raacsan yahay in qof lagu faquuqo sida uu u eg
yahay inay qalad tahay hadana ficilada dad qaarkood ayaa noqday kuwa sidaas
qilaafsan.
Waxa ugu badan oo u sabab noqon karo inuu qof cunsuri ama
qabiili noqdo waxaa ugu weyn jaahilnimo taas oo ay soo hoos gelayaan
xaasidnimo iyo sad bursi iyo kuwo kale.
Waxaanse shaki ku jirin in dad badan la marin habaabiyay
oo laga dhaadhiciyay in cadaanku ka qurux badan yihiin dadka kale oo xataa
qaar islaam ah ay oranayaa “caruurtan waxa ay u qurx badan yihiin hooyadood
baa faranji ah”
Haddaan u soo noqonno dalalka reer galbeedka gaar ahaan
Maraykanka dad badan ma aaminsanayn in dadka madow ay yihiin dad ayaga la
mid ah weliba kuwo isku sheegi jiray inay yihiin khubaro culuumta sayniska
in ay mudo badan iyo maal badan ku bixiyeen baaritaanka maskaxda dadka
madow ayagoo soo saaray in aanay bani’aadam ahayn oo ka caqli yar yihiin
dadka cad. Arrintaas oo dhiirisay gumaysi, addoonsi, cadaadis, iyo faquuq
lagula kacay dadkii aan cadaanka ahayn mudo dheer.
Inkastoo wax badan isbedeleen haddana waxaan shaki ku
jirin in aan weli fari ka qodnayn. Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa
Senatoorkii la oran jiray Strom Thurmond (WV)oo qiran kari waayay
gabadhiisa Essie Washington ee madoobeed inkastoo uu si qarsoodi ah u
dhaqaalayn jiray oo uu heshiis qarsoodi ah la galay in aanay gabadhiisa iyo
hooyadeedaba sheegin.
Madaxweyne Lyndon Johnson markii uu u magacaabay Thurgood
Marshall maxkamadda sare ee dalka maraykanka 1967 Senatoor Strom Thurmond
waxaa uu isku dayay inuu horstaago waayo waa markii u horeysay oo nin madow
loo magacaabo maxkamadda sare. Inkastoo uu hor istaagay in ka badan 24
saacadood hadana senatoorka kuma guulaysan oo waa la magacaabay
Senator Trom Thurmond hore waxa uu u yiri “dawlaadda
ciidankasta haday na korkeento ma yeelayno in Negros yimaadaan guryaheena
iyo iskuuladeena iyo xaafadaheena” Senatoor Trom Thurmond waxaa la yiri
1970 waa is bedelay asagoo noqday congresskii ugu horeeyay koofurta
maraykanka ee qorta shaqaale ama caawiye madow ah. Waxaa kale oo la yiri
markii danbe xataa danaha dadka madow waa u fur furnaa.
Nin madow ma noqon karaa madaxa qaybta ugu weyn diinta kirishtaanka ee
“Catholic Pope”?
Diinta christianka qaybta ugu weyn ayaa waxaa soo
foodsaaray arrin aad u kulul iyo layaab waayo ninka madaxda ka ah ee la
yiraahdo John Paul ll ayaa aad u duqoobay weliba caafimaadkiisa uusan
fiicnayn.. Waxaa bilowday hadalkii qofkii dhaxli lahaa waxayna qasab
noqonaysaa in laga soo doorto ku xigeenadiisa oo loo yaqaan “Cardinals”
Ninka aad loo hadal hayaa waa Cardinal Faransis Arinze oo
ah nin madow oo ka yimid Nigeria. Haddii loo doorto macnaheeda waa nin
madow oo ay cadaan badan denbi dhaaf weydiisan doonaan oo u metheli doona
xiriirka ilaah.
Markii u horeysay ma aha waayo diintaan waxaa soo maray 3
qof oo madow laakiin waqtiga waa uu fogaa oo waagaas weli ma la baran midab
faquuq. Waxay kala ahaayeen :
1- Victor-(183-203 A.D)
2)- Gelasius (492-496 A.D)
3)- Mechiades or Militiades (311-314 A.D)
Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in waqtigaas la
yiri midab faquuqa waa yaraa haddase dadka qaarkii waxayba leeyihiin sidee
ninkan madow halkan ku soo gaaray marka hore? Xal ha la raadiyo waayo ma
fiicna in diintu ceebowdo! In dadka cadaanka ah laga nixiyo!.
Waqtigeenan casriga ah qofka sida uu u egyahay waxaa laga
yaabaa wax uu heli lahaa in uu ku waayo ama shaqo ama dalacsiin ama guri
ama baabuur ama adigoon denbi gelin lagu moodo denbiile iwm. Inkastoo
addunku xadaarad badan sheeganayo haddana dadka qaarkii waxyaabahii
asaasiga u ahaa xadaaradda ayay fahmi la’yihiin. Shirkadaha qaar waxay ku
bixiyaan lacag badan si ay u iibiyaan waxyaabaha la isku qurxiyo sida
qalabka jimicsiga, iyo isqurxinta kama wado in isqurxinta iyo jimicsigu xun
yihiin ee laakiin sida qalabka warbaahinta dhalinta u tusto ma fiicna.
Quruxda adduunka isku si looma wada yaqaano oo bulsho
weliba wax la quruxsan ayaa dadka qaar la fool xun. Sidoo kale shaqsiyaadku
isku si uma wada yaqaanaan quruxda ama uma wada arkaan.
Qubarada culuumta bulshada waxay hadda walaac ka
muujiyeen sida qalabka warbaahinta u luminayo bulshada gaar ahaan dhallinta.
Taasoo dhib weyn ku haysa dhalinyarada saboolka ah ama kuwa buuran oo uu
qalabka warbaahintu ku sheego inay fool xun yihiin.
Gabar baad tahay ee xayndaabka ragga ha soo gelin!
Muqaalka qofka oo lagu takooro waa dhinacyo badan yahay
lab iyo dhiddig waa ka mid waxyaabaha dadka haysta. Bal u fiirso waxa
gabadhan ku dhacay.
Dhowaan dadka maraykanka waxay la kulmeen yaab markii
haweenay la yiraahdo Marth Steward lagu xukumay 20 sanadood oo xarig ah.
Waxaa lagu eedeeyay inay diiday amar dawlo iyo inay been sheegtay. Martha
waxay ka mid noqotay maalqabeenada Ameerica oo loo yaqaan “Corporate
America” kuwaasoo dhowaananahanba eedeyn ku saabsan inay wax ka xadeen
shaqaalahooda iyo hantidii loo dhiibtay loo soo jeedinayay ama inay dadka
ka qariyeen wax lagu qasaarayo oo ay ogaayeen.
Dadka aan dhaqaalaha haysan xarigooda lama maqlo ee
haweenaydan waxay ahayd maalqabeen caan ah oo leh TV, qortayna buugaag,
khabiirna ku ahayd guri sharaxidda sidaa darteed ayay noqotay wax haweenka
maraykanku ku riyoodaan inay noqdaan sideedoo kale. Sababta loogu xukumay
gabadhan xarigga intaa la eg ayaa waxaa uu dhaliyay muran aad u dheer.
Dadka waxay u qaybsanaayeen sidan:
1) Dadka iyo dawladdaba waxay ku xanaaqsanaayeen
maalqabeenada wax dhaca marka ayada nasiibkeed waa loogu hor qabtay oo
tusaale ayaa laga dhigayay.
2) Haween kibir badan oo heer sare gaartay ayay ahayd oo
la wada necbaa. Dadka ku farxay xarigeeda waxaa u badnaa haween ka
maseersan horumarkeeda.
3) Denbiga ay gashay oo ah inay ku lahayd basaas suuqa
stockga oo looga sii digi jiray wixii qasaaraya intii aananay dadka kale
ogaanin oo ay ka bixi jirtay ayay dadka qaar u arkaan denbi wayn.
4) Kuwa ugu danbeeya oo ah in ay haween tahay ayaa
xarigga aad loogu adkeeyay.
Qodobkan afraad ayaa ah kan ay haween badan leeyihiin
Martha Steward haddii aanay haweenimada eersan maxaa keligeed loo xiray oo
raggii kale oo la wada ogaa inay wax xadeen loo xiri waayey sida ENRON ?
Maxaa xabsiga loogu badiyay? Raggii kale meeye oo wax xaday? Haddii ay been
sheegtay ma keligeedaa beensheegtay?. Haddii ay nin maal qabeen ahaan
lahayd sidaas ma loo geli lahaa?
Haweenka maraykanka badankood waxay dhaafi la’yihiin
saqafka aan la arkayn (glass ceiling) oo horyaal haweenka dadaala. Markii u
horaysay haweenka waxaa fursad madaxwene ku xigeen siiyay murashaxii hore
ee madaxweynaha maraykanka Walter Mondale 1984 markii uu magacaabay
Geraldine Ferraro haweentii ugu horeysay uguna danbaysay oo ku sigatay inay
noqoto madaxweyne ku xigeen. Haweenka maraykanka congresska dawladda
federaalka waxay ka yihiin 15-20%. Musharka ragga qaato waxay ka yaraystaan
25% isku celcelis.
Haweenka maraykanka waxay ku hamiyaan in ay mar uun ka
gudbi doonaan caqabadaha horyaalla oo waxay is weydiiyaan goormaan ragga la
tartami doonaa ama la sinaan doonaa?
Fanaaniinta Soomaaliyed kama marna gefka?
Hal abuurayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa curiya
heesaha jacaylka ama caashaqa. Waxay noqdeen kuwa si aan ka fiirsi lahayn u
dhibaateeya dhalaanka soo koraya. Ayagoon ula jeedin ayay maalin walba u
gefaan.da’da soo koraysa waayo waxay noqdeen kuwa jideeya qofka quruxsan
iyo qofka aan quruxsanayn ama fool xun. Qofka weyn waa kala saari karaa
laakiin qofka yar waxaas iyo waxa uu bulshada ka maqlo ayuu qurux u
fasiranayaa. Hal abuurayaasha caashaqa waxay noqdeen kuwa had iyo jeer
sharaxa waxa ay quruxi tahay. Marka ay gabar quruxdeeda tilmaamayaan waxaa
laga yaabaa in ay ku dheeraadaan laga soo bilaabo tin ilaa cirib qaarkood
quraanka ayayba kula galgashaan sida quraankaa cadeeyay oo lacadaabi maayee,
ama camo iyo watiin iyo waduxaa oo idil haddii la igu aqriyo ......
Inkastoo fanaaniinta aduunka oo dhan waxaas ku dhaqmaan
hadana waxaa haboon inay ogsoon yihiin inay dad u gefayaan markasta oo ay
qaadaan hees lagu tilmaamayo ama lagu sifaynayo gabar quruxsan. Haddii ay
wax fiican tahay amaanta quruxda diinteena ayaa nagu dhiirin lahayd in aan
samayno.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA.
Dad siyaasad
isaga Soo Horjeda ayaa Dejinaya Manhajka Ardada Minnesota
Marka siyaasad iyo
waxbarashada caruurta la isku qaldo maxaa ka iman kara?....
Wardheere
Nov 3
Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma
Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur
Wardheere..
Guji..
QORAALADII HORE EE WARDHEERE
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2004